Sidee ayay u shaqeysaa rajabeetada lagu ogaan karo kansarka naasaha?

Kansarka naasaha

Xigashada Sawirka, MIT

Bal malee isticmaalka qalabka ultrasound-ka ee ku xirmi kara rajabeetada kaas oo ka baari kara naasahaaga burooyin marka aad cabayso koob kafee ah.

Dhaqtarad u dhalatay Turkiga oo lagu magacaabo Dr. Canan Dağdeviren ayaa iyada iyo kooxdeeda oo ka tirsan machadka teknoolajiyada ee Massachusetts (MIT) Media soo saaray farsmadan.

Qalabkan waxaa lagu sharfayaa eeddada dhaqtaraddan oo u dhimatay kansarka naasaaha. Qalabku wuxuu u oggolaanayaa in si joogto ah loola socdo bukaannada khatarta sare leh inta u dhaxaysa mammograms, oo ah raajo lagu baaro naasaha.

Kansarka naasaha ayaa ah nooca ugu badan ee kansarka ku dhaca haweenka iyadoo 2.3 milyan oo haween ah laga helay, halka 685,000 ahna ay naftooda ku waayeen sanadka 2020-kii, sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO. Waa sababta labaad ee ugu badan ee dhimashada haweenka.

Marka kansarka naasaha la ogaado goor hore ama xilliga billowga heerka badbaadada shanta sano waa 99%, sida ay sheegeen Ururka Kansarka Mareykanka.

Dr Dagdeviren ayaa sheegaysa in aaladda ay gacan ka geysan karto kor u qaadidda heerka badbaadada maaddaama heerka badbaadada uu yahay 22% kaliya haweenka laga helo marxalad dambe.

Kansarka naasaha

Xigashada Sawirka, MIT

Qoraalka sawirka, Dr Dagdeviren waxay bare ka tahay Massachusetts Institute of Technology

Sidee ayuu qalabku u shaqeeyaa?

Kansarka naasaha

Xigashada Sawirka, MIT

Qoraalka sawirka, Qalabkan yar ee ultrasound-ka ayaa la dhex gelin karaa mid ka mid ah lixda god si sawir looga qaado naaska

Injineeradda Canan Dagdeviren iyo saynisyahanka agabka MIT ayaa markii ugu horreysay la yimi.

Saynisyahanka agabka MIT iyo injineer Canan Dagdeviren ayaa markii ugu horreysay la timid fikradda markii ay ag fadhiisatay sariirta eeddadeed ee isbitaalka.

Habaryarteed ayaa laga helay kansarka naasaha oo aad u daran, inkastoo lagu sameeyay baaritaan naasaha caadiga ah, waxayna geeriyootay lix bilood ka dib.

Waa balaastar dabacsan oo dib loo isticmaali karo oo lagu dhejin karo rajabeetada, iyada oo aan loo baahnayn hawlwadeen.

Waxaa jira ilaa lix godad oo qalabka sida xabag barsheedka u sameysan iyo kaamiro yar oo ultrasound ah oo dhexdooda lagu dhaqaajin karo si aad uga aragto gudaha naasaha dhammaanba dhinacyada. Waxay shaqeysaa iyadoo aan loo baahan jeelka ultrasound.

Dr Dagdeviren ayaa sheegaysa inay arki karto finan yaryar oo 0.3 cm ah, waana cabbirka burooyinka marxaladda hore maraya. "Waxay la micno tahay waa sax in la ogaado wax walboo aan caadi ahayn," ayay tiri.

Waa maxay mammogram?

Kansarka naasaha

Habka badanaa loo adeegsado baaridda kansarka naaska waa mammogram halkaasoo naasahaaga la saarayo raajo iyadoo shucaac la dhex marsiinayo jirkaaga si sawir looga qaado.

Si kastaba, mammograms ayaa sidoo kale ay ku kacdaa lacag badan, dalal badanna, kama mid aha adeegyada caafimaad ee dowladdu bixiso.

Maxay haweenka qaar u dareemaan xanuun?

"Qof walba naasihiisu waa kuwo u gaar ah qofkaas, kala duwanaanshaha iyo xaddiga xiidmaha ayaa sidoo kale ah kuwo gaar ah," ayay tiri Helen Yule, oo la taliye dhanka raajada ah isla markaana madax ka ah guddiga la talinta UK ee shaqadan.

Haweenka leh xiidmo badan oo kuwa caanaha ah ayaa laga yaabaa inay diiqad dareemaan marka lagu sameynayo mammogram, marka loo eego kuwa naasahoodu dhan ay baruur yihiin. Sidoo kale qaadashada dawooyinka hoormoonka ayaa saameyn kara arrintan.

La taliyahan dhanka raajo saaridda ayaa sheegtay in filashada haweenka ee sida uu noqon doono mammogram ay sidoo kale door weyn ka cayaarto.

Waxaa jira habab fudud oo looga hortagi karo diiqadda inta lagu guda jiro mammogram sida isku dayidda inaad sameyso mammogram toddobaadka ka horreeya amaba inta ay caadada kuu joogto amaba inaad qaadato paracetamol oo uu kuu diyaarsanaado.

Yaa loogu talogalay qalabkan la xiran karo?

Daraasado ayaa muujinaya in fiixyada naasaha ee soo muuqda marka la sameynayo mammograms joogto ah, oo sidoo kale loo yaqaanno kansarka ay muddada u dhaxeyso, ayaa dhammaanba kiisaska kansarka naasaha ka ah 20-30%. Kooxda MIT ayaa sheegtay in fiixyadan ay aad uga daran yihiin kuwa la helo marka la sameynayo baaritaannada caadiga ah.

Qalabka ayaa la siin karaa haweenka aadka khatarta ugu jira kansarka naasaha wuxuuna ka caawin karaa inay ogaadaan fiixyada inta lagu ogaan karo labo mammogram amaba inay iyagu is baaraan.

Balse baarayaasha ayaa ka digaya in "haddii xaalad aan caadi ahayn la arko, weli loo baahan yahay mammogram".

Rajabeeto

Halkee lagu sameeyay?

Kooxda MIT ee ka shaqeyneysa qalab caafimaad oo la xiran karo ayaa lix sano iyo bar ku howlanaa soo saaridda qalabka. Ansixin ayay bishii August ka heleen Mareykanka waxaana socda tijaabooyin aadmiga lagu tijaabinayo.

Halkii qalab wuxuu qiimihiisu yahay $1,000 balse kuwa soo saaray ayaa sheegaya inuu hoos uga dhici karo intaas maadaama ay soo saarayaan xaddi aad u badan. Muddada tan la gaarayo ayaa noqon karta afar ilaa shan sano.

Hal baarid ayaa qaadan karta "wax ka yar inta aad koob qaxwe ah ka cabeyso haddii aad maalin walba baarto xiidmahaaga", ayay yiraahdeen kooxda daraasadda.

Kansarka naasaha

Xigashada Sawirka, MIT

Qoraalka sawirka, Waa naqshadeynta ay Dr Dağdeviren ka sameysay qalabka iyadoo dhinac joogta sariirta eeddadeed

Rajo u timid haweenka

Daraasado la sameeyay ayaa muujinaya in baaridda oo laga daaho, adeegyada caafimaad oo yar, ay yihiin sababaha ugu waaweyn ee ay aad ugu badan tahay dhimashada kansarka naasaha ee dalalka soo koraya.

Sida laga soo xigtay xogta WHO, muddo shan sano ah oo laga badbaado kansarka naasaha ee dalalka uu dakhligoodu sarreeyo ay ka badan tahay 90%, marka loo barbardhigo 66% oo Hindiya ah iyo 40% oo Koofur Afrika ah.

Kansarka naasaha

Xigashada Sawirka, Dr Cannan Dagdeviren

Qoraalka sawirka, Dr Dagdeviren iyo eeddadeedii ku dhiirrigelisay soo saaridda qalabkan

Qalabkan ayaa sidoo kale lagu baari karaa qeybaha kale ee jirka, iyadoo Dr Dagdeviren ay u adeegsatay inay ku baarto ilmaheeda mar ay uur lahayd sanadkii hore.

"Eeddadey aad ayay u yareyd, keliya 49 sano ayay jirtay. Dhimasho waxay ahayd waxa ugu dambeeya ee niyaddeeda ku jiray. Ka warran haddii eeddadey ay xiran lahayd rajabeeto sidan oo kale ah?" ayay is weydiisay.