Xaaladda oo sii adkaatay iyo Israa’iil oo banneysay magaalooyin ku dhow Gaza

Israa'iil

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in 24-ka saac ee soo socda ay dhammaan dadkooda ka daad gureeyeen magaalooyinka u dhow xadka Gaza, iyadoo uu sii xoogeysanayo dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil, Daniel Hagari ayaa yiri, “Howsha u taalla ciidamada 24-ka sax ee soo socda waa inay ka saran dhammaanba dadka deggan agagaarka Gaza,”isagoo carrabka ku adkeeyay in dagaalka uu sii soconayo si “loo badbaadiyo dadka la heysto” ee ay qabsadeen kooxda Falastiiniyiinta.

Ciidamada Israa’iil ayaa dagaal kula jira dagaal-yahannada Falastiiniyiinta ee dhulkooda galay waxayna bambaanooyin ku garaacayaan Marinka Gaza.

Ciidamada garabka milatariga ee Xamaas, ee Al-Qassam Brigades ayaa sheegay inay muddo saacado gudahood ah ku dhawaaqi doonaan "tirada dadka laga heysto Israa’iil,".

Israa’iil, ayaa dhankeeda in ka badan 3,000 oo gantaal ah ku gantay Marinka Gaza, waxaana ka dhashay dhimashada ilaa 200 oo qof iyo dhaawaca in ka badan kun qof dhanka Israa’iil.

Dhanka kale, wasaaradda caafimaadka Israa’iil ayaa sheegtay in tirade dadka ay waxyelladu gaartay ilaa iyo shalay ay tahay 2,048, oo ay ku jiraan 330 qof oo dhaawacoodu daran yahay, halka warbaahinta Israa’iil ay tebinayaan in tirada dhimashada ay gaartay 500 oo qof.

Ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaaqay inay madaafiic ku garaaceen deegaannada koofurta Lubnaan iyagoo ka jawaabaya rasaas dhankaas uga timid, sida laga soo xigtay war rasmi ah oo saakay kasoo baxay ciidamada Israa’iil.

Warka ayaa intaas ku daray in"Madfac Israa’iil ka yimid u uku dhacay deegaanka ay rasaastu ka timid ee ku yaalla Lubnaan," iyadoo aan la faahfaahin waxa uu weerarku yahay.

Raadiyaha ciidamada Israa’iil ayaa isna hore u xaqiijiyay in madaafiic laga soo ganay dhanka Lubnaan laguna beegsaday waqooyiga Israa’iil.

Dagaalka haatan waa mid qaraar

Israa'iil

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Tobnaankii sano ee lasoo dhaafay, waxaa jiray xiisado, weerarro iyo dagaal u dhaxeeyay Israa'iil iyo Xamaas, balse markan iska hor imaadyadu waa ka duwna yihiin kana khatar badan yihiin sidii hore.

Tiro badan oo dad ah ayaa laga qabsaday Israa'iil, sidoo kalena khasaare ba'an ayaa gaaray, iyadoo dhanka kalena ay Israa'iil weerarro kale kaga jawaabtay.

Raysal wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa waxaa cadaadis uu uga imaanayaa garabkiisa midig ee dowladda isbahaysiga ah si uu u sameeyo wixii ninkii kaga horreeyay uu ka fogaaday, taasoo ah inuu weerar dhulka ah ku qaado Marinka Gaza, waxaa intaa dheer, in dib loo qabsado gacan ku heynta dhulalka ay ciidamada Israa'iil wareejiyeen bishii August 2005.

Xamaas ayaa sidoo kale u muuqata mid dagaal diyaar u ah, weerarradeeda aan gabbashada lahayn ayaana waxaa taageersan Falastiiniyiinta ka daalay xayiraadaha Israa'iil isla markaana diiddan Maamulka Falastiiniyiinta.

Xiisaddan ayaa sidoo kale kusoo aadeysan xilli Israa'iil iyo Mareykanku ay Sacuudi Carabiya kala xaajoonayaan hagaajinta xiriirkooda.

Dhanka Xamaas iyadu, waxay cid walba xusuusineysaa inay weli yihiin ciidamo jira oo awood leh, isla markaana ay jiraan arrimo badan oo u baahan in la xalliyo.

Falanqeyn: Muxuu weerarkan uga dhigan yahay Israa’iil?

Israa'iil

Xigashada Sawirka, Reuters

Tani waxay u muuqataa inuu yahay guuldarradii sirdoon ee ugu weyneyd tan iyo dagaalkii 1973. Xilliga uu kusoo beegmay, waa qiyaastii 50 sano kaddib, Israa’iil ayaana lumineysa gacan ku heynta magaalooyinka.

Muuqaallada kasoo baxaya Sderot iyo deegaanno kale oo ku hareereysan Marinka Gaza, halkaasoo kooxaha Falastiiniyiintu ay gaaf wareegayaan waddooyinka, iyagoo afduubanaya oo dilayana rayidka, ayaa amakaag ku noqday Israa’iil.

Tan, dabcan, waa wax ay ugu talogaleen, gaar ahaan kaddib markii Xamaas ay taatikooyin badan hore u tijaabiyeen, sida is qarxin iyo inay godad dhaadheer oo tagaya Israa’iil dhulka hoostiisa ka qodaan.

Balse kooxahan fadhigoodu yahay Gaza weli wax sidna u dhow iskuma dayin, marka la eego awooddoodana, tan waa wax yaab leh isla markaana argagax leh sidoo kale, ficil dagaal oo ku lug leh adeegsiga boqollaal gantaal.

Rayidka ku sugan Gaza ayay tahay inay u diyaar garoobaan jawaab celinta ka imaaneysa Israa’iil iyo duqeymahooda cirka.

Dadka Gaza way ogyihiin waxa soo socda, sababtoo ah dhowr jeer ayay hore u arkeen. Balse qaar ku sugan Israa’iil ayaa sheegaya inay tahay xilligii la cirribtiri lahaa Xamaas gebi ahaanba, qof walbana waa ogyahay in maalmaha soo socda iyo toddobaadyada soo socda ay xaaladdu aad u adkaan doonto.