Fanaankii "caloosha hooyadii ku garaadsaday" oo maanta la aasayo

XASANGAREED

Xigashada Sawirka, GOOBJOOG

Mulaxamiiste Xasan Sabriye Afrax (Xasan Gareed) wuxuu mid ka mid ahaa mulaxannada ugu cod samaynta fiicnaa laxamada, heeso badan oo uu sameeyeyna waa kuwa dhagaysigooda Soomaalidu ugu jeceshahay.

Laakiin nolosha Gareed ayaa leh xiiso gooniya leh. Wuxuu ku dhashay Gobolka Galgaduuud ee bartamaha Soomaaliya ahaan deegaan u dhow Dhuuso mareeb.

Xasan gareed wuxuu sheegay inuu ku dhashay 11 bilood, sidaasna loogu biixiyey naynaasta (Garaad) oo loo bixin jiray dadka sidiisoo kale ah, kuwaas oo ku dhasha muddo ka badan tirsi qaadka uurka ee hooyada.

“Anigu sagaal kuma dhalan,waxaan ku dhashay 11 bilood, marka nin caloosha ku garaadsaday ayaa garaad loo bixiyaa ee la iskama bixiyo” ayuu yiri allah u naxariistee Xasan Gareed.

"Aabahay wuxuu ii bixiyey magaca Xasan oo uu iigu wanqalay, laakiin hooyaday waxay ii bixisay garaad, markaas ka dib anigoo yar ayaan xamar tagay dadku ma aqoon magaca garaad ee reer Xamarkii ayaa u badalay Gareed" ayuu yiri.

Burburkii ka dhacay Dalka Xasan meelna uguma bixin Muqdisho, wuxuuse tilmaamay in tabar u waayey inuu ka baxo.

“Waxaan tawakalay ilaahay, meshii aan ku noolaa gurigaygii oo ku yaala xaafad la yiraahdo Xamar Bile oo Siinaay ku taala ayaan deganahay aniga iyo caruurtaydu xitaa Afgooye maanan gaarin”

LAXAN SAMEEYE

Xigashada Sawirka, GOOB JOOG

Noloshii adkeyd ee Xasan Gareed.

Markii dalku galay burburka, Xasan wax walba oo noloshiiisa ah waa is badaleen, wuxuuna galay nolol adag, Waraysi uu siiyey BBCda ayuu ku sheegay inuu soo maray maalmo aaad u adkaa.

“ Meel la yiraahdo Bakaaraha oo suuq ganacsi ah ayaan u foof-tagi jiray kol aad garato qofaad taqaano, reer miyise baa yimid. Wixiise aan ka soo helo ayaan guriga keeni jiray, ha yaraadaan ama ha bataane.”

Muddo ka dib wuxu sheegay in markii Muqdisho ay tagtay Dowladdii Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf hogaaminayey ilaa Dowladii Shiikh Shariif ay fanaaniintii joogtay markaa ay lacago u qoreen, mar konton marna boqol dollar ay ka heli jireen.

Waayihii Fanka Xasan Gareed

Dabaqaayadii 1963 ayuu soo galay Fanka hase yeeshee wuxuu ahaa intii hore mid banaanka ku shaqeeya. Sanadkii 1967 ayuuse si rasmi ah ugu biiray fankii Soomaalida isagoo door muuqda ku lahaa kobaciisi.

Codadka macaan ee ku saaray heeso badan ayaa Xasan ka dhigay inay laxamadiisa soo jiitaan abwaano badan oo miraha samayn jiray.

Abwaan Ahmed Saleeban Bidde ay isku waayo ahaayen xagga fanka ayaa sheegay in Allah u Raxmadee Xasan Gareed uu ahaa nin shaqsiyad Fiican Waligiisna uusan arag qof ay is haystaan.

Sanadkii 1964 ayuu sheegay inay isugu horeysay isaga iyo Xasan oo markaa xiiso u qabay inuu barto kabanka ama cuudka, gacanna uu ka siiyey dalabkisii.

Laxamadii uu sameeyey

XASAN GAREED

Xigashada Sawirka, GOOB JOOG

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xasan wuxu jiilkiisi fanka ahaa mid kulahaa magac iyo maamuus, doorkiisa fanka soomaliduna wuxuu ahaa inuu cododka u sameeyo miraha ay hal abuuraan abwaanada ka hor inta aan loo dhiibin fanaan ku luuqeeya.

Heeso ilaa hadda aan laga daalin dhagaysigooda ayuu leeyahay laxamaddooda kuwaas oo qaybtood ay noqdeen kuwa loogu jeclaa.

Tii ugu horreysay ee uu Laxankeeda sameeyo waxay ahayd heestii la oran jiray Sida canabka beeraha oo miraheeda uu lahaa Abwaan Maxamed Maxamuud Dheeg ayna wadajir u wada qaadeen alaha u naxariistee Xaliimo Khaliif Magool iyo Maxamed Axmed Kuluc.

Heesihii taa ka dambeeyey ee uu laxameeyo waxaa ka mid ahaa hees uu sameeyey alaha u naxariistee Abwaan Cabdi Iidaan Faarax, heestii la oran jiray Xurmo daran oo uu qaaday Maxamed Axmed Kuluc.

Kuwa kale ee caanka ahaa uu laxanka u sameeyey waxaa ka mid ahayd heestii Hooyooy la'aantaa ee uu qaaday Maxamed Saleen Tubeec oo sameeyey alaha u naxariistee Abwaan Maxamed Ibaahim Warsame (Hadraawi)

Ka sokow codod ama laxan samaynta, Xasan Sabriye wuxuu caan ku ahaa garaacida kacabka ama cuudka taas kor u qaaday doorkiisa fanka maadaama u kulansaday labado hibo oo ay adkayd in hal qof yeesho.