Colaadda labada Kuuriya: Kim Yo-jong oo soo dirtay farriin lama filaan ah

North Korea's Kim Jong Un's sister Kim Yo Jong

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Kim Yo-jong waa gabadha saameynta weyn leh ee la dhalatay hoggaamiyaha Kuuriyad Waqooyi, Kim Jong-un

Gabadha saameynta badan leh ee la dhalatay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un, ayaa sheegtay in dalkeeda uu daneynayo inuu dib u furo wadahadalladii uu la lahaa Kuuriyada Koonfureed haddii waddankaas uu joojiyo "siyaasadda cadaawadda ah".

Kim Yo-jong ayaa ka jawaabeysay baaq la cusbooneysiiyay oo uga yimid dowladda Kuuriyada Koonfureed, taasoo dalbatay in si rasmi ah loogu dhawaaqo soo afjaridda Dagaalka Labada Kuuriya.

Isku dhaca waddamadan, oo labo loogu kala gooyay gacanka Kuuriya, ayaa istaagay sanadkii 1953-kii kaddib markii la galay xabad joojin ku meel gaar ah, balse laguma joojinin heshiis nabadeed.

Tan iyo xilligaas labada Kuuriya ayaa dhanka farsamo ahaanta ugu jiray dagaal, mararka qaarna waxaa meel xun gaarayay xiriirka u dhaxeeya.

Isbuucii lasoo dhaafay, madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Moon Jae-in, ayaa ku baaqay in labada Kuuriya iyo xulafadooda - oo kala ah Mareykanka oo taageera Koonfurta iyo Shiinaha oo taageera Waqooyiga - ay si rasmi ah ugu dhawaaqaan soo afjaridda dagaalka ayna sameeyaan heshiis nabadeed oo ka dhaca gacanka.

Fikraddan markii hore waxaa ku gacan seyray wasiir xubin sare ka ah dowladda Kuuriyada Waqooyi, kaasoo ku tilmaamay mid "gacan ku rimis ah".

Balse farriin lama filaan ah oo Jimcadii ay warbaahinta soo marisay Ms Kim ayay ku sheegtay in fikraddaas ay tahay "mid la jecleysan karo".

Kim Jong-un iyo walaashii Kim Yo-jong

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Kim Jong-un iyo walaashiis Kim Yo-jong

Hase yeeshee, waxa ay intaas ku dartay in dowladda Waqooyiga ay diyaar u tahay inay wadaxaajood ka gasho arrinta lasoo jeediyay kaliya haddii la fuliyo shuruud ay ku xireen Koonfurta oo ah haddii ay joojiyaan waxa ay ugu yeertay "siyaasadda cadaawadda ah" ee ku wajahan Waqooyiga.

"Waxa u baahan in la joojiyo waa hab dhaqanka laba dhinaclaha ah, dabeecadda xun iyo cadaawadda taagan ee ay marmarsiiyada uga dhigayaan ficillada ay iyagu sameeyeen halka annaga xuquuqdeennana ay ku tilmaamayaan isdifaacid," ayay ku tiri farriinteeda oo lagu shaaciyay bayaan.

"Markii shuruudahaas la fuliyo oo kaliya ayay suuragal noqon kartaa in si fool ka fool ah loo fariisto looguna dhawaaqo joojinta rasmiga ah ee dagaalka."

Presentational grey line
Analysis box by Laura Bicker, Seoul correspondent

Falanqeyn ay sameysay Laura Bicker, wariyaha BBC-da ee Caasimadda Kuuriyada Koonfureed, Seol

Waxaan xasuustaa maalintii Kim Jong-un iyo Moon Jae-in ay kulmeen markii ugu horreysay, waxaana sheegay in marka ay timaaddo xaalad ku saabsan xiriirka labada Kuuriya ay adkaan karto.

Faa'iidada ku jirta in la afjaro dagaalka gacanka Kuuriya ee socda 70-ka sano waxaa ku dhawaad 5 sano rajo ka qabay maamulka ka jira magaaladan Seol.

Balse madaxweyne Moon waqtiga ayaa kasii dhammaanaya. Qofka baddalaya waxaa la dooran doonaa bisha March ee sanadka dambe.

Siyaasad Khamaar ah ayuu ciyaaray markii uu la kulmay Kim Jong-un, uuna gacanta ka qabsaday markii ay isku arkeen goobta lagu magacaabo Mount Paektu. Lakaiin tan iyo xilligaas wixii ka dambeeyay, xiriirka labada Kuuriya wuu sii xumaanayay.

Kuuriyada Waqooyi waxay xitaa baabi'isay xafiis ujeeddada loo dhisay ay ahayd in lagu qabto wadaxaajoodyada u dhaxeeya labada dhinac. Waxay u muuqatay in rajadii laga qabay wadahadalka nabadeed oo dhan ay burburtay.

Balse hadda xaaladdu halkan ayay mareysaa, rajo yar oo kale ayaa soo bidhaameysa marka la eego qaabka ay farriinta u dhigtay Kim Yo-jong.

Hase illoobin in arrintan ay ku gadaaman yihiin su'aalo badan iyo marxalado isku qasan.

Marka, hadalkaas ma dhab ayuu ka yahay? Kim Yo-jong hadalladeeda uma dhahdo si sahlan. Balse sidoo kale wax walba waxay dib ugu soo celisay xukuumadda Seol, maadaama ay shuruud ku xirtay.

Marka dambe sheekadu waxay tagi kartaa in la dhaho: "Wadahadalladu waxay furmi doonaan haddii aad u dhaqantaan qaab muujinaya inaan qiimo leenahay."

Lamana oga goorta ay taasi dhici karto.

Presentational grey line

Kuuriyada Koonfureed waxay horaantii bishan tijaabisay markabkeedii ugu horreeyay ee ah nooca badda hoosteeda quusa, tallaabadaasoo ku aadday saacado yar ka dib markii ay Kuuriyada Waqooyi tijaabisay hubkeeda.

Kuuriyada Waqooyi waxay mar walba cambaareysaa dhoollatuska militari ee sida sannadlaha ah ay u sameeyaan Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka oo wadajir ah.

Qoraalka Muuqaalka, Pictures from South Korea's Ministry of National Defence show the launch

Xiriirka u dhaxeeya labada waddan ma uusan sii hagaageynin tan iyo markii ay xumaadeen wadahadalladii hub ka dhigista nuclear-ka ee sanadkii 2019-kii dhex maray Mr Kim iyo Madaxweynihii Mareykanka Donald Trump.

Mr Moon, oo isku dayay inuu u dhawaado Waqooyiga inta uu xilka madaxweynaha hayay, ayaa horay ugu dooday in soo afjaridda rasmiga ah ee dagaalka Kuuriya uu horseedi karo in Kuuriyada Waqooyi ay ka tanaasusho hubka nuclear-ka.

Kuuriyada Waqooyi ayaa dhankeeda shuruud ka dhigtay in marka hore laga dul qaado cunaqabateynta dhaqaale.

Balse Mareykanka ayaa marar badan ku celceliyay in Kuuriyada Waqooyi ay ku khasban tahay inay marka hore burburiso barnaamijkeeda nuclear-ka ka hor inta aan wax cunaqabateyn ah laga qaadin.