Sida ayeeyadaan Israa'iiliyadda ah ay usoo dhaweysay dagaalyannadii Xamaas ee guriga usoo galay

Xigashada Sawirka, Google
Haweeneydan howl gabka ee lagu magacaabo Rachel Edri waxaa gurigeeda lagu hayay muddo 20 saacadood ah, iyadoo sida ay sheegtay loo adeegsaday hubka caaraddiisa kadib markii ay la kulantay dagaalyahannada Xamaas.
laakiin waxay kusoo dhoweysay cunno fudud, shah iyo sheeko iyadoo sheegtay in ay kaga gol lahayd in ay si nabdoon u mashquuliso inta ay ka helayaan iyada iyo saygeeda gargaar badbaadin ah.
Dhacdadaasi kadib Edri ayaa lagu casuumay in ay la kulano madaxweynaha Mareykanka Joe Biden inta lagu guda jiro booqashadii lagu tilmaamay garab istaagga ee u uku tagay Israa'iil Arbacadii.
"Mid ka mid ah iyaga ayaa igu yiri, Waxaad i xasuusinaysaa hooyaday," Rachel Edri ayaa sidaasi sheegtay.
"Waxaan ku iri, Runtii waxaan ahay hooyadaa oo kale. Waan ku caawin doonaa, waan ku daryeeli doonaa, ee maxaad u baahan tahay?” Jawaabtu waxay noqotay shaah iyo buskud.
Haweeneyda waayeelka ah shaqada ka fariisatay oo 65 jir ah ayaa u adeegtay buskudkii ay ka codsadeen, si ay u dejiso shanta dagaalyahan ee Xamaas ee soo galay gurigeeda oo ku yaal magaalada Ofakim ee u dhow Gaza.
Waxay la gashay wada sheekeysi si ay waqti deganaan ah ula qaadato iyadoo aan qalqal badan dareemin ilaa iyada iyo ninkeeda la badbaadiyo, sida ay u sheegtay warbaahinta Israa’iil.
Hadalka yar ee sameeyay is bedelka weyn.

Xigashada Sawirka, Google
7-dii Oktoobar, dagaalyahannada Xamaas waxay koonfurta horay ugu dileen tobanaan ka mid ah Israa’iiliyiinta kadib dhacdadii qafaalashada ee iyada iyo ninkeeda.
Degenaanteeda iyo soo dhawaynteedii, labadooduba wayku badbaadeen, Edris ayaa markii dambe lagu tilmaamay in ay tahay halyey qaran, taasina waxa ay dhalisay in haweeneydan waayeelka ah ay kamid noqoto Israa’iiliyiinta uu la kulmay Biden intii u uku sugnaa Tel Aviv.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Heesaha Carabiga iyo Yuhuudda
Wareysi ay siisay taleefishin, ayay kaga hadashay jawaabta cajiibka ah ee ay ka bixisay in qolkeeda gaarka ah ay ku sugan yihiin shan dagaalyahan oo aad u hubeysan.
"Waxay durba gudubtay saacado intii ay ila joogeen
“Waxaan is iri kawaran haddii aad qado u sameyso, waxaa laga yaabaa in ay gaajoonyihiin, anigana si gaar ah waan ka baqaa qofku marba haddii uu gaajo dareemayo maxaa yeelay qofkaasi waxa uu lumin karaa kontoroolkiisa”, ayey tiri.
“"Markii ay wax cabbeen oo ay wax cuneen, aad bay u degeen,"
Laakin shaaha iyo buskudka oo kaliya ma ahayn waxa Edri ka caawiyay in ay si deganaan ah ula dhaqanto dagaalyahannada u yimid ee ay sheegtay in iyada iyo ninkeedaba ay qoryaha ku qabteen isla markaana u qafaalnaa saacado badan.
Waxa ay sheegtay in intii ay la joogeen ay qaadeysay heeso carabi ah, iyagana ay ku jawaabayeen heeso luuqadda Yuhuudda ah, taasi ay dhalisay in isfahankooda uu fududaado.
"Waxaan bilaabay inaan wada sheekeysanno, hal mar xitaa ma xasuusan in ay yihiin dad nasoo weeraray," Edri ayaa sidaas u sheegtay warbaahinta ka howlgasha gudaha Israa’iil ee Ynet.

Xigashada Sawirka, Simon Dawson / No 10 Downing Street
Qaabkii samatabbixinta
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dhanka kale, koox ka tirsan booliiska Israa’iil oo ka ag dhaweyd agagaarka guriga Edri ayaa isku diyaariyay in ay badbaadiyaan Edri iyo ninkeeda.
Muddo ku dhow 17 saacadood kadib, ayaa waxay gudaha u galeen guriga, waxayna toogteen raggii guriga soo galay.
Wiilka Edri oo ah nin katirsan booliska gaar ahaan kuwa deegaanka ayaa gacan ka gaystay howlgalka isagoo sawiray, sawir gacmeed muujinaya qaab dhismeedka guriga, taas oo u suurtagelisay samatabbixiyeyaashu inay guriga gudaha u galaan.
Maadaama qaybo kamida guriga uu soo gaaray burbur markii ay dagaalyahannada gudaha u galayeen, Edri iyo ninkeeda ayaa la geeyey hoteel ku yaal bartamaha Israa'iil.
Sheekadeedu waxay ku faaftay meelo ka baxsan Israa'iil, markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu la kulmay dad ka badbaaday weerarradii Xamaas, intii uu ku guda jiray booqashadiisa gaaban ee Israa'iil Arbacadii, Rachel Edri ayaa ka mid ahayd dadkii uu la kulmay
Aad bay u dhoola cadaysay markii ay isku duubtay madaxweynaha Maraykanka, waxa uuna uga mahad celiyay in ay isku difaacday shah iyo buskud iyo deganaan intaba.













