Kuuriyada Waqooyi: Wax ka ogow gantaallada Kuuriyada Waqooyi ay ku faaneyso ee New York gaari kara

Warbaahinta dowladda Kuuriyada Waqooyi oo baahisay sawiro muujinayo gantaal cusub oo ah nooca loo yaqaano cruise-ka oo la tijaabiyay sanadkii hore

Xigashada Sawirka, KCNA

Qoraalka sawirka, Warbaahinta dowladda Kuuriyada Waqooyi oo baahisay sawiro muujinayo gantaal cusub oo ah nooca loo yaqaano cruise-ka oo la tijaabiyay sanadkii hore
    • Author, Reality Check
    • Role, BBC News

Kuuriyada Waqooyi ayaa sanadkii la soo dhaafay sameysay tijaabado gantaallo ah oo isdaba joog ah si ay u horumariso barnaamijkeeda hubka, taas oo ay sheegtay in ay lagama maarmaan tahay in ay iska difaacdo duullaanka Mareykanka ee suurtagalka ah.

Bishii Sebtembar ee 2021-kii oo keliya, warbaahinta dawladdu waxay soo warisay tijaabooyin cusub oo gantaalaha hypersonic-gga ee xawaarahooda sarreeyo ah, tijaabinta gantaal ballistic oo tareen korkii laga soo riday iyo tijaabinta gantaallada riddada dheer.

Bishii Janaayo ee sanadkii hore - wax yar ka hor inta uusan Madaxweyne Biden la wareegin xilka madaxweynaha Mareykanka - Kuuriyada Waqooyi ayaa soo bandhigtay gantaal cusub oo nooca ballistic-ga ah oo lagu riday badda hoosteeda, xilli dhoolatus militari ay sameeynayeen, wuxuuna Kim ku tilmaamay "hubka ugu awoodda badan adduunka".

Awooda dhabta ah ee hubkan ayaan wali caddayn, maadaama aan la garanayn in la tijaabiyay.

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa ballan qaaday inuu ballaarin doono hubkiisa Nukliyeerka iyo awooddiisa milateri, isagoo soo bandhigay liiska hubka ay doonayaan inay sameystaan.

Dalkan ayaa ku guulaystey inuu si weyn u horumariyo hubkiisa, inkastoo lagu soo rogay cunaqabatayn dhaqaale.

Gantaalada gaari kara Maraykanka

Sannadkii 2017, Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabisay dhowr gantaal oo muujinaya wax u muuqday horumar degdeg ah oo dhanka tignoolajiyada milatariga ah.

Gantaalkan oo lagu magacaabo Hwasong-12 ayaa la rumeysan yahay inuu gaari karo ilaa 4,500 oo kilomitir taasoo qiyaas ahaan u dhiganta saldhig ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin jasiirada Guam ee Pacifiga ku taal.

Ka dibna waxay Kuuriyada Waqooyi tijaabisay, gantaalka Hwasong-14 oo gaarayo masaafo dhan 8,000 kilomitir inkasta oo cilmi-baarisyada qaarkood ay soo jeedinayaan in uu gantaalka gaari karo ilaa 10,000km.

Tani waxay Pyongyang u suurogelin lahayd in gantaalkeedii ballistic-ga ee ugu horreeyay ee qaaradaha isaga gudba, oo awood u leh inuu gaaro New York ay hesho.

Ugu dambeyntii, waxay tijaabisay Hwasong-15, kaas oo jooggiisa lagu qiyaasay 4,500kilomitir - 10 jeerna ka sarreya Saldhigga Caalamiga ah ee Hawada Sare.

Bishii Oktoobar 2020, Kuuriyada Waqooyi ayaa soo bandhigtay gantaal cusub ee ballistic ah, balse wali lama magacaabin ama looma tijaabin sida Hwasong-15.

Waxaa la rumeysan yahay in gantaalkaasi uu awood u leeyahay in madax nukliyeer gaarsiiyo meel kasta oo Mareykanka ka mid ah.

Bishii Janaayo 2021, Kuuriya Waqooyi ayaa soo bandhigtay gantaal kale oo ah gantaallada ballistic-ga oo cusub kaas oo badda hoostiisa mara oo ay markaasi Kuuriyada Waqooyi ku tilmaantay "hubka ugu awoodda badan adduunka".

Gantaalaha lagu soo bandhigay dhoola-tus milatari oo ay Kuuriya Waqooyi sameeysay bishii Janaayo ee 2021

Xigashada Sawirka, KCNA

Qoraalka sawirka, Gantaalaha lagu soo bandhigay dhoola-tus milatari oo ay Kuuriya Waqooyi sameeysay bishii Janaayo ee 2021

Daah-furka gantaalladan cusub ayaa u muuqday kuwas fariin u ah maamulka Biden ee awoodda milateri ee sii kordheysa ee Waqooyiga, sida ay sheegeen khubarada.

Falanqeeyayaasha Xarunta James Martin ee Daraasaadka ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in ay muuqatay "farqi u dhaxeeya hubkii hore loo tijaabiyay ee KN-23 iyo kanna hadda. "Waxaan ogaanay in kan hadda uu aad uga hormarsan yahay kii hore."

Graphic showing main longer-range missiles in North Korea
white space

Khubarada qaar ayaa soo jeediyay in gantaalku yeelan karo astaamo u sahlaya inuu si fudud u dhaq-dhaqaaqo, isla markaana ay adkaato in la ogaado ama lala socdo dhaq-dhaqaaqiisa.

Tijaabadii bishii Sebtembar ee la soo dhaafay ee gantaallada riddada dheer waxay weli u keeni kartaa caqabado badan nidaamka difaaca, maadaama aysan gantaalladani ahayn inay raacaan hab toos ah oo la qorsheeyay si looga fogaado in la ogaado.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in ay gantaalkaasi uu gaari karo masaafo dhan 1,500km, taas oo ka dhigaysa in inta badan dalka Japan lagu bartilmaameedsan karo, inkastoo aan la ogeyn ilaa hadda sida loo hagayo, iyo in uu xambaari karo karo culeyska Nukliyeerka ah.

Si ka duwan gantaalada ballistic-ga, cunaqabataynta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kama mamnuucayso Kuuriyada Waqooyi inay tijaabiso gantaallada.

Qoraalka Muuqaalka, Muqaalka cajiibka ah ee askariga baxsanaya Kuuriyada Waqooyi

Bambaanooyinka Thermonuclear

Waxay ahayd 3 Sebtembar 2017-kii markii ay Kuuriyada Waqooyi samaysay tijaabadeedii ugu weynayd ee nukliyeerka.

Qiyaasta awoodda qarxa ee aaladda, ama wax-soosaarkeeda, waxay u dhaxaysay 100-370 oo kilotan. 100-kii kiilooton ayaa lix jeer ka xoog badan bamkii lagu tuuray Hiroshima 1945-tii.

Map showing main nuclear test sites in North Korea
white space

Kuuriyada Woqooyi waxay sheegtay in tijaabadani ay ahayd hubkeedii ugu horreeyay ee thermonuclear oo qaabka ugu awoodda badan ee qarxa nukliyeerka ee qarxinta hubka atomikada.

Bishii Abriil 2018, Kuuriyada Waqooyi waxay ku dhawaaqday inay joojinayso tijaabooyin kale oo nukliyeerka waxayna sababta ku sheegtay in ay awoodeeda xaqiijisay".

Kuuriya Waqooyiga ayaa sidoo kale ballan qaaday inay burburin doonto goobta Punggye-ri waxayna bishii May 2018 qarxisay qaar ka mid ah godadka-ka iyadoo ay goobjoog ahaayeen saxafiyiin ajnabi ah - balse ma jirin khubaro caalami ah oo goobtaasi ku sugnayd.

Iyadoo uu sanadkaas wadahadal u socday Kim Jong-un iyo maamulkii madaxweyne Trump , Pyongyang ayaa sidoo kale sheegtay inay burburin doonto dhammaan xarumaha tayeynta nukliyeerka.

Madaxweyne Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un oo sanadkii 2019-kii kulmay

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un oo sanadkii 2019-kii kulmay

Si kastaba ha ahaatee, wadahadaladii lala yeeshay Maraykanka ayaa ahaa kuwo aan miro dhalin.

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan atoomikada ayaa sannadkii 2021-kii sheegtay in iyadoo lagu salaynayo sawiro lagu qaaday dayax-gacmeedka, ay u muuqatay in Kuuriyada Waqooyi ay dib u billowday hormarinta niyukleerkeeda.

Hay'adda Caalamiga ah ee Tamarta Nukliyeerka (IAEA) ayaa sheegtay in barnaamijka Nukliyeerka uu si buuxda u socdo, iyadoo laga shaqaynayo kala-soocidda iyo kobcinta Uranium-ka.

Malaayiinta askari ee Kuuriyada Waqooyi

Kuuriyada Waqooyiga waxay leedahay mid ka mid ah ciidamada ugu badan adduunka waxaa ciidankeeda lagu qiyaasaa hal milyan halka kuwa keydka ku jirana lagu qiyaaso ilaa 600,000.

Inta badan qalabkeeda waa duugoobay, laakiin ciidamadeeda caadiga ah waxay weli waxyeelo weyn u geysan karaan Kuuriyada Koonfureed haddii uu dagaal dhaco.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sidoo kale waxaa ku sugan ku dhawaad ​​tobanaan kun oo ciidamo gaar ah kuwaas oo la filayo in ay gudaha u soo galaan koonfurta hadii uu wax iska hor imaad ah dhaco .

.
white space

Khatar kale ayaa ka imanaysa kumanaan gantaalada Kuuriyada Waqooyi ah iyo gantaalada la soo dhoobay xadka, taas oo ka dhigaysa in Kuuriyada Koonfureed oo ay ku jirto caasimadda Seoul, ay masaafo ka yar 60km u jirta.

Sannadkii 2012, qiimayn ay samaysay dawladda Kuuriyada Koonfureed ayaa lagu qiyaasay in Kuuriyada Waqooyi ay haysato inta u dhaxaysa 2,500 iyo 5,000 oo tan oo hub kiimiko ah, taas oo suurtogal ah in uu yahay kaydka ugu weyn adduunka.

Waxa kale oo jiray walaac laga qabo in Kuuriyada Waqooyi ay yeelan karto barnaamij hub bayooloji ah, in kasta oo wax aad u yar laga og yahay arrintan iyo inta ay la egtahay horumarkeeduba.