Barasaabka Minnesota oo ka hadlay waxa dhex maray wiilka Ilhaan Cumar iyo ciidamada socdaalka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Barasaabka gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka Tim Walz ayaa sheegay in ciidamada socdaalka ee ICE ay istaajiyeen wiillka xildhibaan Ilhaan Cumar oo laga soo doorto Minneapolis, isaga oo raacay sharciga, uuna waqtigaasi u socday guriga.
''Tani ma aha howlgal lagu beegsanayo dambiilayaasha ee waa faquuq bulsheed'' ayuu yiri Walz.
Xildhibaan Ilhaan Cumar oo dhankeeda hadashay ayaa sheegtay in saraakiil ka tirsan socdaalka federaalka ay Sabtidii joojiyeen wiilkeeda, isla markaana ka dalbadeen inuu caddeeyo dhalashadiisa Mareykannimo.
"Shalay, kaddib markii uu istaagay dukaan ku yaalla Target, waxaa joojiyay saraakiil ka tirsan (Hay'adda Socdaalka iyo Kastamyada Mareykanka (ICE)), markii uu u soo bandhigay baasaboorkiisa ayay sii daayeen," ayay Ilhaan ku tiri wareysi ay siisay Esme Murphy oo soo jeediya barnaamijka WCCO Sunday Morning.

Xigashada Sawirka, Getty Images
WCCO ayaa la xiriirtay ICE si ay uga helaan faallo ku saabsan dhacdadan. Xildhibaanadda ayaa sheegtay in wiilkeedu "mar walba wato" baasaboorkiisa.
Ilhaan ayaa sidoo kale sheegtay in ICE ay horay u galeen masjid ay wiilkeedu iyo dad kale ku tukanayeen, balse ay ka baxeen iyaga oo aan wax dhibaato ah geysan.
Kaddib arrintaas, ayay tiri, "waxaan ku qasbanaaday inaan xusuusiyo sida aan uga walwalsanahay, sababta oo ah dhammaan goobaha ay ka hadlayaan waa goobo uu isagu ku sugnaan karo, waxayna sameynayaan takoorka ku saleysan midabka ama qowmiyadda, waxa ay raadinayaan wiilal da'yar oo u ek Soomaali kuwaas oo ay u haystaan inay yihiin dad aan sharci haysan."
Horaantii bishan, saraakiil federaal ah ayaa si weyn u soo buux dhaafiyay Magaalooyinka Mataanaha ah, iyaga oo sheegay in ujeeddadoodu tahay beegsiga muhaajiriinta Soomaaliyeed ee aan sharciga haysan. Waxaana diiradda la saaray bulshada Soomaaliyeed ka dib markii Trump uu sheegay in uusan ''doonayn iinay Mareykanka joogaan'' waxaana uu Ilhaan Cumar ku tilmaamay ''khashin''
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Jimcihii, Ilhaan Cumar waxa ay warqad u dirtay xooghayaha Waaxda Amniga Gudaha ee Mareykanka (DHS) Kristi Noem iyo Todd Lyons, oo ah agaasimaha ku meel gaarka ah ee ICE, iyada oo ku eedeysay saraakiisha federaalka "takoorka muuqda ee ku saleysan qowmiyadda" iyo "adeegsiga awoodda xad-dhaafka ah oo aan loo baahnayn" ee ka dhacay magaalooyinka mataanaha.
"Waa ay ii caddahay in howlgalkani xooggani uu si toos ah uga dhashay hadallada cunsuriyadda ah ee Trump ee ku saabsan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan aniga," ayay Ilhaan qortay.
Xogta Xafiiska Tirakoobka Maraykanka ayaa muujinaysa in Minnesota ay ku nool yihiin bulshada Soomaaliyeed ee ugu badan dalkaasi, iyada oo qiyaastii 107,000 qof, in ka badan 80,000 oo ka mid ahna ay ku nool yihiin magaalooyinka mataanaha.
Ilhaan ayaa ku adkaysanaysa in "in ka badan 90% Soomaalida ku nool Mareykanka ay yihiin muwaadiniin Mareykan ah," iyada oo tixraacaysa daraasada sahanka bulshada Maraykanka (American Community Survey) ee ay sameeyeen waaxada tirakoobka, taasi oo qiyas ahaan ah in ku dhowaad 22,000 oo Soomaali ah, qiyaastii 8.4% bulshada aysan ahayn muwaadiniin.
Ilhaan ayaa ku dhalatay Soomaaliya, waxa ayna Maraykanka tagtay iyada oo carruur ah, waxa ayna heshay dhalashada Maraykanka sannadkii 2000.
Istaajinta ay ku sameeyeen ciidamada ICE, wiilka xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa ku soo beegmaysa xilli Soomaalida ku nool Minnesota ay soo wajahday cabsi, iyada oo saamayn ku yeelatay dhaqaalihii iyo ganacsigii Soomaalida, maaddaama cabsi darteed ay u soo bixi waayeen dadka qaarkood.













