Sawiro: Daawo Sawiro muujinaya sida ay duqeyntu u waxyeeleysay dadka iyo Isbitaalka Qasa

Reuters

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Nin dhaawac ah oo lagu sido sariiraha bukaanka kadib markii uu ku dhaawacmay duqeynta Qasa.

Dad ka badan shan boqol oo qof ayaa lagu dilay duqeyn loo geystay isbitaalka Al-Ahli ee Qasa ku yaal, halkaas oo ay horey ugu jireen boqolaal kusoo dhaawacmay duqeynta iyo dagaalka Israel iyo Xamaas.

Waa duqeytii ugu dhimashada badneyd sida uu dagaalka u dhexeeya Israel iyo Xamaas uu uga bilowday Qasa todobaddii Oktoobar.

Xamaas waxay ku eedeysay duqeynta Israel oo dhowrkii toddobaad ee lasoo dhaafay ku dishay dad Falastiiniyiin ah oo ka badan 1500 oo qof duqeymo ay ka geysatay Qasa.

Israel way ka fogeysay gantaalka ku dhacay Isbitaalka oo ay ku sheegtay inay soo rideen kooxda Islaamic Jihaad ee reer Falastiin.

Jahwareer iyo argagax baa ka taagan Isbitaalka halkaas oo ay shaqaalaha gargaarka deg deg ah ay isku dayayaan inay bukaanada gaarsiiyaan isbitaalo kale oo goobta ka dhow.

Reuters

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Sawir muujinaya dadka ka kacay Isbitaalka markiiuu gantaalku ku dhacay
Reuters

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Saddex gabdho ah oo lagu wado gaariga gurmadka deg dega ah qaraxa kadib
Reuters

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Dhaawacyada oo lagu daweynayo dhulka kadib duqeynta Isbitaalka
Reuters

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Qof dhaawac ah oo gargaarka helaya kadib duqeyntii Isbitaalka Al-Ahli
Getty Images

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Wiil yar oo Falastiini ah oo ku dhaawacay duqeynta Isbitaalka oo loo qaaday Isbitaal kale oo Shifa la yiraahdo
Getty Images

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Wasaaradda Caafimaadka ee Qasa waxay ku sheegtay tirada dadka ku dhintay duqeynta Isbitaalka in ka badan shan boqol oo qof.