Maraykanka iyo wadamo kale oo ka digaya weeraro argagixiso oo ay qaado al Shabaab

Photo by LUIS TATO/AFP via Getty Image

Xigashada Sawirka, Photo by LUIS TATO/AFP via Getty Image

Dowladda Kenya ayaa soo saartay diginin uu heerkoodu sarreeyo oo la xiriirta weeraro ay maagan tahay kooxda Al-Shabaab inay ka fuliso dalkaas. Digniinta ayaa timid maalin kadib markii kooxdu ay taageertay weerarka Xamaas ay ku qaaday Israel oo socda muddo toddobaad ku dhow.

Weerarkii Xamaas oo dhowr weji ka koobnaa ayay hal mar ka wada qaadeen dhulka, cirka iyo badda, waana kii ugu waxyeelada weynaa ee abid soo gaara Israel. Kooxda oo adeegsaneysa farsamo, qalab iyo hub aysan horey u isticmaalin ayaa qabsaday taanyo, saldhigyo iyo askar Israel ah, iyaga oo sidoo kale afduubtay dad rayid ah.

Waxay sidoo kale ku rideen Israel gantaaladii ugu badnaa abid oo ka badan ilaa shan kun oo gantaal, kuwaas oo loogu magacdaray Injineer ee ay Israel dishay oo Xamaas u sameyn jiray diyaaradaha aan duuliyaha laheyn iyo hubka oo u dhashay Tuniisiya.

Dad ka badan kun iyo saddex boqol oo Israel u dhashay ayaa ku dhintay weerarka Xamaas ee socda toddobaadka, halka kun iyo shan boqol oo kale oo Falastiiniyiin ah lagu dilay duqeymaha ay Israel ka wada marinka Qasa, oo ah magaaalo go’doonsan oo ay ku nool yihiin dad ka badan labo milyan oo qof oo Falastiiniyiin ah. Magaaladaas ayaa go’doonsan muddo ka badan lix iyo toban sano.

Warbixino cusub

Digniinta Weerarka Al-Shabaab ee gudaha Kenya

AFP

Xigashada Sawirka, AFP

Dhanka kale safaarada dawladda maraykanka ee Kenyaa ayaa soo saartay digniin la xariirta weeraradaan.

Goobaha ay dagan yihiin muwaadiniinta iyo dalxiisayaasha u dhashay Maraykanka ayay sheegeen inay noqon karaan bartilmaameed . Sidoo kale meelaha saxmadda badan ee ay isugu yimaadaan dadka ajaanibta ah ayaa kamid ah meelaha si guud ay wax uga dhici karaan ee lagu soo daray digniinta safaaradda Maraykanka.

Waxay kula taliyeen muwaadiniintooda inay taxadaraan, kana fogaadaan goobaha saxmade leh ee la isugu yimaado.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Kooxda al-Shabaab ayaa arbadii bogaadisay weerarka Xamaas ay ku qaaday Israel, iyaga oo sheegay inay barbar taagan yihiin Falastiin. Horey waxaa weerarkaas u bogaadiyay kooxaha Al-Qaeda ku xiran ee ka howlaga Yaman iyo Siiriya. Laakiin dalal badan oo ay ka mid yihiin kuwa Muslimiinta iyo kuwa kale ayaan u arkin Xamaas inay tahay urur argagixiso oo la mid ah Al-Qaeda iyo Shabaab. Xitaa BBC ayaa diiday inay ugu yeerto Xamaas argagixiso, iyada oo kala kulantay dhaleeceyn weyn.

Ciidamada kahortaga weerarada Argagixisada ee Kenya ayaa hadda ka digaya weerar taageerada Xamaas ah oo ay Shabaab ka fuliso Kenya. Warka kasoo baxay booliska Kenya waxaa lagu sheegay in colaada ka aloosan Israel iyo Falastiin inay saameysay meelo ka baxsan halkaas, islamarkaas na ay abuureyso halis amni oo heer calami ah. Al-Shabaab iyadu kama hadlin weerar u qorsheysan oo ay Kenya ama meel kale ku qaado, laakiin sida caadiga ah, Al-Shabaab horey uma sheegto weerarada iyo waxyaabaha u qorsheysan. Halkan ka akhri Tirada dagaalyahanadda Al-Shabaab iyo awoodooda ciidan

Warbixino cusub oo la xiriira Xamaas iyo Israel

Dowladda Kenya ayaa horey usoo saartay war saxaafadeed si adag u cambaareeyay weerarka Xamaas ay ku qaaday Israel, iyada oo si xoogan isu barbar istaagtay Israel, iyo weerarka ay sheegtay in uu yahay mid argagixiso oo lagu qaaday dad rayid ah. Waxay Kenya ka mid tahay dalalka Afrika ee xiriirka weyn ee wanaagsan mudada dheer la leh Israel. Madaxweynaha Kenya William Ruto oo dhawaan booqasho ku tagay Israel ayaa isna si weyn isu barbar taagay Israel.

War kasoo baxay Booliska Kenya oo lagu faafay baraha bulshada iyo warbaahinta gudaha laguma sheegin goobo cayiman oo la ogaaday inay koooxda Al-Shabaab ay bartilmaameydsaneyso, laakiin waxay horey kooxdan u fulisay weeraro dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Gaarisa, Nayroobi iyo meelo kale. Mid ka mid ah weeraradii ugu waxyeelada weynaa waxay Al-Shabaab ku qaaday suuqa laga adeegto ee bartamaha Nayroobi ee Westgate toban sano kahor. Halkan ka akhri Geesigii shacabka ka badbaadiyay Westgate toban sano ka hor xilligaan oo kale

Dowlada Kenya waxay ugu baaqday dadkeeda inay muujiyaan feejignaan weyn iyo taxadar, iyo inay booliska ku wargeliyaan wixii ay arkaan oo shaki leh. Kenya waxay ka mid tahay dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika. Shabaab ayaa horey dhowr jeer u weeraray saldhigyo ciidan oo ay Kenya ku leedahay gudaha Soomaliya.