Askarigii Maraykanka ahaa ee isku badalay qabqable ka hawlgala Soomaaliya

Xuseen Caydiid

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xuseen Maxamed Faarax Caydiid, wuxuu dalka Maraykanka tagay sanadkii 1979 kii, isaga oo nin yar ah. Markii uu dhameeyay dugsiga sare ayuu ku biiray ciidmada Maraykanka. Sida uu qoray bogga ka faalooda arrimaha ciidamada Maraykanka, meelo kala duwan ayaa ciidan ahaan loogu qaaday Xuseen, oo ay kamid tahay Kuwait.

Sanadkii 1991 kii, markii ay dhacday dawladii dhexe ee Soomaaliya ee uu hugaaminayay madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, Soomaaliya waxay gashay qalalaase, dagaalo iyo xasilooni darro ka bilaabatay gudaha dalka.

Muqdisho iyo inta badan koonfurta Soomaaliya waxaa gacanta ku dhigay jabhadii USC ee uu hugaaminayay Maxamed Faarax Caydiid.

Dhawr sano kadib waxaa isku dhac uu dhexmaray ciidamadii Maraykanka ee ku sugnaa Soomaaliya ee u yimid nabad ilaalinta iyo jabhadii USC, iyada oo uu dhacay dagaalkii caan baxay ee loogu magac daray Black Hawk Down.

Dagaalkaan ayaa dhacay sanadkii 1993 – laba sano kadib markii ay jabhaddu la wareegtay caasimadda.

Dagaal balaaran oo ay ku dhinteen ciidamo badan oo Maraykan ah iyo kuwo Soomaali ah intaba ayaa ka dhacay xilligaas bartamaha caasimadda Muqdisho, xilli ay Maraykanku isku dayayeen inay gacanta ku dhigaan Janaraal Caydiid.

Dagaalkaa oo ay soo qaadeen markii hore ciidanka Maraykanka ayeysan ku guuleysan. Balse wixii intaas ka dambeeyay Janaraal Caydiid waxaa doondoonayay Maraykanka oo rabay inuu gacanta ku dhigo.

Xuseen

Xigashada Sawirka, Getty Images

Maxamuud Cabdi Cilmi oo kamid ahaa raggii ugu dhawaa islamarkaas na ahaa xoghayaha gaarka ah ee Janaraal Caydiid ayaa buug ka qoray dagaalkaas. Waa buuggii ugu horreeyay ee dhinaca Soomaaliya laga qoro, sida uu weriyay Ibraahin Maxamed Aadan oo ah BBC ka tirsan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sabata uu ku badbaaday Janaraal Caydiid ayuu ku sheegay 'in uu xumaa sirdoonka iyo sahanka ciidanka Maraykanka' gaar ahaan unugii kumaandooska oo ahaa mid loogu talagalay in ay fuliyaan weeraro qorsheysan, waqti koobanna lagu soo afjari karo.

Maxamuud ayaa yiri: “Lix meel ayay ku dageen, hal meel ayay ku guuleysteen. Taasi waxay ku tusineysaa, hadii sirdoonkaagu ilaa heerkaas uu liito, see nin aad rabto inaad soo qabato u soo qabanee?,” ayuu yiri Maxamuud oo la hadlayay BBC.

Dhanka kale Xuseen wuxuu xilligaas ka tirsanaa ciidanka Maraykanka ee Marines ka. Laakiin markii lasoo gaarsay 1995 tii ayuu isaga baxay ciidamada, isaga oo noqday muwaadin caadi ah oo Maraykan ah. Kadibna wuxuu bilaabay inuu la shaqeeyo shirkad dhismooyinka ka shaqaysa.

Markii la soo gaaray sanadkii 1996 dii, ayuu dhintay Maxamed Faarax Caydiid kadib dhaawac soo gaaray. Maalmo kadib kooxdii uu hugaaminayay Maxamed Faarax ayaa ku dhawaaqday in wiilkiisu uu hugaamiyo u yahay.

Xuseyn oo markaas ku jiray sano sodonaad ayaa isaga tagay shaqadii uu ka hayay Maraykanka isaga oo u soo duulay Soomaaliya.

Xuseen

Xigashada Sawirka, Social media

Markii uu gaaray Soomaaliya wuxuu la wareegay hugaanka ururkii aabihiis hugaamin jiray ee Somali National Alliance, Soomaaliyana waxay ku sii jirtay qalalaase iyo kooxo isku eryanaya gudaha caasimadda sanado badan oo waqtigaas ka dambeeyay.

Xuseen Caydiid oo ah siyaasi rug caddaa ah oo in ka badan ka soo muuqday siyaasadda Soomaaliya wuxuu soo qabtay xilal dhowr ah. Xilalkaasi oo uu ka soo qabtay Dowladdii Federaalka ee ku meelgaarka ahayd ee Soomaaliya ayaa kala ahaa:

Ra'isal wasaare ku xigeenka dowladdii ku meel gaarka ee Soomaaliya inti u dhaxeysay May 2005 ilaa iyo 13-May 2007. Balse 6-dii Agoosto 2007-dii baarlamaanka dowladda ku meel gaarka ahayd ayaa xilkii ka qaaday Ra'isal wasaare ku xigeenka Xuseen Maxamed Faarax Caydiid isaga oo lagu lagu eedeeyey xil gudahso la'aan.

Xuseen waxa uu sidoo kale ahaa wasiirka arrimaha gudaha inti u dhaxeysay 2005- 7-da Febraayo 2007.

Wuxuu kale oo uu noqday Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynatana 7-da bishii Fabrayo ilaa iyo December 2008.

Intii uu ahaa Ra'iisul wasaare ku xigeenka ayaa waxa uu mar jeediyay hadal ka careysiiyay Soomaali badan, kaas oo ahaa in la isku darayo Soomaaliya iyo Itoobiya.

" Xudduud laba kun oo kilomitir ayaan isla leenahay, xudduudaas in aan baabi'naan rabnaa xitaa, maxaa yeelay walaalaan nahay wax noo dhaxeeya ma jirto" ayuu yiri Xuseyn.

Balse madaxweynihii xilligaas ee dalka Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa sheegay in warkaas uusan waxba ka jirin qorshe ku saabsanna uusan socon, isaga oo la hadlayay barnaaijka Focus on Africa ee idaacadda BBC.