Axmed: Waa kuma geesiga hubka ka qaaday ninka soo weeraray Yahuud dabaal-degeysay?

Axmed oo la lagdamaya Mid kamid ah kuwii weerarka soo qaaday

Qof goobjooge ah ayaa loo aqoonsaday ''geesi'', kaasi oo kasoo muuqday muuqaal isaga oo ka qaadaya qoriga mid kamid ah kuwii soo weeraray Bondi Beach, kaasi oo lagu magacaabo Axmed al Axmed oo 43 jir ah,

Muuqaal ay BBC xaqiijisay ayaa muujinaya Axmed oo ku ordaya dhinaca ninka hubaysan, kana qaadaya hubka, ka dibna qoriga ku jeedinaya isaga, taasi oo ku khasabtay inuu dib u gurto.

Axmed oo ah ganacasade iibiyaha miraha isala markaana ah aabbe labo carruur ah leh, ayaa weli ku jira isbitaalka, halkaas oo loogu samaynayo qalliin dhaawacyo rasaas ah oo kaga dhacay gacanta iyo faraha, sida ay qoyskiisa u sheegeen 7news Australia.

Shan iyo toban qof ayaa dhintay, tobanaan kalana waa ku dhaawacmeen toogashada dhacday habeenkii Axadda, taas oo dhacday xilli in ka badan 1000 qof ay ka qayb galayeen munaasabad loogu dabaal degayay Hannuka. Booliiska ayaa ku dhawaaqay in dhacdadani ay tahay fal argagixiso oo lagu beegsaday bulshada Yahuuda.

Qoraalka Muuqaalka, Daawo qaabka uu hubka uga qaaday

"Waa geesi, boqolkiiba boqol waa geesi. Waxaa ku dhacday labo xabbadood, mid gacanta ah iyo mid faraha ah." ayuu yiri Ina-adeerka Axmed, Mustafa, oo u sheegay 7News Australia fiidkii Axadda

Wararkii u dambeeyay ee subaxnimada hore ee Isniinta, Mustafa ayaa yiri "Waxaan rajaynayaa inuu fiicnaan doono. Waan arkay xalay. Wuxuu ahaa mid fiican, balse waxaan sugaynaa waxa dhakhtarku yiraahdo."

Booliisku waxa ay sheegeen in labada qof ee weerarka soo qaaday ay ahaayeen aabbe iyo wiilkiisa, da'dooduna ay kala tahay 50 iyo 24 sano.

Waxa ay xaqiijiyeen in ninka 50-jirka ah uu ku dhintay goobta, halka 24-jirku uu weli ku jiro isbitaalka iyada oo xaaladdiisu ay aad u daran tahay.

Muuqaallada muujinaya marka uu Axmed ninka qoriga sita qabanayo ayaa Axmed ayaa si weyn loogu faafiyay internet-ka.

Waxa ay muujinayaan mid ka mid ah kuwa dadka tooganaya oo taagan gadaasha geed timir ah, meel u dhow buundo yar oo dadku maraan, isaga oo qoriga u jeedinaya kuna ridaya rasaas bartilmaameed aan muuqan.

Axmed, oo ku dhuumanayay gadaasha gaari, ayaa la arkayaa isagoo si lama filaan ah ugu boodaya mid kamid ah kuwa dadka tooganaya, kana adkaanaya.

Wuxuu ku guuleystaa inuu ka qaado qoriga, dhulka ayuu ku riixay, kuna jeediyay qoriga. Iyada oo qofka weerarka soo qaaday bilaabaay inuu dib ugu gurto dhanka buundada.

Kadib Axmed wuxuu hoos u dhigayaaa hubka, gacanna kor u taagaayaa, isaga oo u muuqda inuu booliiska tusayo inuusan ka mid ahayn toogtayaasha.