Muxuu Kim Jong-un ka damacsanyahay gantaalladiisa laga cabsado?

Xigashada Sawirka, KCNA
Muddooyinkan xiisadda Kuuriyada Waqooyi waa mid soo noq-noqonaysay, laakiin xaaladda gacanka Kuuriya hadda waa tii ugu qallafsanayd ee jirtay shantii sano ee la soo dhaafay, waxaana ay u muuqataa inay ka sii dari doonto.
Bishii la soo dhaafay Waqooyiga ayaa gantaal ku riday dalka Japan, taasoo ku qasabtay dadka deegaanka inay raadsadaan meelo ay gabaad ka dhigtaan, arrintaas ayaa u muuqatay fal colaadeed iyo daandaansi ah.
Waxa ay riday dhowr gantaal oo kale, waxay u duulisay diyaarado dagaal meel u dhaw xuduudka ay la wadaagto Kuuriyada Koonfureed, iyadoo boqolaal madfac ku garaacday badda, kuwaas oo ku dhacay aag militari, oo ay labada Kuuriya sameeyeen 2018-kii si nabadda loo ilaaliyo. Labada dal farsamo ahaan weli dagaal ayaa ka dhex jira.
Isniintii markab ganacsi oo laga leeyahay Kuuriyada Waqooyi ayaa ka soo tallaabay xadka badda ee dalka, taasoo keentay in labada dhinac ay is waydaarsadan rasaas digniin ah. Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in duulaanka uu ahaa mid ula kac ah.
Haddaba, muxuu Kim Jong-un ka damacsanyahay gantaalladiisa laga cabsado?
Waxaa jira saddex sababood oo Kuuriyada Waqooyi ay u riddo gantaallada, kuwaas oo kala ah inay tijaabiso oo ay horumariso tignoolajiyada hubka, inay farriin siyaasadeed u dirto adduunka gaar ahaan Mareykanka, iyo inay soo jiidato dadkeeda gudaha.
Way adkaan kartaa in la kala saaro dhamaan ficillada Pyongyang, laakiin markan Mr Kim si cad ayuu u sheegay, oo warbaahinta dowladda ayaa dhowr jeer sheegtay in dhoolatusyada ay dhowaan sameysay Kuuriyada Waqooyi ay jawaab u yihiin dhoolatusyada milateri ee ay wadaan Mareykanka, Kuuriyada Koonfureed iyo Japan.
Woqooyiga ayaa cadawgeeda ku eedaysay inay sii kordhiyeen xiisadda, waxayna sheegtay in duullaankooda uu yahay digniin cad oo ay tahay inay joojiyaan.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Washinton, Seoul iyo Tokyo ayaa labadii bilood ee lasoo dhaafay si gooni gooni ah iyo si wada jir ahba u sameynayay dhoolatus militari oo ballaaran, si ay u muujiyaan inay diyaar u yihiin weerar nukliyeer ah oo Kuuriyada Waqooyi ka dhan ah.
Sababta Kuuriyada Waqooyi ay markii hore u billowday in ay sameysato hubka Nukliyeerka ayaa ah in ay ka hortagto duulaanka lagu soo qaaday.
Mr Kim ayaa sannadkii hore dajiyay qorshe shan sano ah, isagoo faah-fahain ka bixiyay dhammaan hubka cusub ee uu qorsheeyay inuu horumariyo.
Waxa ka mid ahaa bambaanooyinka nuclear-ka ee yar yar iyo gantaallada riddada gaaban. Tijaabooyinkii ugu dambeeyay waxay cadeyn u yihiin in Kim uusan kaliya ka shaqeyneynin hubka, laakiin uu u tababarayo ciidamadiisa si ay u adeegsadaan. Waxa uu isticmaalay qaar ka mid ah dhoolatusyadii dhawaa, sida uu sheegay, si uu ugu ekaado weerar Nukliyeer ah oo lagu qaaday Kuuriyada Koonfureed.
Cunaqabateyntu kama aysan joojin Kuuriyada Waqooyi inay sameysato hub, sidii loogu talagalay, balse waxay dhaawaceysaa dhaqaalaheeda.
Wadahadallada loogu talagalay in lagu dhimo cunaqabateyntaas ayaa muddo dheer hakad ku jiray, Kuuriyada Waqooyina waxaa ay iska indho tiraysaa ajandaha caalamiga ah.
Dunidu waxay aad uga walaacsan tahay dagaalka Ukraine, iyo kor u kaca awoodda Shiinaha . Mawqifka madaxweyne Biden ayaa ah in cunaqabataynta Kuuriyada Waqooyi la fududeeyo kaliya marka ay ogolaato inay ka tanaasusho dhamaan hubkeeda Nukliyeerka ah.
Dhanka kale, Washington iyo Seoul waxay ku heshiiyeen inay xoojiyaan difaacooda gacanka iyagoo qabanaya dhoolatuska militari ee Pyongyang ay aad u neceb tahay, ugana jawaabaan daandaansigeeda si xoog ah. Ka dib wareegii ugu dambeeyay ee gantaalada iyo dhoolatuska Kuuriyada Waqooyi, Kuuriyada Koonfureed ayaa soo dirtay diyaarado dagaal oo ay iyaduna toogatay madaafiic.
Haddii Kim uu rabo inuu Mareykanka kala xaajoodo shuruudo isaga u dan ah, waa in marka hore uu ka garaabaa inta ay la egtahay khatarta dalkiisu uu ku hayo dunida inteeda kale.
Bishii la soo dhaafay waxa uu ku dhawaaqay in Kuuriyada Waqooyi ay tahay dal haysta hubka Nukliyeerka ah, mowqifkaas oo uu sheegay in aan laga laaban karin.
"Waa in aan ka wawalwalnaa sida ay Kim uga go'antahay arrintan, " ayuu yiri Kim Jong-dae, oo ah la taliyihii hore ee Wasaaradda Difaaca Kuuriyada Koonfureed.
Waxa uu tilmaamay sida waayadii hore ee Kuuriyada Waqooyi ay u sugi jirtay ilaa ciidamada Mareykanka ay dhammeeyaan dhoolatuskooda ka hor inta aysan ka aargoosan. Markan waxay madaafiic ku rideen badda iyadoo dhoolatusku uu socday.
“Weligay ma annan arag geesinimadan iyo daandaansigan way ka duwan tahay kuwii hore, Waqooyiga Kuuriya waxay u dhaqmaysaa sidii waddan Nukliyeer ah,” ayuu yiri.
Dowladaha Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa rumeysan in diyaar garowga Kuuriyada Waqooyi ay ku tijaabineyso hubka Nukliyeerka ah oo ah kii toddobaad uu diyaar yahay.Waxaa hadda raja laga qabaa isu soo dhawaansho, iyadoo shirweynihii xisbiga Shuuciga ee Shiinaha uu hadda dhammaaday, ayna soo dhowdahay doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka.
Dhanka kale Kuuriyada Koonfureed ayaa weli ku guda jirta wareeg kale oo dagaal, iyadoo Maraykanku uu qorsheynayo inuu ku soo biiro. Arrintaan waxay si fiican u siin kartaa Kim Jong-un marmarsiiyo uu sugayey.













