Axmed Xuseen: Wasiirka Soomaliga ah ee Canada iyo fariinta uu uga hadlay Xamaas

Xigashada Sawirka, Canada gov
Dowladda Canada ayaa sii daysay Yabooh lacageed oo gaara 10 milyan oo dollar oo lagu caawinayo dadka rayidka ee ku waxyeeloobay colaada ka taagan Qasa.
Wasiirka Horumarinta Caalamiga ee Canada Ahmed Xuseen ayaa bogiisa X oo hore u ahaan jirtay Twitter ku soo daabacay in deeqdan Canada ugu talagashay in loo adeegsado cunto, biyo, gargaar caafimaad oo degdeg ah, adeegyada ilaalinta iyo gargaarka kale ee nafaha lagu badbaadinayo.
"Hal arrin ayaan rabnaa inaan cadeyno. M jiro gargaar Canada ka imaanaya oo la siinayo Xamaas", ayuu yiri Xuseen. "Sidoo kale waxaan ka walaacsan nahay xiisadda ka tagaan Qaza ee u dhaxaysa Israa'iil iyo Xamaas taas oo waxyeelo balaaran gaarsiiyey dadka rayidka ah"
Wuxuu sheegay in mudnaanta kowaad ay siinayaan badbaadinta dadka rayidka ah,isagoo ku adkaystay baaqooda ku aadan u hoggaansanaanta sharciga caalamiga ah ee bani'aadamnimada.
" Waxaan ku boorineynaa dhammaan dhinacyada in ay si firfircoon u fududeeyaan marinka in la furo si gargaar loo gaarsiiyo rayidka u baahan si lagama maarmaan ah"ayuu qoraalkiisa Xuseen.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Isaga oo sii adkeynayay baaqiisa ku aadan in si aan xadidaad lahayn loo furo wadooyinka gargaarka ayuu yiri wasiir Xuseen:
"waxaan, hoosta ka xariiqayna mas'uuliyadda wadajirka ah ee aan ku ilaalineyno mabaadi'da bani'aadamnimada iyo sharafkaba, iyo ilaalinta dhammaan ballan-qaadyada maalgelineed ee aan sameynay ee bilowga ah".
Dhanka kale waxay dawladda Canada u baroordiiqday dadka rayidka ee aan waxba galabsan ee colaada ku dhintay oo ay ku jiraan muwaadiniin Canadian ah iyo shaqaalaha gargaarka. "Waxaan ku baaqayna in aan la xadidin marinka" ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Dawladda ayaa mawqifkeeda ku sheegtay inay labada dhinacba ixtiraan xeerarka caalimga ah ee ka yaalla xaqdhawrista dad biri-magadeydada ah xilliyada ay jiraan dagaaladu.
"waxaan ku celinayaa mar kale mowqifka Canada kaas oo an markasta ku taganahay colaad kasta, anagoo dhinacyada ku boorinayna inay ixtiraamaan sharciga caalamiga ah ee bini'aadantinimad" ayuu yiri Wasiir Ahmed Xuseen.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wadamada Reer Galbeedka Iyo Carabta waxay ka dhaheen Gargaarka
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Inta badan wadamada Reer galbeed ayaa joojiyey gargaarkii ay siin jireen dadka reer Falastiin,waxaana Midowga Yurub oo ahaa deeq bixiyaha ugu weynaa ee Falastiin uu ku dhawaaqay inuu hakiyey deeq lacageed oo dhan 691 milyan oo euro, sababo la xirira dagaalka Xamaas ku qaaday Israa'iiil,sidoo kale dalalka Denmark iyo Sweden ayaa sidaas oo kale hakiyey gargaarki ay siin jireen Falastiin.
Waxaa jira kala aragti duwanaasho ka jirta sida wadamada dalalka Midowga Yurub ku jiraa u wajahaan gargaar looo diro Falastiin,Ra'iisul wasaare ku xigeenka Spain Yolanda Diaz ayaa Jimcaha maanta ugu baaqay beesha caalamka inay cadaadis saaraan Israel si ay uga fogaato "xasuuq" Gaza.
Jordan oo ah dal deris la ah Falastin iyo Israa'iil ayaa ku dhawaaqay gargaar dawo iyo cuno inuu u dirayo Qasa laakiin halka marin ayaa xiran iyadoo Israa'iil sheegtay inaan la furi karin marinkaasi.
Turkey ayaa sheegay inay diyaarinayaan gargaar ay u dirayan Falastiin sida uu sheegay Madaxweynaha Turkeyga Tayyip Erdogan.
Tiro ka badan 338,000 oo qof ayaa ka barakacay colaada Qasa tan bilowgii iyadoo hayadaha Qaramada Midoobay ka dayriyaan xaalada nololeed ee Rayidka go'doonsan.
Rayidka Qasa ayaa la ildaran dhibaato bini'aadantinimo, Cisbitaalada ayaa la ciirciiraya dhaawacyo badan, waxaana guud ahaan go’doomintaasi ay ka dhigan tahay koronto la’aan, isbitaallada oo dawo la’aan, sahaydii raashinka oo gabaabsi ah iyo nidaamkii biyaha oo burbur soo gaaray.
Dakhliga guud ee maamulka falastiiniyiinta ayaa ah kan mid ka yimaada dibadda balse wuxuu hoos u dhacay 84.9% sanadka 2020, sida lagu sheegay xogta ay soo saartay Wasaaradda Maaliyadda Falastiin.
Sacuudiga oo ah kan ugu badan ee bixin jiray kaalmada lacageed ee Falastiin ayaa hoos u dhigay 81.4% sanadkii 2009-ki













