Sida ilmo yar oo hooyadii ku tuurtay godka suuliga loo soo bixiyay

Ilmo yar

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ciidanka dab damiska jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa saaka howlgal ay fuliyeen waxa ay suuli kagasoo saareen ilmo yar oo la sheegay in hooyadii dhashay ay tuurtay.

Xaafadda Cabeeye ee magaalada Hargeysa oo ah halka ay dhacdadu ka dhacday ayaa waxaa inta badan ku nool dad aan soomaali ahayn oo kasoo safray dalal kale.

Ciidanka Dab demiska Hargeysa oo helay wicitaanka deg dega ah ayaa durba gaaray guriga lagasoo tebiyay dhacdada iyagoo ay u suura gashay in soo saaraan ilmaha yar balse nasiib darro xilligaasi ilmuhu muusan nooleyn maadama uu saacado suuliga ku jiray.

Mid kamida shaqaalaha ka hawlgala xafiiska warbaahinta oo sharraxaya sida ay wax u dheceen ayaa yiri, “Waxaanu warka ka helnay waxaa lala soo xiriiray lambarka gurmadka degdega ah ee 990 oo ay la soo xiriireen dadka deriska la’ah guriga ay wax ka dheceen, intaa kadiba ciidamada Dabdemisku waxay si degdeg ah ku tageen goobta, isla markaana ay bilaabeen hawlgalka”.

Ciidanka dab damistaCiidanka dab damista

Xigashada Sawirka, Ciidanka dab damista

Qoraalka sawirka, Ciidanka dab damista

Dhanka kale hooyada falkan geystay ee dhashay ilmaha yar ayaa la sheegayaa in ay kasoo jeeddo qowmiyadda Oromada oo in badan oo kamida ay ku noolyihiin Somaliland, ma jiro faahfaahin ay ciidmadu ka bixiyeen sababta ku kalliftay hooyadan ficilka ay sameysay balse ciidanka dab damiska ayaa nala wadagaay in hooyada haatan ay ku jirto gacanta booliska isla markaana uu baaritaan ku socdo.

Xafiiska warbaahinta oo ka hadlaya ayaa yiri, “Hooyada falka geysatay waxa ay ka soo jeedday Qawmiyada Oromada ee waddanka Itoobiya, waxaana ay kamid ahayd dadka oromada ah eek u ool Somaliland, sababta ay falka u geysatay annagu hadda si cad uma sheegi karno balse waxaa arrinta baaraya oo gacanta ku haya laamaha amniga iyo ciidamada booliska”.

Sidoo kale ciidanka dab damiska ayaa la arkayay iyaga oo gudaha u galay god hoose oo ay qodeen si ay ilmaha ugasoo saaran. Waxay sheegeen in dhawr saacadood uu ilmuhu ku jiray godka suuliga inta aan la ogaysiin k ahor.

“ Ciidanka Dab demisku isagoo adeegsanaya xirfadihiisa iyo Qalabka Samatabixinta iyo badbaadada wuxuu ilmahaa yar ka soo saaray Musqusha, balse xilliga ciidanka lasoo wacay ee ay guriga gaareen waxa ay ahayd 8:30 halka xilliga ilmaha meesha lagu ridayna uu ahaa 4 ta subaxnimo sidaasina ilmuhu uu ku dhintay maadaama uu afar saacadood ku jiray”.

Caruurta musqulaha lagu rido ma ahan mid ku cusub Hargeysa. Dabdamiska ayaa sheegay in badan ay soo noqnoqotay oo ciidamada Dabdemisku la kulmeen iyadoo ciidamadu caruuro musqulo lagu riday iyagoo nool ka soo saaray xiliyo hore.

Abwaan Siciid Ibraahin Dool

Xigashada Sawirka, Google

Qoraalka sawirka, Abwaan Siciid Ibraahin Dool

Abwaan Hargeysa degan oo ka maansooday ilmaha suuliyaasha lagu rido

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Toddobaadkii hore BBC-da ayaa wareysi la yeelatay Abwaan Siciid Ibraahin Dool oo kunool magaalada Hargeysa isla markaana maanso dhinacyo badan taabaneysa ka sameeyay dhallaanka la tuuro marka uu dhasho iyo saameynta ka dhalan karta.

Abwaan Dool, ayaa maansadiisa ku cabbiray sida danbiga ilmahaas laga galay aanu gaar ugu ahayn hooyooyinka dhalay, balse ay ragga ka dhalay ay dhagartaas eeddeeda, danbigeeda, iyo foolxumadeeda qaybtooda leeyihiin.

Erayada maansada ayaa waxaa kamida,

Fidmo dhidibka goysaa filanwaaga dhalisoo

Dhakafaarka aadmihu waxa uu la dhaygagay

Dhacdo yaab abuurtoo dhugta aad maqashay waa qarax

Haddii aan u dhaadhaco dhambaallada hawraartiyo waxa dhaliyay maansadan

Dhugashada aqoontiyo indheer garadka dhiidhidhiya jiriirico dhameysiyo hoor baa kasoo dhci

Dhagar caashaq keeniyo dhag xumadu u sabab tahay

Waana sabi dhallaanoo dhibanoo insaanoo

Dhashii hooyo dihatiyo mad la dhumuqday aabe ah

Dheddigiyo lab kulantiyo xinjirtii dhexdoodiyo dheecaankii jirkooda ah

Dheef addoon la siiyana dhuddii ugu sarreysay ah

Dhaqan horumarkiisa ah

Bulsho dhaayaheeda ah

Dhaadashana makhluuqa ah

Iyagoo maansada abwaanku ay aad u dheexrtahay, haddana waxa uu ka fallooday dhacdo murugo leh oo uu kaga hadlayay xilli aroor ah oo uu shaqo usii socday in wadada uu kula kulmay ilmo yar oo lasoo tuuray. waxa uu maqlayay in habaar lagu ekeeyay hooyadi dhashay ee soo tuurtay isagoo maansadiisa ku cabbiray in aabbuhuba uu leeyahay eed weyn oo la xiriirta ilmaha la dayacay.