Somaliland: Maxaa sababay in kumanaan barakacayaal ah lagu celinayo miyiga iyo meelihii kale ee ay ka yimaadeen?

Somaliland, ayaa sheegtay in dad gaadhaya 87 kun oo ruux oo ah kuwa gudaha ku barakacay in ay dib u dejin ugu samaynayso deegaanadoodii, si ay uga baxaan xeryaha ay ku jiraan muddo ka badan 15 sanno.
Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland, Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac, ayaa u sheegay BBC-da in dhibaatooyinka ka taagan adduunka iyo hubinti la'aanta deeqaha hay'adduhu ay keeneen in ay dedejiyaan qorshaha dadkaas dib u dejinta loo samaynayo, si noloshii caadiga ahayd ee hore ee xoolo dhaqatada ahayd ay dib ugu noqdaan.
Dadkan barakacayaasha ah ee dib loogu celinayo deegaanadooda ayaa ku kala nool duleedka iyo hareeraha magaalooyinka waaweyn ee Somaliland iyo degmooyinka qaarkood.
Maxaa keenay wakhtigan in dib u dejin loo sameeyo barakacayaasha?
Sida uu BBC-da u sheegay Wasiirka Dib-u-dejinta Saleebaan Ducaale, waxa soo dedejiyey qorshahan hubinti la'aanta soo wajahday mucaawinooyinka kala duwanaa ee dadka barakacayaasha ah ka heli jireen hay'addaha kala duwan ee adduunka, ka dib markii dhawaan Maraykanku hakiyey deeqihii ay bixin jireen ee dhex mari jiray hay'adda USAID.
"Maanta adduunku qaadhaanka ay bixinayaan la iskuma halayn karo, waayo adduunkii dagaallo ayaa ka socda, Madaxweynaha Mareykanku waxa uu joojiyey mucaawinooyinkii ay bixin jireen. Markaa waxa aanu doonaynaa in aanu isu tashano oo dadkan gudaha ku barakacay aanu dib u dejin u samayno," ayuu yidhi wasiirka dib-u-dejinta
Waxa kale oo uu sheegay wasiirku in xeryahaas caqabad ku yihiin noloshooda dadka barakacayaasha ah, oo lacagaha gargaarka ah ee ay ka helaan hay'addaha gargaarku noqdeen kuwo ay noloshoodii saameeyey.
"Waxaanu doonaynaa in dadkan barakacayaasha ah ka maarmaan ku tiirsanaanta deeqaha, oo haddii qofku meel fadhiyo oo uu sugo lacag yar oo loo soo tuurayo, noloshoodii ayaa is bedelaysa oo ay noqonayaan dad aan shaqaysan"

Maxaa loo qorsheeyey dadkan deegaanadoodu dib ugu noqday?
Dadkan bakacayaasha ah ee ku nool deegaannada Somaliland ayaa isugu jira laba qaybood, kuwaas oo barakacooda ay sababeen abaarihii kala duwanaa ee Somaliland ka dhacayey tobankii sanno ee u dambeeyey iyo kuwa kale oo ka barakacay dagaalada Gobolada Sool iyo Sanaag.
Dadkan ayuu sheegay wasiirka dib-u-dejintu in ay u qorsheeyeen in ay u iibiyaan Xoolo ay dhaqdaan, si ay dib ugu noqdaan noloshadoodii xool- dhaqatada iyo in qaarkood ganacsiyo yaryar loo abuuro.
"Dadkan waxa aanu u samaynaynaa dib u dejin, waxaanu u iibinaynaa xoolo, beero iyo ganacsi yaryar-na waanu u diyaarinaynaa, si dadkan uga baxaan xeryahan ay ku jiraan oo dhibaatooyin badan ku haystaan"
Wasiirku waxa uu intaas ku daray in aanay dhaqaale badan u hayn oo dadka ay dib u dejin ugu sameeyaan mar keliya, balse ay doonayaan in qorshahan muddo socdo, oo ay la kaashadaan hay'addaha caalamiga ah.
"Miisaaniyadda ayaanu dhaqaale ugu daraynaa si aanu qorshahan u hir gelino, hay'addaha caalamigana waanu la kaashanaynaa" ayuu yidhi wasiir Saleebaan Ducaale.
Sidee hakinta deeqihii Mareykanku u saamaysay mucaawiyoonka la siiyo dadka barakacayaasha ah?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Inkasta oo aan si rasmi ah loo ogeyn xaddiga taageerada iyo dhaqaalaha dadka barakacayaasha ah ee ku nool deegaananda kala duwan ee Somaliland ay ka helaan hay'addaha caalamiga ah, haddana waxa jira mucaawinooyin isugu jira raashin, lacago iyo taageero adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka iyo waxbaashada oo dadkaas la gaadhsiiyo.
taageeradan ayaa muddooyinkii u dambeeyey sii yaraanaysay, sida ay BBC-da u sheegtay Canab Maxamed Ciid oo ka tirsan dadka bakacayaasha ah ee ku jira mid ka mid ah Xeryaha barakacayaasha ee Degmada Caynaba.
"Sanadkii u dambeeyey way sii yaraanayeen gargaarka aanu heli jirnay, oo dadkii wax la siin jiray kolba wax ayaa la jarayey haddii ay noqoto lacagtii iyo raashinkii" ayey tidCanab.
Wasiirka Wasaaradda Dib u dejinta, is yiri: "Waxaan imika ayey dhacday, marka meeli xidhanto meel kale ayaa furanta. Midowga Yurub wax badan ayuu ka qabanayaa. sidoo kale dhinaca Carabta sida Imaaraadka iyo Sucuudiga ayaa nala shaqaynaya oo na caawinaya"
Wasiirku waxa uu xusay in Dadka barakacayaasha ah ee ku nool deegannada Somaliland qaarkood Hay'adduhu siiyaan lacago.
"Dadkan waxa la siin jiray lacago gaadhaya 70 dollar ilaa 110 dollar qoyskiiba, bishii, mana ahayn wax joogto ay u heli jireen saddexdii bilood ayaa la is raacin jiray".

Maxay ka yidhaahdeen dadka Xeryaha bakacayaasha ku jiraa qorshahan?
Sida ay BBC-da u sheegtay Canab Maxamed Ciid, oo ka mid ah dadka barakacayaasha ah ee ku jira Xeryaha la yidhaahdo Kaam B oo ku yaala duleedka Magaalada Caynabo, waxay dadka barakacayaasha ah ee halkaas ku nool ay Kaamkaas ku jireen muddo ka badan toban sanno, ka dib markii abaaro dhacay wakhtigaas ay ku khasbeen in ay deegaanadoodii ka barakacaan.
Canab Maxamed Ciid, oo sidoo kale madax u ah xero ay degan yihiin dad gaadhaya todoba boqol oo barakacayaal ah, ayaa xustay in ay adag tahay in laga hir geliyo xeradooda qorshaha Wasaaraddu dib u dejinta ugu samaynayso dadka barakacayaasha, madaama sida ay tidhi halkaas u noqotay deegaan ay ka heleen waxbarasho, taasna ay culays ku noqonayso ubadkoodii waxbaranayey in ay dib ugu celiyaan miyigii
Dhinaca kale, Cibaado Maxamed Cabdulle oo ka mid ah dadka barakacayaasha ah ee ku jira xerooyinka barakacayaasha ee Degmada Oog ee Gobolka Sool, ayaa u sheegtay BBC-da in ay soo dhawaynayaan qorshaha dib u dejinta ee Wasaaraddu sheegtay.
"Waanu soo dhawaynaynaa, cid kasta oo wax ka qabanaysa nolosha halkan nagu haysata, haddii xoolo nala siinayo iyo haddii beero na loo qodayba.
haweenkan waxa ay sheegeen in dhibaatooyin kala duwan oo dhinaca adeegyada aasaasiga ah ay ka jiraan xerooyinka dadka barakacayaasha ah ee Degmooyinka Caynaba iyo Oog.













