Waxa ay qaban jirtay haweeneydii ugu sarreysay Xamaas ee maanta la dilay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Jamila Cabdallah Taha al-Shanti waxa la sheegay qiyaas ahaan in ay dhalatay 1950-meeyadii, waxa ay ahayd xubin ka tirsan ururka Islaamiga ah ee Xamaas iyo xubin hore oo ka tirsaneyd golaha Sharci dejinta ee Falastiin.
Waxa ay ahayd haweeney wax barashada ka gaartay heer sare, waxaa lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday Gaza maanta, xilli lagu guda jiro ama weli uu socdo dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas oo galay maalintisii 12-aad
Jamila al-Shanti waxay xubin muhiim ah ka ahayd Xamaas waxayna ahayd aasaasihii ururka haweenka ee kooxda.
Waxay ahayd xaaskii uu ka dhintay mid ka mid ah aasaasayaashii Xamaas, oo lagu magacaabo, Cabdi Casiis Al-Rantissi, oo ay Israa'iil dishay bishii Abriil 2004-tii. Waxay si macallinnimo ah uga shaqeyneysay jaamacadda islaamiga ah ee Qasa.
Warbaahinta Falastiin ayaa ku waramaysa in la dilay Jamiila iyadoo weerarka lagu diilay uu ahaa duqeyn xagga cirka ah oo ay geystay Israa’iil.
Xafiiska siyaasadda ayaa ah hay'adda ugu weyn ee Xamaas, iyadoo go'aanka ugu dambeeya uu kasoo baxo, Jamiila ay ka mid ahayd xubnaha ugu waaweyn ee xafiiskaas.
Jamila al-Shanti, oo ah xaaskii uu ka dhintay aasaasihii ururka Xamaas, ayaa ururka haweenka ee Xamaas ka aas aastay isla Xamaas dhexdeeda, waxaanay noqotay haweenaydii ugu horreysay ee loo doorto xafiiska siyaasadda sannadka 2021-ka.

Xigashada Sawirka, Google
Warbaahinta Israa’iil ayaa dhankeeda sheegtay warka, iyadoo soo xiganaysa qoraal uu X oo loo yaqiinay Twitter kusoo qoray qof Falastiini ah oo u dhaqaaqa arrimaha Falastiin."Shahiidnimada saaxiibtey qaaliga ah, Jamila Al-Shanti, oo xubin ka ahayd xafiiska siyaasadda ee dhaqdhaqaaqa Xamaas ee Gaza... (Ilaahay ayaa na abuuray oo ina leh isaga ayaana u laaban doonnaa)" ayaa lagu yiri qoraalka. Majiraan warar faah faahsan oo ka soo baxaya dhacdada lagu dilay Jamiila hase yeeshee weerarka duqeynta ah ayaa lagu warramayaa inuu dhacay xilli barqonimo ah.
Intii lagu guda jiray doorashadeeda 2021-kii, Al-Shanti oo ka hadashay TV-ga Falastiin ee Al-Aqsa ayaa sheegtay in joogitaanka haweenka ee hoggaanka Xamaas ay caddayn doonto inay waxtar qiimo leh u yeelan doonto mustaqbalka dhaqdhaqaaqa.
"Dhaqdhaqaaqa haweenka Falastiin ahaan, horay si rasmi ah uguma aynaan jirin xafiiska siyaasadda Xamaas, laakiin waxaan ka qayb qaadannay ururka iyo go'aan gaarista muddadii hore," al-Shanti ayaa sidaasi ku tiri warbaahinta”.
Waxay kasoo muuqatay hoggaanka Xamaas sannadkii 2006-dii kadib markii loo doortay xubin ka tirsan Golaha Sharci-dejinta ee "Isbeddelka iyo Dib-u-habaynta", ee xiriirka la leh dhaqdhaqaaqa Xamaas.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Abdul Aziz Al-Rantisi ninkii ka dhintay Jamiila
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wuxuu ahaa dhakhtar Falastiini ah iyo siyaasi, waana mid ka mid ah aasaasayaashii dhaqdhaqaaqa Xamaas iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee ugu caansan.
Al-Rantisi waxa uu la wareegay hoggaanka ururka ka dib dilkii Sheekh Axmed Yaasiin, laakiin wax ka yar bil markii uu xilkaas qabtay ayay Israa’iil dishay iyada oo gantaal ku ridday baabuur uu saarnaa oo marayay Gaza.
Al-Rantisi waxa uu ku dhashay tuulada Yabna, oo hadda ku taalla gudaha Israa’iil, qoyskiisuna waxa ay magangelyo ka dhigteen marinka Qaza ka dib aasaaskii Israa’iil.
Al-Rantisi waxa uu dhiganayey dugsi xiriir la leh hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka iyo arrimaha qaxootiga Falastiin, waxa kale oo lagu khasbay in uu isaga oo yar shaqeeyo si uu uga qayb qaato taakulaynta qoyskiisa oo dhan, kuwaas oo soo maray duruufo adag.
Wuxuu soo qabtay jagooyin dhowr ah, sida xubinnimada maamulka Akadeemiyada Islaamka, Ururka Dhakhaatiirta Carabta ee Marinka Gaza, iyo Bisha Cas ee Falastiin. Waxa kale oo uu bare ka ahaa Jaamacadda Islaamiga ah ee Gaza tan iyo markii la furay ee 1978-dii.
Al-Rantisi ayaa la xiray dhowr jeer xilliyo kala duwan sababo la xiriira dhaqdhaqaaqyadiisa ka dhanka ah Israa’iil. Waxa uu afhayeen u ahaa dadkii loo tarxiilay Marj al-Zuhur 1992-dii. Waxa la xiray markii uu ka soo laabtay Marj al-Zuhur 1993-kii, halkaas oo uu ku xirnaa ilaa bartamihii 1997-dii.
Al-Rantisi waxa uu ka badbaaday isku day dil bishii June 2003 markaas oo diyaarad ay leedahay Israa’iil ay gantaal ku dhufatay gaari uu la socday oo marayay Marinka Qaza, balse waa uu dhaawacmay oo kaliya.
Wax ka yar bil ka dib markii uu qabtay hoggaanka Xamaas, Israa’iil ayaa dishay Abriil, 2004-tii, ka dib markii diyaarad helikobter ah oo Israa’iil ay gantaal ku dhufatay gaarigiisa.
















