Lix waxyaabood oo kuu horseedi kara kansarka naasaha

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kansarka ku dhaca naasaha ayaa kamid ah noocyada ugu khatarta badan, waxaana guud ahaan dunida ka jira in ka badan 2.2 milyan kiis, sida ay muujinayso xogta hay’adda caafimaadka adduunka (WHO) ee sanadkii 2020.
Waxaa la saadaaliyay in mid kamid ah 12-kii dumar ah uu ku dhici doono xanuunka oo kamid ah kuwa sababa dhimashada ugu badan.
Sanadkii 2020, ku dhawaad 685,000 oo haween ah ayaa dunida ugu geeriyooday kansarka naasaha.
25% dumarka qaba xanuunkan ayaa ku nool qaaradaha Ameerika.
Waxaa jira waxyaabo si gaar ah dumarka ugu nugleeya khatarta kansarka naasaha, waxaana kamid ah:
Jimicsi la’aanta
Dumarka aan jimicsan ama inta badan fadhiya ayaa khatar ballaaran ugu jira xanuunkan, sida ay sheegtay xarunta ka hortagga cudurrada ee Maraykanka (CDC).
Waxaa muhiim ah in dumarka ay dhaq-dhaqaan oo uu jirkoodu shaqeeyo.
Waxaa lagu taliyay in haweenka ay todobaadkiiba jirkooda ka shaqeysiiyaan 150 daqiiqo ilaa 300 oo daqiiqo.
Jimicsiga noocaas ah ayaa u wanaagsan wadno garaaca, dhididka iyo neefsiga qofka.

Xigashada Sawirka, BP MEAN
Culayska qofka
Dumarka da’da ah ee haddana uu badan yahay miisaanka jirkooda ayaa khatar badan ugu jira kansarka naasaha.
Khubarada caafimaadka ayaa dumarka kula taliyay inay ilaaliyaan culayska jirkooda, ayna xakameeyaan cunnada ay qaataan.
Hormoonada
Noocyada hormoonada, gaar ahaan kuwa ay dumarka isticmaalaan marka ay dhalmo daayaan ayaa sare u qaadi kara khatarta kansarka naasaha, gaar ahaan haddii la isticmaalo wax badan shan sano.
Waxaa haboon in dhakhaatiirka la weydiiyo qaab aan hormoon ahayn oo lagula tacaali karo xaaladaha ka dhashay marxaladda dhalmo deynta.
Uurka
Haddii haweynaydu uurka koobaad qaado ayadoo ka weyn 30 jir, isla markaana aanay nuujin canuga, ama ay dhasho iyadoo aan bilo dhamaysan, waxa ay khatar ugu jiri kartaa kansarka naasaha.
Taa bedalkeeda, dumarka dhowr bilood nuujiya carruurtooda ayaa waxaa hooseeya

Xigashada Sawirka, Getty Images
Khamriga
Sida ay sheegtay CDC, haweenka khamriga caba ayaa khatar ugu jira kansarka naasaha.
Waxaa dumarka lagula taliyay inay gebi ahaanba ka fogaadaan cabitaanka khamriga.
Sigaarka
Waxaa la xaqiijiyay in cabitaanka sigaarka uu sababi karo noocyo badan oo ah kansarka. Waxaa muhiim ah in qofka uu isla ilaaliyo dhuuqidda sigaarka ama in lagu ag cabo, si uu uga badbaado khatarta kansarka.
Arrimaha kale ee ay kamidka yihiin in qofka ay jirkiisu gasho kiimiko, isbedalka hormoonka iyo habeenkii oo la shaqeeyo ayaa sare u qaadi kara khatarta ah in qofka u uku dhaco kansar.
Waxaa dadka lagula taliyaa in kol kasta ay iska baaraan kansarka, maadaama xaaladihiisa bilowga ah wax laga qaban karo.
Dumarka ayaa si gaar ah loogula taliyay inay gacantooda ku dareemaan wax kasta oo ku soo siyaada naasahooda, si loo baaro kadibna loo ogaado waxa ay yihiin.










