Sida uu Israa'iil jabka ugu gaaray weerarkii ugu weynaa ee Xamaas

Xigashada Sawirka, AFP
Maalintii sabtida dunida oo dhan waxa ay ku waabariisatay kumanaan gantallo ah oo lagu garaacay Israa’iil, waxana u ahaa weerar Israa’iiliyiinta kaga yimid cir dhul iyo bad.
Ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta ayaa weerarkoodii ugu weynaa ku qaaday Israa’iil, iyagoo ku garaacay gantaallo, sameeyayna afduub. Ra'iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israa'iil ay gashay "xaalad dagaal ". Xamaas, oo ka talisa Gaza, waxay bixin doontaa "qiimo aan horay loo arag," ayuu raaciyay.
Israa’iil ayey la yaab ku noqotay howlgalkan qorsheysan ee ay Xamaas Fuliyeen, waxa uu ahaa mid aan horay loo filanin.
Tirada ciidamada iyo saraakiisha laga dilay iyo kuwa laga qabtay
Xamaas ayaa jebisay siligga kala qaybiya Qaza iyo Israa’iil, waxana ay gudaha u galeen dhulkii ay haysteen Israa’iil, waana weerarkii ugu cuslaa ee ka dhaca xuduudda Israel ay la kulanto in ka badan qarni.
Muuqaallada iyo sawirrada Israa’iiliyiin dhintay oo isugu jira askar iyo rayid yaa lagu baahiyay baraha bulshada. Duqeymaha sida roobka loogu ekeeyay Israa’iil waxa ay kaga jawaabtay duqeymo kale oo cirka ah isla markaana ay ka fulisay Qasa.
“Tiro badan” oo ah rayid Israa’iiliyiin ah iyo askar ayaa la haystayaal ahaan waxaa u qafaashay kooxda falastiiniyiinta ee Xamaas ee weerarka ku qaadday Israa’iil sida uu sheegay milateriga Israa’iil.
Warbaahinta ayaa ku warrameysa in dad gaaraya boqol ilaa boqol iyo konton ruux oo isugu jira shacab iyo askar ay haystaan Xamaas.

Xigashada Sawirka, Google
Xamaas shalay waxa ay sheegtay in gantaallo ay soo rideen Israa’iil ay ku dhinteen afar ruux oo Israa’iiliyiin ah isla markaana y afduubnaa Xamaas.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sargaalka sare ee la sheegay in laga qabsaday Israa’iil
Nimrod Aloni waxa uu kamid ahaa ciidamada Israa’iil ee ay Xamaas sheegatay in ay gacanta ku dhigeen isla markaana ay maxbuus ahaan u heysato.
Waxa uu dhowr jagooyin muhiim ah ka soo qabtay ciidamada millitariga ee Israa’iil ee loo yaqaano IDF, gaar ahaan ciidanka Depth Corps ee ka tirsan Ciidamada Difaaca Israa'iil, isaga oo noqday taliyaha qaybta 143 aad ee Gaza, iyo hawlgallada aagga Ramallah.
Eloni ayaa xilal kala duwan oo la xiriira ciidanka ka soo qabtay Israa’iil ilaa bishii June 2002-dii markaas oo loo dallac siiyay Sarreeye Guud oo Taliska Dhexe ah.
Sawirka taliyaha oo garbaha la hayo lagana xayuubiyay dharkii darjo ee ciidanka ayaa la soo bandhigay kaas oo u muuqda in uu muujinayo in ay haystaan Falastiiniyiin, balse sheegashada ayaa ah mid aan si rasmi ah loo xaqiijin.
Ku xigeenka madaxa Xamaas Saleh al-Arouri ayaa u sheegay Al Jazeera in ururka Xamaas ay qabteen "tiro badan" oo Israa'iiliyiin ah. Waxa uu ku andacoodey in "saraakiil sare" ay ka mid yihiin.
Guuldarro sirdoon

Xigashada Sawirka, ABIR SULTAN/EPA-EFE/REX/SHUTTERSTOCK
Israa'iil ayaa leh mid ka mid ah shabakadaha sirdoon ee ugu ballaaran uguna casrisan Bariga Dhexe, gudaha iyo dibaddaba.
Waxay leedahay shaqsiyaad sirdoon oo wararka u soo gudbiya islamarkana ku dhex jira kooxaha ay is hayaan oo dhan, maahan dhulka falastiiniyiinta oo keliya laakiin Lubnaan, Suuriya iyo meelo kaleba.
Waxaa horey sirdoonkooda ugu suurtagashay in ay dilaan hoggaamiyeyaal iyada oo la adeegsanayo duqeymo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ama xitaa taleefoonnada gacanta.
Dhulka, oo ku teedsan xayndaabka xudduudda kacsan ee u dhexeeya Gaza iyo Israel waxaa ku yaal kamarado, dareemayaasha dhaqdhaqaaqa dhulka iyo roondo ciidan oo joogto ah.
Xayndaabka silig-ku-xiran ayaa loo malaynayay inuu ahaa "caqabad caqli-gal ah" si looga hortago weerarrada. Haddana dagaalyahannada Xamaas ayaa si fudud cagaf cagaf ku dhex mariyay.
Dadkii ugu badnaa ee Yahuud ah ee dhinta
Afhayeen u hadlay Israa’iil oo lagu magacaabo Jonathan Conricus, ayaa ka hadlay khasaaraha gaaray Israa’iil waxana uu carrabka ku dhuftay in Israa;iil ay gashay maalmo madow.
"Illaa hadda, waa maalintii ugu xumayd taariikhda Israa'iil. Weligeed ma dhicin in dad badan oo Israa'iiliyiin ah lagu dilo hal meel iska daa in ay cadawgu sameeyaan hal maalin.
Tiradii dhimashada ee ilaa iyo haatan la diiwan geliyay dhinaca Israaliyiinta ayaa gaartay in kabadan kun qof sida ay sheegtay safaaradda Mareykanka ay ku leedahay Israa’iil.
Kadib qoraal lagu baahiyay baraha bulshada, safaaradda ayaa sheegtay in, in kabadan 3,418 qof ay sidoo kale ku dhaawacmeen.
Saldhigyo boolis iyo xaafado laga qabsaday

Xigashada Sawirka, EPA-EFE/REX/SHUTTERSTOCK
Howlgalkan ayay kooxda Xamaas ugu magac dareen "Howlgalka duufaanta Al-aqsa.
Muuqaal aan wali si madaxbanaan loo xaqiijin ayaa muujinaya tiro askarta Israa'iil ah oo dhintay.
Gawaari ay leeyihiin ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale la weeraray iyadoo qaarkood la qabsaday islamarkana ay dagaalyahanada Xamas u qaadeen Qaza.
Sabtidii dhammaadka fasaxa Yuhuudda, waxay u muuqataa in Israa’iil lagu qabtay hurdadii oo la gaaday.
Xamas waxay awoodday in ay qorsheeyso oo ay fuliso weerarkan sida taxadarka leh loo agaasimay ee ay u muuqato in Israa’iill ay ka war heli waysay.
Way iska caddahay in Israa'iil ay qaadi doonto weerar culus oo aargosi ah, balse waxaa taalla su'aasha ah sababta sirdoonkoodu ay ugu guuldareysteen in ay ogaadaan weerarkan islamarkana aysan digniin u bixin.
Waxay timid maalin kadib sanadguuradii 50-aad ee kasoo wareegtay weerarkii lama filaanka ahaa ee Masar iyo Siiriya 1973-kii oo bilaabay dagaal weyn oo bariga dhexe ah. Muhiimadda ay u leedahay taariikhdaas lagama lumin doono hoggaanka Xamaas.
















