Habboon Maxamed: Gabadha uu kansarka naasaha ku dhacay ee ka yaabisay dhakhaatiirta

Xigashada Sawirka, Habboon Maxamed
Markii Habboon Maxamed Axmed ay ogaatay inay qabto kansarka naasaha waxay ahayd bishii September ee sanadkii 2020. Waxay shan bilood uun kahor xiligaas naaska ka goysay gabadheeda oo sanad iyo bar markaas jirtay.
Waxay da’deedu ahayd 34 sano, mana jirin qof qoyskeeda ka tirsan oo xanuunkan uu ku dhacay, laakiin Habboon iyada ayaa weligeedba isku sameyn jirtay baaritaanka si ay u ogaato waxa ku soo kordhay, taas oo sida ay sheegtay aad u caawisay, qeyb lixaad lehna ka qaadatay badbaadada nafteeda.
Maalin maalmaha ka mid ah, iyadoo baaritaankeeda caadiga ah sameyneysa ayay naaskeeda midig ku aragtay isbeddel.
"Naaskii bidixda wuu qallalay, caano ma jirin, naaskan kansarka laga heli doono mar kasta caano ayaa ka imaanayay, marka caanahaasna way i shaki geliyeen, kaddibna waxaan isku arkay burada, markii hore way yareyd ilaa ay la ekaato canabka oo kale," ayay tiri Habboon.
Haweenka ay da’doodu ka sarreyso 50 sano jir, kana baxay da’da dhalmada ayaa u nugul xanuunka kansarka naasaha, sida ay BBC-da u sheegtay Dr Caasha Cumar Kablow, oo ah dhaqtarad ku takhasustay xanuunnada haweenka kana tirsan isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir ee magaalada Muqdisho.
“Kansarka naaska ku dhaca waxaa aad ugu nugul haweenka da’dooda ay waaweyn tahay, gaar ahaan kuwa 55 sano ka weyn. Waxaa aad ugu nugul haweenka buurbuuran, waxaa u nugul kuwa qaata dawooyinka hormones-ka sida kuwa ilmaha looga hortago, ama kuwa caado go’a loo cuno. Waxaa intaas soo raaca dadka u leh dhaxalka ama qoyskooda qof ka tirsan uu xanuunkan ku dhacay,” ayay tiri Dr Caasha.
Habboon ayaa hadba calaamadaha ay isku aragto la kaashan jirtay Google-ka, si ay warbixin dheeraad ah uga hesho, maaddaama aysan ku deg degi karin inay aaddo isbitaallada oo xilligaas la daalaa dhacayay daaweynta dadka qaba xanuunka safmarka ah ee Covid-19.
Hase yeeshee, markii ay aragtay in maaalinba maalinta ka dambeysa ay xaaladdeeda ka sii dareyso iskuna arkeyso calaamado shaki sii gelinayay, ayaa iyadoo aan wax walwal ah qabin si ka duwan sida dadka isaga shakiya xanuunkan, waxay go’aansatay inay tagto isbitaalka.
Dhaqaatiirta ayaa kula taliyay inay daawo qaadato oo ay maalmo ka dib soo laabato, hase yeeshee, Habboon oo heysata warbixinnada ay ka heshay Google-ka waxay dareemeysay in xaaladdeedu ay khatar ku jirto haddii aan deg deg wax loogu qaban, taas oo muran dheer ka dib ay dhaqaatiirtu oggolaadeen inay baaraan.
"Waa la i baaray, waxaa la arkay naaska oo intuu bararay ay qandho heyso,"
Saddex cisho ka dib baaritaanka, waxaa la ogaaday in Habboon ay qabto heerka labaad ee kansarka naasaha, waxayna dhaqaatiirtu u qabteen ballan iyagoo kula taliyay inay soo kaxaysato qof qoyskeeda ka tirsan si loogu sheego natiijada.

Xigashada Sawirka, Habboon Maxamed
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Habboon markan way u caddaatay in shakigeedii uu rumoobay, waxayse ku faraxsaneyd inay sameysay dadaal ayna xilli hore is baartay. Iyadoo dhiirran oo cidna aysan la socon ayay tagtay isbitaalka.
Dhaqaatiirta ayaa cabbaar ka war wareegay inay natiijada u sheegaan, maaddaama aysan cidna la socon ayna ka baqayeen inay natiijada saameyn ku yeelato.
"Waxay igu dhaheen kansarkaaga marxaladdiisa ma weyna waa heerka labaad, waan kuugu bishaareynaynaa taas, laakiin nasiib-darro kale ayaa jirta, kansarkaaga xilli walba ayuu isku beddeli karaa heerka afaraad."
Dadka qaba heerka afaraad ee kansarka naasaha ayaan xaalkooda waxba laga qaban karin, waana mar uu kansarku ku faafay qeybo kale oo halis ah oo jirkooda ka tirsan. Waxaa la siiyaa daawooyin lagu xakameynayo xaaladdooda, hase yeeshee, waxaa bukaannada intooda badan loo sheegaa inay sanado yar uun sii noolaan karaan, sida ay dhaqaatiirtu qabaan.
Habboon oo ah hooyo heysata carruur yaryar, wuxuu warkan ku noqday mid naxdin leh oo kala dhantaalay dhiirranaantii ay keligeed ku tagtay isbitaalka, waxaana gebigeedba saaqay dareen cabsi leh, iyadoo soo xusuusatay gabadheeda yar ee ay markaas uun naaska ka goysay.
"Markaas walwal ayaa i soo galay, markii hore oo dhan ma baqeynin. Calaacal ayaan billaabay. Hooyo afar carruur ah heysata ayaan ahay ayaan dhahay, ilmahaygu way yar yar yihiin, ee fadlan ma i daweyn kartaan ayaan dhahay,"
Dhaqaatiirta ayaa Habboon u ballan qaaday inay siin doonaan dawada ugu wanaagsan ee kansarka naasaha, isla markaana ay is dejiso. Daaweynta nooca "chemotherapy" oo meelo badan oo dunida ka mid ah, gaar ahaan dalalka Afrika qaali ka ah, dalka UK waa bilaash, taasna aad ayay u caawisay Habboon.

Xigashada Sawirka, Habboon Maxamed
Waxaa Habboon u bilaabatay daaweynta, iyadoo loo sheegay in siddeed jeer la siin doono "chemotherapy" oo saddexdii toddobaadba ay mar qaadan doonto. Hase yeeshee, markii ay shan jeer uun qaadatay ayaa lagu sameeyay baaritaan, nasiib wanaag wax kansar ah waa laga waayay jirkeeda.
"Aad ayaan ugu farxay warkaas, hase yeeshee waan rumeysan waayay waxaana moodayay in maaddaama dawadan ay qaali tahay ay dhaqaatiirtu doonayeen inay iga joojiyaan, waxayse markii dambe ii caddeeyeen inaan ka caafimaaday kansarka.
"Dhaqaatiirtu waxay ii bixiyeen magacyo badan oo ay igu ammaanayaan, sidaan geesi u ahaa, sidaan xaaladdeyda ugu dadaalay iyo sidii aan taladooda u qaadan jiray," ayey tiri
Habboon oo haatan ay weli xaaladdeedu la socdaan dhaqaatiirta, ayaa dhexda u xiratay in bulshada Soomaaliyeed ay ka wacyigeliso xanuunkan.
"Maalin walba marka aan TikTok soo galo, waxaan gabdhaha ka sheekeysannaa xanuunkan, qof i dhaha hadda ayaan ballan leeyahay iyo qof i dhaha waan is soo baarayaa," ayay tiri Habboon.
Haween badan oo ku nool gudaha Soomaaliya uma nasiib badna sida Habboon, xitaa haddii ay sameeyaan dadaal ay xilli hore isku baaraan ulana socdaan xaaladdooda, gudaha dalka kama heli karaan daryeelka caafimaad ee kansarka naasaha.
"Markaan wacyigelinta xanuunka sameyneyno runtii aad ayaan uga xumaannaa, sababtoo ah marka dadkii aad dhiillo geliso oo aad tiraahdo waxaan markaad isku aragto saa iyo saa samee oo dhaqtarka la soo xiriir, dhaqtarkiina uu yahay mid gaar loo leeyahay, xoogaa waxaan dareennaa xanuun," ayay tiri Dr Caasha Cumar Kablow.










