Rajabeetada ma waxay sababtaa kansarka naasaha?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Haweenku jahwareer badan iyo shaki ayay ka qabaan caafimaadka rajastiinka ama rajabeetada. Waxaa jira faham-darro badan oo gaar ahaan laga aaminsan yahay xirashada 'keeshaliga'.
Keeshaliga ama rajabeetada ayaa haweenka ka caawiya inay si hagaagsan kuna qanacsan yihiin u xirtaan dharkooda.
Laga soo bilaabo gabdhaha marka ay iskuulka dhigtaan ilaa ay ka noqdaan haween shaqeeya, intooda badan si joogto ah ayay u xirtaan. Balse weli shaki badan ayay ka qabaan xirashada rajastiinka.
Sanad walba 13 October waxaa loo dabaaldegaa 'Maalinta Rajabeeto La’aanta'. Maalintan ayaa loogu talogalay in wacyigelin loogu sameeyo kansarka naasaha si haweenka loogu dhiirrigeliyo inay iska hubiyaan naasahooda.
Maalintaas, haweenku ma xirtaan keeshali waxaana la qabtaa olole dadka looga wacyigelinayo caafimaadka naasaha.
Balse ma jirto caddeyn caafimaad oo la isku halleyn karo oo sheegeysa in rajabeetadu ay sababto kansarka naasaha. Dabcan, hadda 'Maalinta Rajabeeto La’aanta' keliya kuma koobna fekradaha caafimaad ee laga qabo, balse waxaa sidoo kale lala xiriiriyaa sinnaanta jinsiga.
Balse waxaa jira haweenka qaar oo aan xiran rajabeetada sababo la xiriira inaysan nafis ku dareemeyn.
Inkastoo sababaha loo xirto amaba aan loo xiran keeshaliga ay kala duwan yihiin, hal arrin ayaa kusoo dhaceysa maskaxda dadka. Taasina waa, haddii aadan xiran rajabeeto muddo dheer, qaab-dhismeedka jirkaagu ma is beddelayaa naasahaaguna kuwo dabacsan miyay noqonayaan?
Xirashada iyo inaan la xiran rajastiinka ma wuxuu dhab ahaantii beddelaa qaab-dhismeedka jirka haweenka? Maxay tahay inay haweenku ka bartaan horaaddadooda? Maxay dhaqaatiirtu leeyihiin?
'Waa muhiim inaad fahanto jirkaaga'

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Si looga fogaado jahwareer badan, waxaan u baahannahay inaan marka hore fahanno jirkeenna. Gaar ahaan haweenku waxay u baahan yihiin inay wax ka yaqaannaan horaaddadooda," ayay tiri Balkumari oo ku takhasustay xanuunnada haweenka.
"Naasaha haweenku waxay ka sameysan yihiin baruur iyo xiidmo ay ku jiraan unugyo caano soo saara. Sida afkeennu uu u leeyahay walxo nuuga candhuufta, naasuhu waxay leeyihiin unugyo caanaha sameeya.
Dadka qaar waxay naasahoodu leeyihiin xiidmo badan iyo baruur yar. Qaar kale ayaa laga yaabaa inay leeyihiin xiidmo badan oo baruur leh iyo kuwa soo saara caanaha oo yar. Qof walba jirkiisa ayay ku xiran tahay.”
Xiidmahan ayaa si dabiici ah u yaraada marba marka uu qofku sii gaboobo. Tani micnaheedu waa wax dabiici ah inay naasuhu dhacaan marka ay haweeneydu sii weynaato.
"Marka haddii aadan xiran rajabeeto, lama dhihi karo naasahaagu way dabci doonaan," ayay tiri Balkumari.
Xirashada rajabeetada ma waxay sababtaa kansarka naasaha?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
“Si la mid ah taas, run ma aha in la dhoho xirashada rajabeeto kugu dheggan waxay sababi kartaa kansarka naasaha. Marka rajabeeto kugu dheggan la xirto, jirka ayay waxyeeleysaa. Dhididka ayaa meeshaas ku keeni kara cuncun. Xirashada rajabeeto aad kugu dheggan mar walba waxay sababi kartaa xanuun aad ka dareento hareeraha. Marka haweenku waa inay doortaan cabbirka saxda ah ee rajabeetada. Looma baahna in laga cabsado in tani ay sababto kansarka naasaha,” ayay tiri.
“Dheecaanka ka soo baxa naasaha waa caadi in lagu arko haweenka naasaha waaweyn leh. Waxaa laga yaabaa in dhabar xanuun ay dareemayaan. Sidaa darteed marka la xirto rajabeeto, naasaha ay caawiyaan. Tan waxay ka hortagi kartaa dhibaatooyinka sida dhabar xanuunka. Balse waa inaan fahannaa in xirashada rajastiinka ay tahay mid si ku meel gaar ah qofka u caawineysa. Haddii aad xanuun ka dareento halkaas, looma baahna inaad xirato.
Marka xirashada rajabeetada ma saameyso naasaha. Ma jirto faa’iido iyo dhibaato ka timaadda,” ayay tiri Dr Balkumari.

Xigashada Sawirka, Dr. Kavya Krishnan
"Marka hore waxa aan dhammaan u baahannahay inaan fahanno ayaa ah in naasaha oo dhaca ay yihiin wax dabiici ah. Raggu gaar ahaan waxay u baahan yihiin inay arrintan ka war qabaan. Filashooyinka ragga ay ka qabaan jirka haweenka waxay haweenka ku keentaa cadaadis maskaxiyan ah," ayay tiri Dr. Kavya Krishnan.
Waxay intaas ku dartay, “Maalmahan waxaa jira kareemo online-ka lagu iibiyo si ay uga hortagaan naasaha dhacay, iyo inay xoojiyaan. Balse taasi wax micno ah ma sameyneyso. Kareemadan oo kale marna kama hortagaan naasaha inay dhacaan. Lama xaqiijin caafimaad ahaan. Dadku waa inaysan ku dagmin xayeysiinnadan oo kale. Dadku waa inay caqli yeeshaan ayna aqbalaan isbeddellada sida dabiiciga ah ugu dhacaya jirkooda.”
"Si la mid ah sida ay isula socdaan gabowga iyo naasaha dhaca, hooyooyinka naaska nuujiya ayaa sidoo kale wajaha naasaha dhacay. Waxay ku dhici kartaa dhammaan haweenka dunida ku nool. Ma jirto cid aan wajihin. Marka sabab looga walwalo ma jirto. Waxaa sidoo kale jirta faham-darro laga qabo in naas-nuujintu ay tahay waxa keliya ee sababa naasaha dhaca. Balse waa inaan fahannaa inaysan run ahayn,” ayay tiri.

Xigashada Sawirka, Getty Images
“Tusaale ahaan- haweenka leh naasaha waaweyn; Marka haddii ay ka cawdaan dhabar xanuun ama garbo xanuun, naasahooda ayaa qalliin lagu yareyn karaa. Aan ugu yeerno 'qalliinka naasaha lagu yareeyo'.
Taas si la mid ah, haddii dadka naasaha yaryar ay qabaan isku buuq maskaxiyana h, qalliin ayaa naasaha loogu weyneyn karaa. Balse midkoodna kulama talinno dhaqaatiirta. Waxay dhammaan ku xiran tahay baahiyaha iyo sida ay dadku doonayaan.”
Dhaqtaradda ayaa sidoo kale ku adkeysanaysa in faham-darro laga qabo in haweenka naasaha yaryar ay caano yar soo saaraan marka loo eego kuwa naasaha waaweyn ayna tahay wax aad u khaldan.
Naasaha haweeneyn walba waxay awoodaan naas-nuujinta ilmaha. "Cabbirka naaska kuma xirna naas-nuujinta," ayay tiri Dr Kavya.












