Cabsida ay Soomaalida ku nool Australia ka muujiyeen weerarkii loo geystay Yahuudda

Xarakow

Xigashada Sawirka, IBRAAHIM BAAFO

Qoraalka sawirka, Dr Xuseen Xarakow, guddoomiyaha jaaliyadda Soomaalida

Falcelinno badan ayaa ka dhalatay weerarkii shalay loo geystay bulshada Yahuudda ee ku dabaa-degeysay xeebta Bondi, magaalada Sydney ee dalka Australia.

Weerarkan ayaa lagula kacay bulshadaas oo xaflad ku dhiganayay xeebta, iyadoo booliisku ay sheegeen in nin iyo wiilkiisa ay falkan geysteen.

Soomaalida ku dhaqan dalkaas ayaa ka mid ah dadka ka falceliyay, iyagoo walaac ka muujiyay cawaaqibta ka dhalan karta weerarkaas.

Dr Xuseen Xarakow oo ku nool magaalada Melbourne ahna guddoomiyaha jaaliyadda Soomaalida ayaa sheegay in bulshada Muslimiinta, gaar ahaan Soomaalida ay dhib u keeni karto arrintan.

"Bulshada, gaar ahaan dumarka ayay dhib u keeni kartaa, maaddaama ay xijaaban yihiin, aad ayay u saameysaa, dumarka Soomaalida gaar ahaan oo xijaabka aad ugu dheggan ayay saameyneysaa, ragga wayba ka badbaadi karaan, laakiin dumarka meelaha dadweynaha isugu yimaadaan ayay kala kulmaan aflagaaddo mar walbuu weerar dhaco," ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in haatan ay xaaladdu deggan tahay, balse ay ka baqayaan in booliisku tallaabo qaado.

Ciidamada booliiska ayaa tagaya meelaha macbadyada iyagoo indha indheyn ku sameynaya sida ay xaaladdu tahay.

Australia

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dhankiisa, Daadir Xalane oo ku nool magaalada Sydney oo ay ku taallo Xeebta Bondi ee weerarku ka dhacay ayaa BBC u sheegay inay lama filaan ku noqotay weerarka dhacay.

"Waa xeeb caan ku ah dalxiiska Australia gaar ahaan magaalada Sydney, qof walba oo yimaada Sydney waa meel uu booqdo uuna dhoho haley geeyo oo aan soo arko. Waxay kulmisaa dhammaan dalxiisayaasha caalamka. Waa xeeb ay ku yaallaan maqaayado waaweyn oo cunnooyin kala duwan laga helo, taas ayaa ka dhigeysa mid caan ah., oo xeebaha kale ka duwan.

"Marna lama fileyn xeeb sidan caan u ah inay wax ka dhacaan." Ayuu intaa raaciyay.

Wuxuu sheegay in dadku ay haatan cabsi muujinayaan, oo qaarkood aysan shaqo aadin.

Australia

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dhowr bulsho oo Muslim ah oo ku sugan dalka Australia ayaa sidoo kale soo saaray cambaareyn ku aaddan weerarkaas.

Golaha Qaran ee Imaamyada Australia, oo ah hay'ad matasha imaamyada iyo Muslimiinta dalka, ayaa war-saxaafadeed ku sheegay sidatan "Iyadoo weerarkani uu beegsaday bulshada Yuhuudda, haddana dhab ahaantii waa weerar lagu soo qaaday dhammaanteen, oo ay ku jirto bulshada Muslimiinta. Ficilkan argagixiso ee rabshadaha wata wuxuu ka dhigan yahay weerar lagu soo qaaday dhammaan dadka reer Australia."

"Naceybka Yuhuudda, oo lagu muujiyo nacayb, dhibaateyn, iyo rabshado loo geysto bulshada Yuhuudda, kuma haboona bulshadeena," ayaa lagu yiri bayaanka muslimiinta.

"Waxaan ku boorrinaynaa bulshada iyo wakiillada inay la xiriiraan deriskooda, saaxiibadooda, iyo asxaabtooda Yuhuudda si ay u fidiyaan taageero inta lagu jiro xilligan adag."

Isbahaysiga Muslimiinta Australia, oo ka kooban ururada Muslimiinta ee dalka oo dhan, ayaa war-saxaafadeed ku sheegay in "kuwa mas'uulka ka ah waa in si buuxda loola xisaabtamaa lana mariyaa awoodda sharciga oo dhan".

Maxay dowladda Ausralia ka tiri?

Australia

Xigashada Sawirka, Getty Images

Raysal wasaaraha Australia ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay inuu soo qaban qaabiyay shirka qaranka ee golaha wasiirrada si uu uga falceliyo "falka argagixisada iyo Yahuud-naceybka xalay ak dhacay Bondi".

"Waxaan garab taagannahay Yahuudda Australia waxaana u taagannahay inaan kasoo horjeesanno nacaybka iyo rabshadda," ayuu yiri Albanese oo qoraal soo dhigay X.

"Australia way ka awood badan tahay kuwa isku dayaya inay kala qeybiyaan waanan isugu imaan doonnaa tan annagoo wadajirna."

Goor sii horreysay, Albanese ayaa ku dhawaaqay inuu dardar gelin doono in shuruux adag laga soo saaro hubka.

Waa kuwee dadka ku dhintay weerarka?

Australia

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ciidanka bilayska ayaa sheegay in shan iyo toban qof ay ku dhinteen weerarkii ka dhacay xeebta Bondi, iyadoo dadkaasi ay da'doodu u dhaxaysay 10 ilaa 87 jir.

Halkan waxaan idinkugu soo gudbineynaa kuwa si shaac ah loo ogyahay ilaa hadda:

Qoyska Rabbi Eli Schlanger oo 41 jir ah kuna dhashay Britain, ayaa u sheegay BBC-da inuu ka mid ahaa dadka dhintay. Waxa uu gacan ka geystay abaabulka munaasabadda Hanukkah ee Bondi, waxaana uu ahaa kaaliyaha rabbi, sida uu sheegay ururka Yuhuudda ee Chabad, oo martigeliyay munaasabadda.

Sidoo kale dadka dhintay waxaa ka mid ahaa, sida uu sheegay ururku, nin xubin ka ahaa Chabad oo lagu magacaabo Reuven Morrison iyo Rabbi Yaakov Levitan, oo ahaa xoghayaha Sydney Beth Din, oo ah machad diimeedka Yuhuudda.

Ninkan hore uga badbaaday dilkii Yahuudda lagu xasuuqay Alex Kleytman ayaa sidoo kale lagu dilay shaqaaqada, taas oo uu kala qaybgalay carruurtiisa iyo kuwa uu awoowaha u yahay, ayuu yiri Chabad.

Muwaadin u dhashay Faransiiska oo lagu magacaabo Dan Elkayam ayaa sidoo kale dhintay, wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska Jean-Noël Barrot ayaa ku xaqiijiyay barta X. "Waxaan u baroor-diiqeynaa qoyskiisa iyo dadka uu jeclaa, bulshada Yuhuudda, iyo shacabka Australia ee baroor-diiqa ku jira," Barrot ayaa sidaa qoray.

Gabadh 10-jir ah oo ay booliisku sheegeen inay ka mid tahay dadka waxyeelladu ka soo gaartay ayaa warbaahinta deegaanka ay ku magacaabeen oo kaliya Matilda, maaddaama qoyskeeda ay codsadeen in aan la shaacin magaceeda dambe. Macallinka Matilda ayaa ku tilmaamay inay tahay "ilmo ifaya, faraxsan, oo firfircoon oo iftiin ku biirisa qof kasta oo ku xeeran".

Mid kale oo ka mid ah dadka waxyeellada ka soo gaartay ayaa ahaa Peter Meagher, oo horey u ahaa nin bilays ah oo si iskii ahna ula shaqeyn jiray kooxda rugby-ga deegaanka. Waxa uu ka ahaa sawir qaade madax-banaan munaasabadda Hanukkah, ayay tiri kooxda Randwick Rugby Club.