Tijaabadii ku kaliftay inay is dilaan shantaan maxbuus ee dambiyada culus galay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sanadkii1947 kii, ayay midowga soofiyeedka waxa ay goob qarsoon oo u gaar ah ciidamada militariga ku sameeyeen tijaabo saynis ah oo loogu talalagalay in lagu ogaado inta ay soo jeedikaraan ciidankooda ku jiray dagaalkii labaad ee aduunka.
Tijaabadaan markii hore waxaa lagu sameeyay shan maxbuus oo u xirnaa ruushka kuwaas oo danbiyo waaweyn lagu heystay, balse waxa ay u balan qaadeen in ay sii deynayaan hadii ay ka soo baxaan tijaabada oo ay soo jeedaan muddada loogu talagay ee ah soddonka cisho, maxaabiista ayaana ogolaaday oo lagu bilaabay tijaabada,
Shanti maalmood ee ugu horeysay tijaabada si caadi ah ayay u soo jeedeen oo sheekooyinkooda ayay iska wateen iyaga oo cod hoose ku wada hadlaya sidoo kale ka jeesanaya dhinaca kaamiradda iyo muraayadda ay ka arki karaan ilaalada xabsiga, balse hurdo la aantii maal mahaas ayaa ku kaliftay in mid kamid ah uu qeyliyo waliba cod dheer isaga oo dalbanaya in laga saaro qolka uusanna sii wadi Karin tijaabadaan.
Balse nimankii kale ee qolka kula xirnaa wax jawaab ah ama falcelin ah kama aysan bixin qeylada ninkaan, muddo labo maal mood oo uu qeylo iyo in darbiga uu madaxa la dhaco ku jiray waxaa waxyeelo ka soo gaartay madaxa iyo qeybo badan oo jirkiisa kamid ah.
Cilmi baarayaashii ayaa dalbaday in la soo saaro si ay xaalkiisa u fiiriyaan sidoo kale ula tacalaan qaab maskaxiyan ah balse markii la soo saraay ayuu dalbaday in laga joojiyo, waxaa arinkaas ka diiday madaxii ciidamada militariga waxaana dib loogu celiyay qolkii si tijaabada loo siiwado.
Shan iyo toban maalmood kadib ayay cilmi baarayaashu waxa ay go’aan sadeen in ay furaan qolka maadaama ay waayeen codka ninkii aadka u qeylinayay. Markii gudaha galeen waxa ay la kulmen arrin argagax leh oo ka yaabisay.. Waxay arkeen in afartii nin ee kale ay dileen ninkii qeylinayay kuwaas oo jirdil nafta uga qaaday, waxaana ninka dhintay jirkiisa ka muuqday dhaawacyo waaweyn isagoona u dhintay dhiigbax.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Markii ay isku dayeen in askartu gudaha u soo galaan si ay afarta nin banaanka ugu soo saaraan ayay kala kulmeen weerar waxaana askartaan soo gaartay waxyeelo iyagoona ugu danbeyn awood isticmaalay si ay u soo saaraan maxaabista.
Markii banaanka loo soo saaray oo ay dhaqaatiirta cilmi baarayaasha ah arkeen in nimankaan xaalkooda fiicneyn balse uu ka muuqdo adkeysi, taliska ciidamada waxa ay go,aan sadeen in lagu celiyo oo loo kordhiyo tayada daawada loou talagalay in ay ku soo jeedaan.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Markii lagu celiyay qolkii oo ay muddo yar ku jireen una adkeysan waayeen xaalka ayaa mid kamid ah maxaabiista is dilay isaga oo darbiyada madaxa la dhacaya sidoo kale naqaska isku dhajinaya.
Waxaa soo haray saddax maxbuus dhaqaatiirta ayaana ku taliyay in gaaska qolka ku xiran loogu daro maadooyin walwalka yareeya si loo sii wado tijaabada, balse waa ay suurta galiweysay oo markii meydka kale laga soo saarayay qolka ayay dagaal sameeyeen maxaabiistii kale, ciidanka ayaana toogtay mid kamid ah.
Taliyihii ciidamada militariga ee Ruushka ayaa dalbaday in la sii wado tijaabadaan, sidoo kalena qaar kamid ah dhaqaatiirta lagu daro oo iyagana qolka lagu xiro si ay qeyb uga noqdaan tijaabadaas maadaama ay iyaga ahaayeen dadka waday hormarinta daawada iyo maadooyinka kale ee larabay in lagu guuleysto, Halkaas waxaa ka dhashay qilaaf dhexmaray cilmi baarayaasha iyo saraakiishii ruushka ee midowgii soofiyeeti, arinkaas ayaana suurtagal noqo waayay.

Xigashada Sawirka, .
Tijaabadii iyo isku daygii ay midowgii soofiyeeti ku doonayeen in askartooda ku soo jeedaan muddo soddon cisho ah ayaa suurtagali weysay.
Waxaa jira rikoor laga diiwaan galiyay adduunka oo ah soo jeedka kaas oo Randy Gardner nin lagu magacaabo uu ku guuleystay sanadkii 1963 dii, isaga oo soo jeeday in kabadan kow iyo toban maalmood oo isku xigta.
Ninka tartankaan ku guuleystay ee mudadaas soo jeeday ayaa waxaa soo wajahday xaalado caafimaad darro oo ay kamid yihiin hilmaam, xanaaq badan, xasuusta oo ku yaraatay, miyir beel iyo in uu u muuqday qof waashay oo kale.













