Sidee ayay Xamaas weerarka gaadmada ah "ugu khiyaantay" Israa'iil?

Sidee ayay Xamaas weerarka gaadmada ah "ugu khiyaantay" Israa'iil?

Israa'iil

Xigashada Sawirka, Reuters

Olole khiyaano ah oo si taxadar leh loo soo abaabulay ayaa lagu guuleystay in Israa'iil lagu gaado, kaddib markii kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ay weerar culus ku qaadeen gudaha dalkaas.

Tan waxay sababtay in ciidan adeegsanaya baldoosarro, mootooyin iyo baarashuut ay ku dhiirradaan ciidamada ugu awoodda badan Bariga Dhexe.

Weerarkii Sabtidii, oo ahaa kii ugu ba'naa ee lagu tijaabiyo difaaca Israa'iil tan iyo dagaalkii Carabta sanadkii 1973, ayaa waxaa ka horreeyay labo sano oo ay Xamaas is gaabineysay oo ay qarineysay qorshooyinka milatarigeeda iyadoo Israa'iil ku qancineysa inaysan dagaal diyaar u ahayn.

Iyadoo Israa'iil laga dhaadhiciyay in kooxda Xamaas ay iska sii jeedineyso maaddaama ay taageero dhaqaale siineyso shaqaalaha Gaza, ayaa dagaal-yahannada kooxda lasii tababarayay loona sameynayay dhoollatusyo, sida il laga soo xigtay Xamaas ay u sheegeen wakaaladda wararka Reuters.

Ishan lasoo xigtay ayaa faahfaahin badan ka bixisay weerarka iyo sidii loo qorsheeyay, taasoo ay wakaaladdu isu soo ururisay.

Sidoo kale saddex il wareed dhanka Israa'iil ah oo iyagana codsaday inaan la magacaabin ayaa sidoo kale arrintan ka hadlay,

"Xamaas ayaa Israa'iil u muujisay inaysan dagaal diyaar u ahayn," ayaa laga soo xigtay il wareedka Xamaas.

"Xamaas ayaa adeegsatay taatiko sirdoon oo aan lasii ogeyn si Israa'iil loogu marin habaabiyo bilihii lasoo dhaafay, iyadoo dadkana u muujineysay inaysan diyaar u ahayn in Israa'iil ay dagaal la gasho xilli ay isu diyaarineysay weerar ballaaran," ayaa la yiri.

Israa'iil ayaa qiratay in lagu gaaday weerarka lagu soo aaddiyay dabaaldegga Yahuudda ee Sabbath oo ah mid diimeed.

Dagaalyahannada Xamaas ayaa gudaha u galay magaalooyin Israa'iil ku yaalla iyagoo dilay ilaa 700 Israa'iiliyiin ah isla markaana qafaashay dad.

Israa'iil ayaa dhankeeda dishay in ka badan 400 oo Falstiiniyiin ah iyadoo ka aargudaneysa weerarka kooxda.

"Tani waa 9/11-keenna," ayuu yiri Major Nir Dinar, afhayeenka Ciidamada Difaaca Israa'iil . "Way na gaadeen."

"Way na kediyeen si degdeg ah ayayna meel walba nooga yimaadeen - labada dhanba cirka, dhulka iyo badda."

Halka & dadka qorsheeyey weerarka xamaas ee Israa'iil
Dagaalyahannada Xamaas oojabsaday darbiga xuduudda

Xigashada Sawirka, SAID KHATIB/AFP

Qoraalka sawirka, Dagaalyahannada Xamaas oo jabsaday darbiga xuduudda
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ayadoo uu meel adag marayo dagaalka uu ururka Xamaas ku qaaday Israa’iil ayaa waxaa soo baxaya in Iiraan ay ka caawisay ururkaas weerarakaas aan la sii fileyn.

Abaabulka ayaa sida la sheegayo socday muddo sanooyin ah, waxaana lagu ansaxiyey kulan ka dhacay magaalada Beyruut ee dalka Lubnaan todobaadkii hore kaasoo ay ka qayb galeen xubno ka tirsan Xamaas iyo Xisbullah, sida uu qorayo wargayska the Wall Street Journal.

Xafiiska ilaalada kacaanka ee Iran (IRGC) oo ah milateriga ugu awoodda badan dalkaas ayaa tan iyo bishii Agoosto kala shaqaynayey Xamaas sidii loo qaabayn lahaa dagaal qaabab kala duwan leh oo israa’iil looga soo qaado dhulka, cirka iyo badda.

Weerarka Israa’iil waxaa looga hadlay dhowr kulan oo ka dhacay Beyruut oo ay ka qayb galeen saraakiil ka socotay IRGC, iyo wakiillo ka socday afar urur ‘argagixiso’ oo ay taageerto Iran oo ay ku jiraan Xamaas iyo Xisbullah.

Xamaas waxay gacanta ku haysaa marinka Qasa, halka Xisbullah ay tahay koox siyaasadeed oo hubaysan oo shiica ah.

Taageerayaasha xukuumadda Iran oo isugu soo baxay Tehran

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Taageerayaasha xukuumadda Iran oo isugu soo baxay Tehran

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Hussein Amir-Abdullah ayaa ka qayb galay labadii kulan ee u dambeeyey sida uu wargeyska the Wall street Journal qoray in laga soo xigtay xubno ka tirsan Xamaasa iyo Xisbullah.

Weerarka Israa’iil ayaa la qorsheeyey in la qaado ayadoo dalku u muuqdo in uu aad ugu sii jeedo is qabqabsiga siyaasadeed ee ka dhex jira xukuumadda ra’iisul wasaare Benjamoin Netanyahu. Waxaa kalo weerarka looga gol-lahaa “in Khalkhal lagu geliyo wadahadallada uu Maraykanku garwadeenka ka yahay ee lagu caadiyeynayo xiriirka Sacuudiga iyoIsraa’iil, kaasoo ay Iran khatar u aragto sida ay sheegeyso warbixinta.

Qorshaha balaaran ee Iran wuxuu ahaa in la abuuro dhowr furin oo israa’iil laga soo weeraro, ayadoo ay Xisbullah iyo jabhadda xoraynta Falastiin ka soo qaadayaan waqooyiga, halka Islamic Jihad iyo Xamaasna ay ka soo qaadayaan Qasa iyo daanta galbeed.

Qasa oo la duqeeyey

Xigashada Sawirka, MOHAMMED SALEM/REUTERS

Qoraalka sawirka, Qasa oo la duqeeyey

Wargeysku wuxu kaloo qoray inIran ay meel iska dhigtay xiisadihii kale ee gobolka oo ay kujirto tan u dhaxaysa ayaga iyo Sacuudiga iyo Yemen, oo ay diiradda saartay inay isticmaasho IRGC ilaheeda ku wajahan dhaqaale ku bixinta iyo hubaynta ‘kooxaha argagixisada’ ee Xamaas iyo kooxaha kale si ay u weeraraan Israa’iil.

Laakinse markii wax laga weydiiyey Mahmoud Mirdawi oo ah sarkaal xamaas ka tirsan kulamada Iran lala yeeshay ee ka dhacay Beirut, wuxuu sheegay in ay ahaayeen “go’aannada Falastiiniyiinta iyo Xamaas”.

Afhayeen u hadlay ergada Iran ee Qaramada Midoobay wuxuu sheegay in dalkiisa uu uu taageersan yahay ficillada Xamaas, wuxuuse sheegay in Iran aysan amrin.

“Go’aannada ay sameeyeen kooxaha wax iska caabinta ayaa ah kuwo madax banaan oo la jaanqaadaya danaha sharciyadeed ee shacabka Falastiiniyiinta” ayuu wargeyska the Wall Street Journal ka soo xigtay afhayeen codsaday in magaciisa la qariyo, wuxuuna intaa raaciyey “kuma lug lihin jawaabta Falastiiniyiinta bacdamaa ay falastiin ayada uun qaadatay”.

Baldoosar jabinaya gidaarka xudduudda

Xigashada Sawirka, ASHRAF AMRA/ANADOLU AGENCY VIA GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Baldoosar jabinaya gidaarka xudduudda

Madaxweynaha Iran Ibrahim Raisi ayaa aisna muujiyey taageerada uu hayo weerarkak Xamaas, isagoo sheegay in loo baahan yahay in Israa’iil ay qaaddo mas’uuliyadda ah in ay gobolka khatar galisay.

BBC oo iyadana wax ka weydiisay afhayeenka Xamaas, Ghazi Hamad bal inuu sheego inta ay le’eg tahay taageerada xamaas ay Iran ka heshay si ay weerarkan u qaaddo ayaa ku jawaabay “waxaan ku faraxsanahay inay jiraan dalal badan oo na caawinaya. Iran way na caawisaa, dalal kalena way na caawiyaan, ha noqoto lacag, hub ama taageero siyaasadeed”.

Isaraa’iil waxay iminka kula dagaallamaysaa Xamaas todoba furimood oo dhulkeeda ah, waxayna u yeertay in ay hawlgalaan 100, 000 oo askari oo ah ciidanka kaydka ah.

Xamaas ayaa weerar cirka, dhulka iy badda ah ku qaadday Israa’iil arooryadii sabtida, kaasoo la yaab ku noqday dunida sida xeeladaysan ee loo soo qorsheeyey. Weerarkaas oo dad badan ay ku qafaasheen ayaa wararkii ugu dambeeyey waxay sheegayaan in tirada dhimashada ee labada dhinac ay marayso 1,100 qof.