Muxuu yahay furaha la waayay xalay ee sababay in reer Baladweyne ay biyo ku dhex baryaan?

Beledweyne

Xigashada Sawirka, Abwaan Taatiko

Qoraalka sawirka, Samatabixintii xalay ee Beledweyne

Magaalooyin katirsan Soomaaliya, saacadihii lasoo dhaafay waxaa ka da’ayay roobab xooggan, iyadoo meelaha qaar ay ku yeesheen saameyn sababtay in laga qaxo xaafadaha xilli habeennimo ah.

Magaalada Beledweyne ee caasimadda gobolka Hiiraan, ayaa kamida meelaha ay roobabku qaxa ka dhaliyeen iyadoo dad badan ay daadad soo rogmaday guryaha ugusoo galeen.

Xaafadaha Kooshin iyo Xaawo taako ayaa kamida meelaha laga barakacay xilli dambe oo xalay ah, kadib roob da’yay in kabadan 7 saacadood.

Dadka degan Xaafadaha Kooshin iyo Xaawa taako, gaar ahaan laamaha Kutiimbo iyo Dhagax jibis ayaa Xalay saqdii dhaxe mar qura kusoo toosay guryaha oo ay u dhex ceegagaan biyo aad u fara badan, waxaana dadkaasi gurmad biyaha looga samatabixiyay u sameeyay dhalinyarada magaalada Baledweyne.

Mid kamida kanaallada loogu talagalay in ay biyaha daadadkan oo kale ah ka baxaan ayaa xirnaa, iyadoo dad qaar ay sheegayaan in la waayay qofkii furaha hayay hase yeeshee markii dambe lagu guuleystay in lafuro.

“Intii ay daadadku socdeen oo aan ku guda jirnay samatabixinta, waxa aan maqlanay in uu xiranyahay kanaalkii loogu tala galay in ay ka baxaan biyahan reeraha ku rogmaday, waxaa la waayay qofkii furaha hayay," ayuu yiri Macoow oo kamid ah dhallinyaro saqdhexe u kacay inay garab siiyeen qoysaska biyhu qaadeen.

Kanaalka biya xireenka kiliga Dhagax jebis oo loogu tala galay biyaha soo rogmada iney wabiga ku xareeyaan ayuu ahaa kan xiran sida ay noo sheegeen dadkii aan waeysay. Maadaama uu ahaa roobku mid xooggan albaabka kanaalkuna uusan markiiba wada gudbin Karin biyaha xowliga ah ayayna sababta ku sheegeen loogu baahday in kanaalka la furo.

Waxaan isku daynay inaan la xiriirno ninkii hayay furaha kanaalka, balse nooma aysan suuragalin.

Daadadkaan ayaa imaanay xilliya dhawaan ay dawladda Soomaaliya ka digtay duufaano iyo dabaylo laga yaabo inay waxyeello xoog leh sababaan, balse cidina ma xaqiijin karto in roobabkii xalay ay yihiin kuwii laga digayay.

Beledweyne

Xigashada Sawirka, Abwaan Taatiko

Qoraalka sawirka, Barakaca Beledweyne

Sidee dhallinyaradu u badbaadiyeen qoysaska?

Macoow Maxmed Dhicisoow oo ka mid ahaa dadkii xalay gacanta ka geystay samata bixinta dadka ay daadadku guryaha ugu galeen, ayaa sheegay in roobab ilaa shalay ka da'ayay magaalada ay sababeen in saqdii dhexe ay dadad soo rogmadaan.

"Waxaa nasoo gaartay qaylo dhaan, anaga oo badan oo dhallinyarada magaalada ah ayaa ku baxnay, waxaa noo suuragashay in dad badan oo guryo ku go’doonsanaa aan soo saarno," ayuu BBC da u sheegay.

Waxaa jira khasaare ka dhashay daadadka, kadib markii badan ay awoodi waayaan in ay bad-baadiyaan xoolihii ugu guryaha xirnaa, halkaana ay uga cararaan.

Beledweyne

Xigashada Sawirka, Abwaan Taatiko

Qoraalka sawirka, Xoolaha laga barakacay

Sahro Maxamed Xasan, waa hooyo dhowr carruur ah heysata, waxa ay kamid eheed dadkii xalay ka barakacay daadadka, ee xalay biyuhu ugu soo galeen guriga.

“Anagoo jiifna ayan ku kacnay qaylo dhaan, saacaddu waxa ay ahayd qiyaastii, toddobo saac - 1 dii saqda dhexe," ayay tiri Sahro. "waa soo barakacnay, waxaa ilmaha ilasoo qaaday wiil yar oo marti noo ahaa iyo dhallinyaro, waxa hadda aan joognaa meel duur ah oo magaalada dusheeda ah halkaas aayn salliyo iska dhiganay”.

Qoyska Sahro iyo kuwa kale ayaa ku sugan haatan duleedka magaalada iyaga oo wajahaya qorax iyo dandarro nololeed.

“Waxa aan qorsheynayaa in aan raadiyo baco aan halkaan ku xirano si hadii uu roob kale imaado aan uga galno oo aan hoy uga dhiganno, ilaa saakay dadkale ayaa soo barakacayay, marka halkaan ayaan joogi doonnaa ilaa uu xaalku si, isku bedelo, ayey sii raacisay”.

Luuq

Xigashada Sawirka, Maxamuud Boodbood

Qoraalka sawirka, Barakacayaal ku go'doonsan degmada Luuq

Dhanka kale degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa roobab xooggan oo ka da'ay waxay sababeem daadad gudaha u galay guryo ay qoysas danyar ah daganaayen.

Dadka ay waxyeelladu soo gaartay ayaa isugu jira barakacayaal ku jiray kaamam iyo dadka deegaanka, hooyooyinka qaar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gebi ahaanba guryohoodii ay biyo qaadeen haddana ay jiifaan meel cid iyo ceeris la’ ah.

“Anaga waxaa nahay dad barakac ah oo meeshaan kunool, roobkaan ilaaha na siiyay, laakiin waxa uu nagala tagay guryihiin alaabihii iyo raashiinkii iyo wax walba oo noo yaallay, meel aan hadda usii barakacno ma naqaan," ayay tiri mid kamid ah dadka barakacayaasha ah.

Si kastaba ha ahaatee daadadkan ka dhashay roobabka xalay waqtiga badan da'ay ayaa sii kordhinaya cabsida ay shacabka ku dhaqan magaalooyinka ka ag dhow wabiyada ka qabaan inuu fatahaad hor leh ka geysto deegannada ay ku suganyihiin.