Maxay yihiin noocyada hubka Kuuriyada Waqooyi ee Xamaas ay adeegsatay

Xigashada Sawirka, Wikipedia
Warar soo baxaya ayaa tuhun weyn galinaya in Xamaas ay isticmaaleen qaar ka mid ah hubka ay samayso kuuriyada waqooyi, sida lagu xusay warbixin laga soo xigtay wakaaladda Associated Press oo ay qortay jariidadda Asharqul Awsad.
Militariga Koonfurta Kuuriya ayaa markii ugu horreysay sheegay inay dabogal ku hayaan astaan iyo raad muujinaya in dowladda Waqooyiga Kuuriya ay hubsiisay kooxda Xamaas ee dagaalka kula jirta Israa'iil.
Hubkaas ayaa la rumeysan yahay in loo adeegsaday weerarkii ay Xamaas ku qaaday Israa'iil labada toddobaad ka hor ee weli socda.
Sarkaal u hadlay ciidamada Koonfur Kuuriya ayaa sheegay inay arkeen cadaymo muujinaya inay Koonfur Kuuriya ay hub u dirtay dalalka bariga dhexe iyo kooxaha xagjirka ah.
Waxa uu intaas ku daray in xadka Israel sidoo kale laga helay nooca madaafiic 122mm ah oo ay Kuuriyada Waqooyi samaysay, kuwaas oo la rumeysan yahay in ay adeegsatay Xamaas.
Sarkaalka ayaa sidoo kale soo jeediyay in xeelada Xamaas ee duulaanka ay ku qaadayaan kuwa mootooyinka ah ay ka imaan karaan Kuuriyada Waqooyi, isaga oo tilmaamaya tababarka sare ee hawada ee ciidamada Kuuriyadda Waqooyi.
Laba sarkaal oo u dhashay kuuriyada koofureed, laba khabiir oo yaqaanna hubka kuuriyada waqooyi iyo falanqeeye xagga hubka oo ka tirsan Associated Press ayaa sheegaya inay jiraan qoryaha RPG nooca F-7 ee Pyongyang samayso, iyo gantaallada garabka laga rido ee ay dagaalyahannadu u isticmaalaan gadiidka gaashaaman.
Waxaa kaloo jira caddaymo muujinaya hub si sharcidarro ah loo dhoofiyo kaasoo dalka ay xayiraaddu saaran tahay ee waqooyiga kuuriya u isticmaalay inuu ku maalgaliyo hubka caadiga ah iyo barnaamijkiisa hubka nukliyeerka.
Qoryaha RPG ayaa tuuri kara markiiba hal madax oo kaliya, ayadoo degdeg loo cabbayn karo, waxayana taa ka dhiagaysaa hub qiime weyn u leh fallaagada ku-dhufo-oo-ka-dhaqaaqda ku weerara gaadiidka culus.
F-7 ayaa hore loogu isticmaalay Suuriya, Ciraaq, Lubnaan iyo Qasa sida uu sheegayo N.R. Jenzen-Jones oo ah khabiir hubka yaqaanna.
“Kuuriyada waqooyi waxay muddo dheer taageeraysay kooxaha mintidiinta Falastiiniyiinta, waxaana hore loo diiwaan geliyey hub la mamnuucay oo ah kan Kuuriyada waqooyi” ayuu yiri Jenzen-Jones.

Xigashada Sawirka, Militarytoday.com
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xamaas ayaa shaacisay muuqaallada dagaalyahannadeeda oo sita RPG, waxaana ka muuqday rasaasta oo laga arkayey in diillin guduuddan ay ku taallo. Sidoo kale naqshado kale oo u eg kuwa F-7 ayaa laga arkayey sida uu sheegay Matt Schroeder oo ah cilmi baare yaqaanna hubka fudud.
“La yaab ma leh in hubka Kuuriyada waqooyi lagu arko Xamaas” ayuu sii raaciyey.
Fiidiyow kuwa borobagaandada ah oo Xamaas ay sii deysay waxaa lagu arkay gantaallada Bulsae 2 ee taangiyada lagu rido.
Jenzen-Jones wuxuu sheeegay inuu rumaysan yahay in marka la eego sawirrada la qaaday weerarkii 7 Oktoobar ay Xamaas isticmaaleen qoryaha is cabeeya ee Kuuriyada waqooyi samayso ee loo yaqaanno type 58, kuwaasoo ka mid ah noocyada qoriga Kalashnikov.
“In badan oo ka mid ah hubka Kuuriyada waqooyi Iran ayaa siisay kooxaha mintidiinta, waxaana la rumaysan yahay in ah tahay sida koowaad ee ay ku heleen mintidiintu hubka Kuuriyada waqooyi” ayuu yiri Jenzen-Jones. Ergada Iran ee Qaramada Midoobay kama aysan jawaabin eedeyntaas.
Wakaaladda Reuters ayaa iyana sheegtay in F-7 iyo gantaallada Bulsae 2 ay isticmaalayeen xamaas ilaa 2021.
Kuuriyada waqooyi waa ay beenisay in hub ay samaysay ay Xamaas u isticmaaleen weerarkii 7 Oktoobar, waxayna ku tilmaameen “dacaayad uu Maraykanku faafiyey”.
Noocyada Hubka Kuuriyada waqooyi ee Xamaas haysato

Xigashada Sawirka, Armyrecognition.com
Qoriga RPG waxaa sameeya Ruushka, laakiin dalalka kale ee dunida badankood sida Shiinaha, Kuuriyada waqooyi, iyo Iran waa ay samaystaan.
Nooca RPG F-7 waxaa loogu tala galay in lagu weeraro taangiyada, gaadiidka gaashaaman iyo tiknikada. Noocyadiisa dambe waxaa lagu soo daray qaar ciidanka lugta lagula dagaallamo.
Rasaastiisa waxay isugu jirtaa firdhiso, iyo dalooliso. Firdhisada waa nooca marka ay bartilmaameedka ku dhacdo sii kala firirta, daloolisada waxaa loogu tala galay inay ka dhex baxdo biraha adag.
Wuxuu ka faltami karaa qorigan fogaan u dhaxaysa 200 – 500 oo mitir.
Qoriga Bulsae 2 ATGM waa qori ay samayso kuuriyada waqooyi oo lagula dagaallamo taangiyada. Waa nooca qoriga Ruushku sameeyo ee Fagot.
Tan iyo 1970 Ruushku wuxuu qoryihiisa Fagot siinayey Kuuriyada Waqooyi. Wuxuu kaloo ka caawiyey in ay samaysato warshad soo saarta hubkaas.
Waxaa loogu tala galay inuu ka dhex baxo biraha adag ee dhumucdoodu tahay 400 – 500 mm.
Waxaa ku xiran qalab gantaalka hagaya. Marka la tuuro wuxuu si toos ah u abaaraa halkii bartilmaameedku ahaa isagoo isticmaalaya qalabka hagaya.
Wuxuu si fiican uga faltami karaa 2KM – 2.5 KM, waxaana mararka qaar laga ridi karaa gaari dushiisa.
















