Xiriirka la yaabka leh ee u dhaxeeya timaha cirroobay iyo Kansarka

.

Xigashada Sawirka, SPL

Timaha cirroobay ayaa badanaa loo arkaa calaamad gabow. Waxa ay si muuqata noo xasuusisaa sannadaha socda iyo dhammaan isbeddelada jirka ee la socda. Balse cilmi-baaris dhowaan la sameeyay ayaa muujisay caqabad aragti fudud, iyada oo muujinaysa in timahaas qallinka u eg ay noqon karaan muuqaalo muuqda oo ka turjumaya hababka difaaca jirku leeyahay si uu uga hortago kansarka.

Daraasad cusub oo lagu sameeyay jiirarka ayaa iftiimisay habab cajiib ah oo jirkeenu u maareeyo dhaawaca unugyada, habkaan oo muhiim u ah gabowga iyo kansarka labadaba. Marka da'du sii kororto dhaawaca unugyadu si tartiib tartiib ah u daciifaya unugyada una carqaladeeya shaqadooda. Marka ay timaado kansarka unugyada xumaaday ama aan la hagaajin karin waxa ay keeni karaan korriin aan caadi ahayn iyo samaysan kara buro.

Daraasadan ayaa muujisay xiriir la yaab leh oo u dhaxeeya luminta midabka timaha iyo hababka laga yaabo inay gaabinayaan horumarinta kansarrada la yaabka leh.

Unugyada (melanocyte stem) ayaa udub dhexaadka ah ee daraasadan. Unugyadan waxay ku jiraan folikoollada qotada dheer ee timaha waxayna u adeegaan sidii kaydka loogu hayo melanocytes-ka, unugyada soo saara midabka ayaa mas'uulka ka ah midabka timaha iyo maqaarka.

Xaaladaha caadiga ah, unugyada (melanocyte)ka waxa ay cusboonaysiiyaan unugyada soo saara midabka iyaga oo maraya dib-u-soo-noolayn wareeg ah, hab lagu garto marxalado soo noqnoqda oo firfircooni, nasasho, iyo cusboonaysiin ah, taas oo la jaanqaadaysa wareegyada dabiiciga ah ee koritaanka iyo daadsashada timaha. Tani waxa ay xaqiijineysaa sahay joogto ah oo midab iyo midabka timaha oo firfircoon inta ugu badan nolosheena.

Si kastaba ha noqotee, maalin kasta unugyadeennu waxay la kulmaan dhaawac (DNA) (walxaha hidde-sidaha ee unugyada) oo ka yimaada ilo kala duwan, sida shucaaca (ultraviolet), soo-gaarista kiimikooyinka, iyo xitaa habka dheef-shiidka unugyadeenna. Dhaawacan unugyada ah wuxuu gacan ka geysanayaa gabowga iyo khatarta kansarka, sida melanoma, oo ah nooc ka mid ah kansarka maqaarka.

Cilmi-baaristan cusub waxa ay iftiimisay waxa dhaca marka unugyada melanocyte-ka, ee ku yaal gudaha godka timaha, ay la kulmaan dhaawaca DNA, oo ay ku jiraan nooc dhaawac ah oo loo yaqaan "jabka laba-lakab ah" (double-strand break).

Xaaladdan, unugyada melanocyte-ka waxay mari karaan habka loo yaqaan "senodifference." Si kooban, tani waxay ka dhigan tahay in unugyada (melanocyte) ay si joogto ah u kala duwanaadaan una noqdaan unugyo midab leh kadibna ka baaba'aan kaydka unugyada (melanocyte) , taas oo keenta muuqashada timaha caddaanka ah si tartiib tartiib ah.

Habkan difaaca ayaa si adag u maamula dariiqyada isgaarsiinta gudaha ee u oggolaanaya unugyada inay la xiriiraan. Marka unugyada qaangaarka ah laga saaro bakhaarka unugyada hooyada, waxa la xakameynayaa ururinta iyo faafidda suurtagalka ah ee isbeddelada hidde-sidaha ama DNA-ga ee keeni kara kansar.

Xiriirka Kansarka

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ma aha in dhammaan dhaawaca DNA-ga uu kiciyo habka difaaca. Tijaabooyinkooda, cilmi-baarayaashu waxa ay unugyada melanocyte-ka ee dooliga u soo bandhigeen walxo carcinogenic ah iyo shucaaca UV. Si layaableh, xaaladahaan culus, unugyada hooyada ee melanocyte-ka gebi ahaanba ma aysan tixgelin "senodifference."

Laakiinse, calaamadaha unugyada ku xeeran ayaa dhiirrigeliyay unugyada dhaawacan inay dib isu cusboonaysiiyaan oo ay sii wadaan qaybinta, inkasta oo uu jiro dhaawaca hidde-sidaha. Tani waxay abuurtay deegaan unug oo ku habboon horumarinta melanoma.

Cilmi-baaristani waxa ay soo jeedinaysaa in masiirka unugyada melanocyte-ka ay u muuqdaan kuwo ku tiirsan labadaba nooca dhaawaca ay la kulmaan iyo calaamadaha (molecular) ee ku jira deegaanka yaryar ee unugyada. Walxaha culus, sida kiimikooyinka ama shucaaca UV, ayaa keena jabka DNA-ga, sidoo kale waxay horseedaan is-dilista unugyada melanocyte-ka. Habkan ayaa mas'uul ka ah timaha caddaanka ah.

Balse saamaynta unugyada kansarka, melanocyte-ka ee dhaawacan ayaa sii jira, iyaga oo abuuraya meelo asal ah oo (melanoma) ka soo bixi karto. Saynisyahannadu waxay arrintan u yaqaanaan "masiir iska soo horjeeda"—oo macnaheedu yahay in isla kaydka unugyada (melanoma) ay raaci karaan laba waddo oo aad u kala duwan, iyada oo ku xiran xaaladaha.

Waxaa muhiim ah in la adkeeyo natiijooyinka dib u fasiraada timaha caddaanka iyo melanoma, ma aha sidii in aysan xiriir lahayn, balse laba waji geeddi-socod da' dheer oo loogu talagalay in lagu dheellitiro cusboonaysiinta unugyada iyo ka hortagga kansarka. Gabowgu isagu laftir ahaantiisa ma aha, si gaar ah, unug cusboonaysiin iyo kahor taga kansarka, laakiin waa saameyn dhinac ah oo ka dhalata hab difaac oo baabi'ya unugyada halista ku jira.

Si lamid ah, marka hababka xakamaynta ay daciifaan ama ay carqaladeyaan walxaha carcinogenic. Fahamkan cusub wuxuu sidoo kale sharxi karaa sababta aan ugu nugulnahay kansarka marka aan gaboowno.

Haweeneey timaheedu cirreysteen oo sii jeeda

Xigashada Sawirka, Kimberrywood via Getty Images

Dabcan, waa muhiim in la xuso xaddidaadaha natiijooyinkan. Inta badan xogta aasaasiga ah waxay ka timaadaa tijaabooyin lagu sameeyay dooliga. Tani waxay ka dhigan tahay in cilmi-baaris dheeraad ah loo baahan yahay marka laga hadlayo dadka si loo ogaado haddii unugyada (melanocyte)-ka ee bini'aadamku u shaqeeyaan si la mid ah. Kala duwanaanshaha noolaha iyo kakanaanta nolosha iyo hidde-sidaha aadanaha waxay ka dhigan tahay in xiriirka u dhexeeya timaha iyo khatarta kansarka ee bini'aadamku uu weli yahay mid adag.

Si kastaba ha ahaatee, ogaanshahaan wuxuu furaa rajooyin xiiso leh oo ku saabsan cilmi-baarista kansarka iyo (gerontology). Fahamka calaamadaha kiciya unugyada (melanocyte) si ay u kala duwanaadaan ama u badan yihiin si halis ah waxay maalinta dambe keeni kartaa horumarinta daawooyin xoojiya difaacyada dabiiciga ah ee jirka, iyo in la yareeyo khatarta kansarka marka da'da la gaaro.

Saameyntu waa mid ballaaran. Macluumaadkan wuxuu sharxi karaa sababta qaar ka mid ah dadka ay u yeeshaan (melanoma) xitaa iyaga oo aan la kulmin khataraha muuqda, iyo sababta kansarka iyo burburka unugyada ay badanaa ugu xiran yihiin dadka waayeelka ah.

Sheekada timaha cirrada maaha oo kaliya qurux ama waqti isku dhaafsiin caadi ah. Waxa ay la xiriirtaa isbeddelka, la qabsiga, iyo feejignaanta joogtada ah ee ilaaliyeyaasha gudaha ee jirka. Timahaas qalinka u eg waxay muujin karaan wax qoto dheer: iyo dagaalka u dhexeeya gabowga iyo kansarka, mararka qaarkood waa dhaca in la huro ungyo si loo helo wanaaga xubnaha oo dhan.