Ganacsade kasoo jawaabay warbixin ay BBC ka sameysay barakacayaal ayuuto ku iibsaday dhul

Soomaaliya

Qoysas barakacayaal ah oo muddo soo waday in ay lacag iska ururiyaan taas oo ah 'Ayuuto' ama hagbad ayaa bilaabay dhawaan in ay dhul ku iibsadaan lacagtaas. Lacagta laga ururinayay qoysaska ayaa aheyd ayuuto, waxaana bil walba qoys loogu iibinayay boos ku yaal duleedka degmada Afgooye.

Qoysaskan waxa ay ku tiirsanaayeen lacagta ay iska ururiyaan taas oo marka qofka ay timaado waqtigiisa la siinayay balse dad badan ayaa maqlay warbixintii hore ay BBC-da uga qortay qoysaskan.

BBC-da ayaa hore u booqatay qoysaskan oo ka sameysay warbixin ku saabsaneyd duruufaha ay ku nool yihiin, waxa keenay in ay ku fakaraan iibsashada dhul iyo sida ay lacagta intaas la eg ku ururinayaan.

Xiligaas waxay noo sheegeen in jidka kaliya ee lacagtaas lagu heli karo ay aheyd in qof kasta uu lacag ayuuta ama hagbad ah uu bixiyo bishii. Balse hadda xaaladda sidaa waa ka duwan tahay. Ganacsado Soomaaliyeed ayaa markii uu arkay warbixinta la xiriiray qoysaska.

Soomaaliya

Cabdinaasir Cali Adoon oo ah ganacsde ayaa go'aansaday in uu caawiyo qoysaskan oo uu ka bixiyay lacagta hartay si qoys kasta uu boos u helo.

"Waxaan dareemay sida iskaashiga iyo maamulka u sameysteen iyo dadkaas masaakiinta ee saddex mar la soo barakiciyay" ayuu yiri ganacsade Cabdinaasir oo intaas ku daray "waxyaabaha kale ee igu kalifay waxaa ka mid aheyd, hooyo carruur laheyd oo ka hadashay barnaamijka oo tiri anigu nasiib ma lihi, bil walba waa imaadaa oo waa layga guuleystaa, waa iska sugaa hadii rabto shan sano há qaadato"

Ganacsade Cabdinaasir waxa uu sheegay in waxybaaha dareenka geliyay ay ku jiraan isagoo ka baqayay in milkiilaha dhulka uu ka laabto iibka isagoo dhihi kara qiimaha ayaa kor u kacay amaba ma doonayo in aan iibiyo.

Soomaaliya

Cali Xasan Cali oo ka mid ah barakacayaasha ayaa noo sheegay in markii hore ay la yaabanaayeen inta ay ku qaadaneyso ururinta lacagta ay doonayeen in qoys kasta uu ku helo guri.

"Maanta farxadeenna lama soo koobi karo, intii aan soo ururineynay waxay aheyd saddex sano iyo bilooyin, kaddib waxaa noo dhinaa 5 sano iyo afar bilood, anagoo la yaaban goorta aan ururineyno….ayaa ilaahey jid noo furay".

Sidoo kale waxaa dareen farxadeed oo ay sheegtay in ay la ilmeysay ka hadashay Farxiyo Maxamed Nuur Aadan oo ka mid ah hooyooyinka lacagta ururinayay oo rajo ka qabtay in waqtigeeda la soo gaaro si ay u hesho meel ay ku noolaato.

"Maanta aad iyo aad ayaan u faraxsanahay, xitaa hadii aan ooyo waxba uma arko, dhul aad leedahay ayaad hadda heleysaa isma dhaheynin, maanta waxaan gacanta ku haya dhul aan anigu leeyahay".

Faadumo Hilowle Cali Maxamed waxaan ku wareysanay warbixinteeni hore, waxeyna xiligaa noo sheegtay in ay nasiibkeeda iska sugi doonto balse maanta iyada iyo 62 qoys oo kale ayaa lagu wareejiyay dukumantiyadii dhulkoodaa.

Sidee ku timid fikradda ururinta lacagta?

Barakacayaal ayuuto dhul ku gatay
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Barakacayaasha ayuutada wada galay oo u badan dumar ayaa loo qabtay bakhtiyaa-nasiib lagu go'aaminayo cidda marka hore heleysa boos ku yaal degmada Afgooye. 103 qoys ayaa bishii waxa uu qoys kasta bixinayay 4.5 doolar.

Fikradaan waxaa lahaa Maxamed Aweys oo ah horjoogaha xerada barakacayaasha ee ku taal duleedka Muqdisho ka dib markii goobo badan oo ay hore ay ugu noolaayeen loo sheegay in ay ka guuraan.

"Dhibaatada ugu badan waa adigoo ogeyn markii laguu yimaado oo lagu dhaho dhulkaan ka kac, booska aad ka sii kacdid, meel kale sii degtid haddana ka kac lagu dhahayo, aad ayey u dhib badan tahay…Qofka guur marka la leeyahay isteeli (Alwaax) wax uu ku gato ma la han, musbaar wax uu ku gato ma haysto, qarashka qofka u dhisaa ma haysto" ayuu yiri Maxamed oo intaas ku daray, "Ayuutadaan saddex sano iyo dheeri ayaan wadnaa, ayuutadana 8 sano iyo shan bilood waaye socoshadeeda, marka iyadoo saas ay u dheertahay kama caajiseyno hadafka aan ka lenahay ayaa ka weyn, sababtoo ah dhibaatada aan soo marnay waa ka sii weyn tahay, hadafka aan ka leenahay ayaa ka sii weyn, waxba uma arkeyno dheeraanteeda".

Hadalkaas uu hore u sheegay Maxamed Aweys ayaa hadda ku dhamaaday in hal mar ay helaan lacagtii ay u baahnaayeen.