Maxaa laga yaqaannaa gabadha uu qarin jiray Kim Jong-Un ee hadda soo shaac baxday?

Xigashada Sawirka, KCNA via Reuters
Waxaa markii labaad maalmo gudahood ah goob fagaaro ah ka soo muuqday gabar uu dhalay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-Un, arrintaas oo abuurtay shaki ah inuu u diyaarinayo madaxtinnimada dalkaas.
Gabadha iyo aabaheed ayaa is garab taagnaa xilli la tijaabinayay gantaal rido dheer oo la sheegay inuu duqeyn karo gudaha Maraykanka, falkaas oo ay dhaliishay xukuumadda Washington.
Sawirro lagu faafiyay wakaaladda wararka dalkaas ee KCNA ayaa muujinaya gabadha iyo aabaheed oo gacmaha is haysta, sheekaysanaya, mararka qaarna eegaya gantaalka la tijaabinayay.
Mid ka mid ah muuqaallada ayaa muujinaya labadooda oo la sawirran askar ku sugan goobta lagu tijaabinayay gantaalka oo magaciisa lagu sheegay Hwasong-17, halka sawir kalena la arkayay gabdha yar sacbinaysa.
November 18-keedii ayaa markii ugu horreysay goob fagaaro ah lagu arkay gabadhan yar oo uu sanado badan qarin jiray hogaamiyaha awoodda badan ee Kuuriyada Waqooyi. Xilligaas waxa ay ka soo muuqatay goob lagu tijaabinayay gantaal oo ku taalla caasimadda Pyongyang.

Xigashada Sawirka, KCNA VIA REUTERS
Maxaa laga yaqaanaa gabadha?
Waxaa la rumaysan yahay in lagu magacaabo Kim Chu-ae.
Michael Madden oo ah khabiir arrimaha Kuuriyada Waqooyi u qaabilsan xarunta Stimson ee Washington, aya BBC u sheegay inuu rumaysan yahay in Chu-ae ay tahay 12 ama 13 jir.
Magaceeda waxaa markii ugu horreysay 2013 shaaciyay Dennis Rodman oo ahaa xiddig ku caan baxay ciyaaraha kubadda koleyga Maraykanka oo waagaas booqasho ku tegay Kuuriyada Waqooyi.
Rodman ayaa sheegay inuu waqti la qaatay qoyska Kim, ayna u dalxiis tageen badda, ooay la joogtay “gabadhooda da’da yar ee Chu-ae”.
Sirdoonka Kuuriyada Koonfureed ayaa qiimeyn ay sameeyeen ku sheegay in Chu-ae ay u muuqato 10 jir.
Warbaahinta Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in Kim iyo gabadhiisa ay ka qeyb galeen munaasabad taariikhi u ah dalkaas. Gantaalka Hwasong-17 ayaa ah kan ugu awoodda badan ee ay ilaa haatan samaysay xukuumadda Pyongyang.
Waa gantaal oo qaabeeyay inuu qaado noocyada kala duwan ee hubka nukliyeerka, isla markaana gaari kara xeebaha bari ee Maraykanka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
In goob fagaaro ah ay ka soo muuqato gabadha uu dhalay Kim ayaa hareer marsan dhaqankii lagu bartay aabihii iyo awoowgii oo uga horreeyay xukunka Kuuriyada Waqooyi oo si weyn u ilaalin jiray macluumaadka carruurtooda.
Khubarada ayaa rumaysan in Kim uu dhalay saddex carruur ah, laba gabdhood iyo wiil. Chu-ae ayaa la rumaysan yahay inay tahay curadda qoyskaas.
Hogaamiye Kim Jong-Un ayaa si weyn u ilaaliya xogta qoyskiisa, iyadoo xaaskiisa Ri Sol-ju ay soo shaac baxday uun sanado yar ka hor.
Waxaa se si weyn loo yaqaanaa oo xitaa hawlaha dowladda udub dhexaad u ah walaashii, Kim Yo Jong.













