Muxuu yahay werwerka iyo niyad-jabka ay la nool yihiin barakacayaasha Soomaaliya

Sawir hore

Xigashada Sawirka, X

Koox dhakhaatiir Soomaali ah ayaa dhowaan daraasad ay ka sameeyeen xeryaha barakacayaasha magaalada Muqdisho waxaa lagu ogaada in dadka xeryaha ku jira ay qaar ka mid ah la nool yihiin xaaladda dhanka dhimirka ah.

Waxyaabaha daraasadda lagu ogaaday waxaa ka mid ah in qaar ka mid ah barakacayaasha ay la nool yihiin xaalado welwel iyo murugo.

Xeryaha barakacayaasha magaalada Muqdisho ayaa ah xerooyinka ay ku nool yihiin barakacayaasha ugu badan ee dalka Soomaaliya.

Cilmi baariddan ayaa laga sameeyey 10 xero oo ay ku jiraan dad barakacayaal ah, gaar ahaan kuwa ku yaalla Deyniile iyo Kaxda.

Cilmi-baaristan oo lagu daabacay qaar ka mid ah joornaallada caalamiga ah ayay ku ogaadeen baarayaasha in arrimo dhowr ah ay sababeen xaaladdahan.

Dr Xasan Cabdullaahi Daahiye oo ah hormuudka kulliyadda caafimaadka ee SOS ee magaalada Muqdisho, isla markaana horkacayay cilmi-baarista, ayaa sheegaya in daraasadooda ay diiradda ku saareen arrimaha werwerka, murugta iyo niyad-jabka.

"Daraasadeena waxay ahayd mid ku saabsan werwerka, murugada iyo niyad-jabka ee ku yimaada dadka barakacayaasha ah ee gobolka banaadir iyo sida ay u heli karaan adeegyada caafimaadka gaar ahaan adeegyada cudurrada dhimirka"ayuu yiri Dr Daahiye.

Sida uu sheegay Dr Daahiye waxa ay wareysi la yeesheen dad kor u dhaafaya 500 oo qof oo isugu jira dhalinyaro iyo waayeel.

"Cilmi-baaristeena waxaan ku wareysanay dad ka badan 500 oo qof oo isugu jira rag iyo dumar oo ay da'dooda u dhaxeysay 18 sano ilaa 70 sano" ayuu intaa ku daray.

Welwel

Xigashada Sawirka, PA Media

Heerkee ayay gaarsiisan tahay werwerka iyo muragta ay qabaan barakacayaasha

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sida ku cad daraasadda waxaa aad u sarreysa tirada dadka barakacayaasha ah ee la nool werwerka iyo niyad-jabka.

Dr Xasan Cabdullaahi Daahiye ayaa sheegaya in dadka ay wareysteen qaar badan oo ka mid ah ay xanuunadan dhimirka la noolaayeen.

"Runtii aad ayay u sarreysaa, dadka aan wareysanay 44% waxay la noolaayeen cudurka werwerka , sidoo kale murugada iyo niyad-jabka boqolkiiba 36 dadkii aan wareysanay waxay la noolaayeen xaalad murugo ah" ayuu yiri Dr Daahiye.

Cilmi-baarista ayaa walaac ka muujisay in dadka ay wareysteen intooda badan xaaladooda welwelka iyo muragada ay tahay mid heerkeedu sarreeyo oo wax-ka qabasho iyo daryeel u baahan.

"Waxaa aad muhiim u ah in hoosta looga xariiqo in dad ku dhaw boqolkiiba 50 dadkaasi qabay xaaladaasi inay xaaladoodu ahayd xaalad aad u daran oo u baahan in daryeel degdeg ah oo dhanka dhimirka ah loo fidiyo" ayuu xusay Dr Daahiye.

Sida ku cad cilmi-baarista, dumarka barakacayaasha ayaa aad ugu nugul xanuunada dhanka maskaxda sida werwerka, niyad-jabka iyo xaaladaha kale.

"Waxaa kale oo runtii noo cadaatay in dadka qaar ay dadka kale kaga nuglaayeen sida haweenka oo kale in ka badan labo jibaar inuu ku badnaa cudurka werwerka sida gaar ah dumarka xaasaska ayaa in ka badan afar jibaar inay ka dheeraayeen dumarka aan la qabin" ayuu yiri Dr Daahiye.

Daraasadan ay ka sameeyeen Kooxdan dhakhaatiirta Soomaalida ah barakacayaasha ayaa sidoo kale loogu kuurgalay waxyaabaha sababa niyad-jabka, werwerka iyo xaaladaha dhimirka ee ku yimaadda barakacayaasha ku nool xerooyiinka Muqdisho.

Cilmi-baarista ayaa lagu ogaaday in xaaladda noolaleed ee ay ku jiraan barakacayaasha iyo dhibaatooyiinka la soo gudboonaada ay ka mid tahay sababaha sare u sii qaaday xaaladaha werwerka.

"Runtii arrimo badan oo is-biirsaday ayaa arrinta keenay waxaa ugu horreeyay xaalad dhaqan-dhaqaale isla markaana xilligii aan sameynaynay cilmi-baarista waqti ay roobab iyo fatahaado ay dalka ka dhaceen, marka dadkaasi waxyaabihii ay ku noolaayeen haddii ay ahaan lahayd xoolo ama beero ay ka so burbureen" ayuu yiri Dr daahiye

Daraasadda ayaa sidoo kale muujinaysa in xaaladaha amni darada ee dalka ka jira ay qeyb ka yihiin sababaha ku badiyay xaaladaha dhimirka dadka barakacayaasha ah .

Talooyinka Daraasadda

Daraasadda ayaa ku talisay in dhinacyada kala duwan ee ay quseyso ay xal u helidda dhibaatada ay ka qeyb qaataan.

Dr Xasan Cabdullaahi Daahiye ayaa sheegay in tallaabada ugu horeysa ay tahay in dhinacyada ay quseyso ay horta a warqabaan dhibaatooyiinka dhanka dhimirka ee ka jira xerooyiinka barakacayaasha.

"Daraasadda waxay ku talinaysaa dhinacyada ay quseyso ay ugu horeyso wasaradda caafimaadka dalka, wasaaradaha maamul goboleedyada, gobolka Banaadir, hay'adaha deeqda bixiya inay ku baraarugaan dhibaato dhanka caafimaadka inay ka jirto xerooyiinkan ay dadka ku jiraan" ayuu yiri Dr Daahiye.

WHO

Xigashada Sawirka, AFP

Waa maxay caafimaadka Dhimirka

Hay'adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa ku micneysay caafimaadka maskaxda "Caafimaadka dhimirku waa xaalad maskaxeed, taasoo u sahlaysa dadka inay la qabsadaan culayska nolosha, gartaan awoodooda, si fiican u bartaan oo si fiican u shaqeeyaan, waxna ku soo kordhiyaan bulshadooda".

Hay'adda ayaa sidoo kale ku tilmaantay in caafimaadka dhimirku uu yahay xuquuqaha aasaasiga ah ee aadanaha. Waxayna muhiim u tahay horumarka qofeed, bulsho iyo dhaqan-dhaqaale.

Sida ay sheegtay hay'adda caafimaadka aduunka, guud ahaan Afrika, in ka badan 116 milyan oo qof ayaa loogu qiyaasay inay la nool yihiin xaaladaha caafimaadka dhimirka.

Colaadaha ayaa ka mid ah waxyaabaha dad badan wax u dhima caafimaadka maskaxdooda ka dib marka ay la kumaan xaalado qalafsan.