Soomaali badan oo lagu helay wax isdaba marin ka dhacday Minnesota

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka Pam Bondi ayaa sheegtay in 85 qof oo Somaali ah lagu soo oogay dacwad wax isdabo marin ah gobolka Minnesota, xeerilaaliyaha ayaa intaas ku dartay in dad kale oo badan ay dacwadood ku oogistoodu socoto.

Qoraal ay ku daabacday boggeeda X, ayey Bondi ku ammaantay warbixinta wariye mareykan ah Nick Shirley ka sameeyey magaaladaasi , taas oo muujineysay "heerka baaxadda leh ee 'wax isdabo marinta ee ka socda Minnesota xilligii uu gudoomiyaha yahay Tim Walz (D)'. "waaxda caddaaaladda waxa ay arrintaan baareesay muddo bilooyin ah, illaa hadda waxaa dacwad lagu soo oogay 98 qof oo 85 ka mid ah ay Soomaali yihiin, kuwaas oo 60 kamid ah maxkamad ay dambiga ku heshay" ayey tiri Bondi.

Qoraalka xeer ilaaliyaha ayaa yimid kadib markii Nick uu daabacay muuqaal uu ku booqanayo dhowr xarumood oo xannaano-caruur ah oo ku yaalla Minnesota, kuwaas oo la sheegay inay qaadanayeen malaayiin doollar oo ah lacagaha ay dowladda bixiso, inkastoo aanay goobahaasi kasoo muuqanin caruur lagu xanaaneynayo ama jooga.

Nick Shirley wuxuu booqday xarunta "Quality Learning Centre" oo ku taalla Koonfurta Minneapolis, isagoo sheegay in xarunta xitaa uu magacoodu u qoran yahay si qaldan, "erayga learning-ka" xitaa si sax ah uma aysan qorin, halkii uu ahaa"learning" ay u qoreyn "learing." ayuu yiri Nick.

Inta uu duubayey muuqaalka wariyahan ayaa waxaa kasoo muuqday haweeney Soomaali ah oo ku qeylineysa 'Ha furin' iyada oo u maleneysay in wariye Nick iyo nin la socday ay yihiin saraakiil ka tirsan Hay'adda Socdaalka iyo Kastamka (ICE).

Dhawaan ayey ahayd, marki Trump ayaa ugu yeeray Minnesota ''xuddunta lacagaha sharci darrada, halkaas oo lagu dhaqo lacagta aan sharciga ahayn, uuna maamulo barasaabka dimuqraadiga Tim Walz, taas oo u muuqata inay tahay jawaab ka timid warbixino warbaahineed oo aan la xaqiijin, oo ay la wadaageen xildhibaannada Jamhuuriyiinta ah ee ay isku xisbiga yihiin.

Sidoo kale Trump ayaa sheegay in kooxda mintidiinta Alshabaab ee Soomaaliya ay ka faa'iideystaan wax-isdaba marinta ka dhacday Minnesota.

Waxaa facelin adag ka sameeyey dhalinyarada, siyaasiyiinta, ganacstada, culimada iyo odayaasha Soomaalida ee Minnesota, iyaga sheegay in arintu tahay mid uu ku doonayo inuu ku sumcad dilo, walow kiisaskaan ayaa soo ifbaxayaan dhawaanahaan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Warbaahinta Mareykanka oo qodobkaan aad wax uga qoray ayaa sheegaysa in maamulka Trump kaliya uu bilaabay hawsha, taasina aysan ka dhigeyn mid loo helayo isla xisaabtan buuxa. Dadka neceb muhaajiriinta ee midigta fog ayaa arinkan u arka fursad lagu bixin karo dadka soo galootiga ah sida Soomaalida, waxa ayna baraha bulshada ku qorayaan in gobolka ay Soomaalidu ku badan tahay uu yahay mid u baahan "Hagaajin".

Agaasimaha Hay'adda Baarista Federaalka (FBI), Kash Patel, ayaa hore u sheegay in hay'addu ay ka warqabto warbixinnada dhawaan lagu faafiyay baraha bulshada ee Minnesota, isagoo ku daray in xitaa ka hor inta aysan arrintu iman baraha bulshada ay hay'addu ay xogta heshay, kadibna FBI-du ay kordhisay shaqaalaha iyo dambi baarayaasha ka howl-galayey Minnesota. si loo burburiyo shabakadaha iyo dadka ku lugta leh musuqmaasuqa baaxadda leh ee ka faa'iidaysanaya barnaamijyada iyo lacagaha kaalmadaha ah ee ay dowladdu bixiso, kuwaas oo loogu talo galay in lagu kaabo caafimaadka iyo waxbarashada.