Waa qof noocee ah hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi, Kim Jong-un?

Kim Jong-un

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Kim Jong-un

Kim Jong-un wuxu qabtay xilka hogaamiyaha sare ee Kuuriyada Woqooyi isaga oo aan khibrad siyaasadeed iyo mid milateri toona lahayn.

Kim Jong-il, "Hogaamiyihii Qaliga ahaa" inankiisa ayuu u diyaarinyay inuu marka isagu dhinto hogaanka dalka la wareego, waxaanu dhintay bishii Diisember 2011.

Isla markii uu geeriyooday aabihii Kim waxaan lagu amaanay in uu yahay hoggaamiyihii aabihii ku xigi lahaa iyadoona loo magacaabay madaxa xibiga ee gobalka iyo ciidamada mudo labo todobaad gudahood ah geeridii aabihii kadib.

Wixii intaas ka dambeyay inkastoo ay wadahadalo taariikhi ah la yeesheen Mareykanka uuna sameyay horumarka dhana xiriirka kala dhaxeeya waqooyiga Kuuriya, haddana waxaa uu muujiyay sida ay uga go'antahay sii horumarinta barnaamijka hubka ee Kuuriyada Waqooyi isagoo amaraya tibaayooyinka Nukliyeerka iyo gentaalada

Sidoo kale waxaa uu muujiyay in uu yahay hogaamiye arxan daran kadib markii uu awooda ka marooqsaday adeerkii isla markaana uu dilay iyadoo amarkaasna uu ka yimid isaga iyo walalkii ay kala hooyada yihiin .

'Xidigga Waaberi'

Kim Jong-un,waa wiilka ugu yar Kim Jong-il ee xaaskiisii sedaxaad Ko Yong-hui, ay u dhashay waxaana uu dhashay qiyaastii sanadihii 1983-kii ama 1984-kii.

Si kastaba ha noqtee bishii May sanadkii 2011-kii Kim Jong-nam oo laga musaafuriyay dalka Japan isaga iyo walaalkii d Kim Jong,ayaa lagu soo waramay in ay sare u qaaday fursadihiisa.

Kim Jong-un oo yar mar uu Switzerland wax ka dhigan jiray

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Kim Jong-un oo yar mar uu Switzerland wax ka dhigan jiray

Dadka wax taxliiliya ayaa u arkayay in ninkaan uu yahay nin imaan soo shaac baxaya kadib markii la siyay abaalmarinno dhanka siyaasadda ah .

Dalka Switzerland ayuu wax ku so bartay sida walaalkii Kim Jong-un ayuna iska diiday in reergalbeedku saameyn ku yeeshaan, avoided Western influences, returning home when not in school and dining out with the North Korean ambassador.

Kadib markii uu ku laabtay Pyongyang,waxaa la ogaa Kim Il-sung in uu ku biiray jaamacadda Militariga .

Waxa la rumaysanyahay in hooyadii ahayd xaaskii uu ugu jeclaa aabihii Kim Jong-il, aadna way u amaani jirtay wiilkeeda woo waxay ugu yeedhi jirtay "Xidigga waaberi".

Bishii Ogost 2010 markii Kim Jong-il booqashada ku tagay Shiinaha, ayaa waxa la sheegayaa in Kim Jong-un uu aabihii socdaalkaa ku wehelinayey. Markaa waxa loo arkayey in uu yahay ninka dhaxli doona aabihii marka uu dhinto, sidiina way u dhacday.

Milatarigaa mudnaanta leh

Kim wuxu khudbadiisii ugu horaysay shacabka u jeediyey 100 guuradii ka soo wareegtay markii uu dhashay aasaasihii Kuuriyada Woqooi Kim Il-sung 15 Abriil 2012 waxaanu aad u ammaanay hal ku dheggii "milatarigaa mudnaanta leh" waxanu wacad ku maray in waagii dalkiisa loo soo hanjabi jiray "dhamaaday".

.

Xigashada Sawirka, KCNA

Qoraalka sawirka, .

Intii uu talada hayey ayaa horumarinta gantaalaha iyo nukliyeerka Kuuriyada Woqooyi sii socda waxaanad moodaa in uu tallaaboyin waaweyn qaaday. Afar goor ayaa nukliyeer la tijaabiyey taas oo ka dhigaysa wadarta tijaabooyinka dalku sameeyey lix goor.

Pyongyang waxay ku andacootay in tijaabo qumbuliyad haydarajiin ahi lagu guulaystay taas oo lagu rakibi karo kantaalaha ridada dheer, laakiin khubaradu way ku kala aragti duwanyihiin arintaas ah in uu horu mray barnaamijkaasi.

Kormeerka Kim Jong-un ee warshaduhu waa waxyaabaha ugu badan ee warbaahinta dawladdu tebiso

Xigashada Sawirka, KCNA

Qoraalka sawirka, Kormeerka Kim Jong-un ee warshaduhu waa waxyaabaha ugu badan ee warbaahinta dawladdu tebiso

Fogaanta ay gaadhi karaan gantaalaha Kuuriyada Woqooyi ayaa sidoo kale kordhray tan iyo 2017 markaas oo ay tijaabisay dhawr gantaal, waxaanay ku dooday in ay tijaabisay gantaalo ridada dheer oo ka qudba qaaradaha oo gaadhi kara Maraykanka. Waxay arintaasi sii murgisay xiisadii dhex taalay Maraykanka waxaana sii adkaaday cunoqabataynta Qaramada Midoobay saarayso .

Iyadoo ay sii kordhayso colaada dhex taal labada dhinac, ayaa Trump iyo Kim waxay is weydaarsanayeen erayo kulkulul.

Trump ayaa ku sheegay hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi "miidaamo gantaal ah" halka Kim na ku sheegay hogaamiyaha Maraykanka "nacas maan gaab Maraykan ah".

Hadana si lama filaan ah ayaa Kim wuxu caleemo qoyan ugu fidiyey Kuuriyada Koonfureed khudbadiisii sanadka cusub oo kuu yidhi "waxaan furaynaa wada xajood" waxaana suurto gal ah inaan bisha Feeberweri ee 2018 u dirno koox ka qayb gasha ciyaaraha olombiga ee xiliga qabooba ee ka dhacaya Kuuriyada Koonfureed.

Waxa bilawday dhaqdhaqaaq diblomaasiyadeed labada Kuuriya kooxahooda oo calan qudha wada qaatay xafladii furitaanka ciyaaraha. Kulan heer sare ah oo laba dhinac isugu imaadeen. Kim ayaa sidookale markii ugu horasay safarkiisii la shaaciyey e uu dibadda ugu baxo isagoo xilka haya ku tagay Beijin oo tareen u raacay, waana dalka ugu wayn ee ay xulufada yihiin Kuuriyada Woqooyi.

Kim Jong-un, Donald Trump iyo Moon Jae-in

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Kim Jong-un, Donald Trump iyo Moon Jae-in

Kim ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in uu doonaya inuu xidhiidhka uu la leeyahay Madaxweyne Trump hagaajiyo, Abriil 2018 ayaa labda hogaamiy kulan taariikhi ah oo fool ka fool ah ku yeesheen Singapore oo ujeedadiisu ahaynd in Kuuriyada Woqooyi nukliyeerkeeda ku baabiiso.

Kim ayaa hadan sheegay inuu hakiyey tijaabiyooyinkii gantaalaha oo dhan iyo inuu xidhi doono goobta nukliyeerka lagu tijaabiyo sababtuna tahay in dalkiisu "gaadhay ujeedadiisii nukliyeer samaysiga ahayd".

In kasta oo hakintaa caalamku soo dhaweeyey, hadana dadka arimaha dalkaa faaleeyaa waxay farta ku fiiqeen in Pyongyang aanay balan qaadin in ay hubka ay haysato baabiinayso sidoo kalena ay ballano hore oo ay qaaday ka baxdy oo ahaa joojinta samaynta nukliyeerka.

Sannadkii xigay ayaa labada hogaamiye iyo madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in ay ka qayb galeen kulan degdeg ahaa oo lagu sheegay niyad wanaag oo ay ku yeesheen aagga milagariga ka caagan ee labada Kuuriya kala qaybiya.

Sida kasta oo ay ahaataba. Xidhiidhka u dhexeeya Maraykanka iyo Kuuriyada Woqooyi wuu sii xumaaday wadahadalladii uu Trump la lahaana way joogsadeen markii maraykanku diiday in uu cunoqabataynta ka qaado ilaa inta Pyongyang si buuxda u tirtirayso nukliyeerkeeda.

Kim iyo afadiisa Ri saddex caruura ayey dhaleen

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Kim iyo afadiisa Ri saddex caruura ayey dhaleen

Hadana bishii Jeeniweri 2020 ayaa Kim shegay in uu laalayo hakintii nukliyeerka iyo gantaalaha ridada dheer waxaanu ku hanjabay in "dunidu arki doono hub cusub oo istaraatiji ah".

Gudaha marka la eego Kim si joogto ah ayuu u bedelayey wasiiradiisa gaashaan dhiga- lix wasiir ayaa xilkaa soo qabtay tan iyo 2011- arintaas oo dadka falanqeeya dalkaa qaarkood u arkaan in ay tahay mid muuninaysa kalsooni la'aanta haysa ee ah in aan ciidamada qalabka sidaa daacad u ahayn.

Arintii ugu weynayd ee muujinaysay in loolan dhex yaal hogaanka sare ee Kuuriyada Woqooyi waxay soo baxday Diisember 2013 markaas oo Kim Jong-un amar ku bixiyey in la khaarajiyo adeerkii Chang Song-thaek oo ay warbaahinta dawladdu sheegtay inuu af-gembi maleegayey.

Waxa sidoo kale la rumaysanyahay in Kim amar ku bixiyey in la dilo walaalkii Kim Jong-nam oo ay kala bah ahaayeen oo dalka masaafuris kaga maqnaa, waxaan Feeberweri 2017 lagu khaarajiyey garoonka caalamiga ah ee Kuala Lumpur.

Aad looma aqoon Kim intii ka horaysay markii muuqaal telefishanka laga baahiyey muujiyey haweenay aan la magac dhabin oo xaflado kala qayb galaysa. Bishii July 2012 ayaa warbaahinta dawladdu sheegtay in Kim guursaday "Jaalle Ri Sol-Ju".

Madaxweynaha walaashii Kim Yo-jong xil sare ayey ka haysaa xisbiga shaqaalaha Kuuriyada Woqooyi

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha walaashii Kim Yo-jong xil sare ayey ka haysaa xisbiga shaqaalaha Kuuriyada Woqooyi

Lama garanayn Ri laakiin muuqaalkeeda xarragada badan ayaa dadka arimahaa dalkaa falanqeeyaa ku sheegeen in ay ka dhalatay qoys dabaqada sare ah. warar kalena waxay tibaaxeen in ay suurto gal tahay in Ri tahay heesaa uu caashaqay Kim oo ka qayb galay badhig ay ka dhigaysay.

Sida ay sheegtay nabad sugidda Kuuriyada Koonfureed, qoysku waxay leeyihiin saddex caruur ah.

Kim walaashii Kim Yo-jong, waxay xil sare ka haysaa xisbiga shaqalaaha ee Kuuriya, waxaanay aad u soo shaac baxday markii ay ka qayb gashy furitaankii olombiga iyada oo walaakeed ka wakiil ah.

Lama oga in walaalkiisa ka weyn ee Kim Jong-chcol uu xil rasmiya hayo iyo in kale.