Waa Imisaa Tirradda dagaalyahanada Kooxda Al-Shabaab?

AFP

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Al-Shabaab
    • Author, Abdijaliil Osman
    • Role, Weriye madaxbanaan

Kooxda Al-Shabaab ayaa weli ah mid ka mid ah ururada AlQaeda ku xiran kuwooda ugu awoodda badan Afrika, sida ay aaminsan yihiin khubarada amniga ee gobalka.

Laakiin jabweyn ayaa kooxda kasoo gaaray ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo ka qabsaday dhul weyn oo ku yaal Koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya. Waxaas oo dhan waxay dhacayaan iyada oo lagu wado in ciidamada Midowga Afrika ay ka baxaan Soomaaliya dhammaadka sanadka 2024ka.

Cilmibaaris horey loo sameeyay iyo khubaro amni oo kala duwan ayaa ku qiyaasaya ciidamada kooxda Al-Shabaab inay dhan yihiin ku dhawaad toddobo kun ilaa iyo labo iyo toban kun oo qof oo hubeysan, islamarkaas na heysta garab sirdoon oo xoogan. Laakiin tirada rasmiga ah ee Al-Shabaab si rasmi ah looma oggo, iyagu na uma shaaciyaan. Sababtaas ayaa ugu wacan in khuburadda amniga ay ku kala duwanaadaan qiyaasaadka tirada ciidan, awood iyo dhaqaale ee kooxda.

Waa imise tirada ciidanka Al-Shabaab, tiro intee la eg ayaa se uga dhimatay dagaalka socda?

Twitter

Xigashada Sawirka, Twitter

Maxamed Mubaarak oo ka mid ah aas-aaseyaasha mac’hadka daraasaadka amniga ee Hiraal Institute wuxuu aaminsan yahay in tirada dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya ee dhan yihiin ilaa iyo toddobo kun oo qof oo hubeysan islamarkaas na tababar. Laakiin Cabdisalaan Guuleed, Agaasime ku-xigeenkii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka waxa uu sheegay in tirada kooxdu ay kor u dhaafayso ilaa 12,000 (Laba iyo Toban Kun) oo dagaalyahan.

Cabdisalaam waxa uu aamisan yahay in Soomaaliya iyo caalamka u baahan yahay in si rasmi ah loo darso awooda ciidan iyo dhaqaale ee kooxda. Waxa uu tilmaamay in la dhayalsaday tirada dagaalyahannada kooxda ee gudaha dalka isla markaanna dagaalamayaasha iska hor imaadka dhexmara ciimadamada Soomaaliya ay yihiin kuwa maleeshiyaad ah oo aan lagaga cabbir qaadan karin awooda kooxda Al-Shabaab. “Al-shabaab cuddudeeda xaqiiqada ah keliya ma ahan dhalinyarada yar iyo maleeshiyaadka aanu aragno ee lasoo bandhigo, waxa ay leeyihiin awoood ka khatar badan inta aan aragno, marka in tirada rasmiga ah iyo awooda cida aad la dagaaleyso oo aadan haynin ayaaba ah wax aan macquul aheyn.” Ayuu yidhi Cabdisalaan.

Bishii June ee sanadkan 2023, Kooxda Alshabaab ayaa baahisay muuqaallada dagaalyahanno tababar loo soo xidhay, iyada oo aan la sheegin halka uu ka dhacay tababarkaasi. Mac’hadka Hiraal Institute ayaa rumaysan in tirada dagaallamayaashaasi ay kor u dhaafayeen ilaa iyo 800 (sideed Boqol) oo dagaallamayaal ah, isla markaana aaga tababarkan looga soo xidhay ay ahayd Jubboyiinka Somaaliya. “Kooxdu, waxa ay leedahay nidaam ciidan oo kala madax-banaan, Boolis, Taraafik iyo ciimado guurguura oo u diyaarsan dagaallada ku dhufo oo ka dhaqaada ah, markaa marwalba waxa ay tababar usoo xidhaan cutubyo cusub oo ciidamo ah,” ayuu yidhi Maxamed Mubaarak.

US AFRICOM

Xigashada Sawirka, US AFRICOM

Qoraalka sawirka, Askari Somali ah

Cabdisalaan ayaa intaa ku daray, in dagaalyahanada joogtada ah ee kooxda ee ku sugan Galgaduud ay suurtogal tahay in ay haystaan gaadiid dagaal oo gaadhaya ilaa 200 oo gawaari. Laakiin xog badan lagama hayo Shabaab ku sugan goboladda Jubbooyinka oo muddo dheer saldhig u ah. Mac’hadka Hiraal Institute ayaa qaba in duullaanka ka dhanka ah kooxda ee ka socda gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeelooyinka in ay kaga dhinteen dagaalyahano gaadhaaya ilaa 1500 (Kun iyo Shan Boqol) oo dagaalyahan.

“Toddobadii billood ee hore, 1500 (Kun iyo Shan Boqol) oo xubnood ayaa kaga dhintay dagaalladii ay la galeen ciimada dowladda iyo kuwa macawiysleyda,” ayuu yidhi Maxamed Mubaarak.

Dowladda Soomaaliya si rasmi ah uma shaacin tirada guud ee ciidamada Al-Shabaab ee ay ku dileen dagaaladdii ugu dambeeyya. Laakiin marar kala duwan ayay soo saareen tirooyin. Tii ugu dambeysay ee lagu faafiyay telefishinka dowladda waxaa lagu sheegay in ciidamada dowladda ay ka dileen kooxda ilaa shan boqol oo qof oo dgaaalyahanno ah.

Sidee Al-Shabaab lacag iyo hub ku heshaa?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Khubarada la-dagaalanka argagaxisada ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka faa’iidaysteen ilo dhaqaale oo dhowr ah sannadihii lasoo dhaafay. Waxaana ilahaas ku jira dhaqaale ay ka qaadaan ganacsatada Soomaaliya gaar ahaan dekadda, Canshuuraha ay ka qaadaan dadka reer miyiga ah sida sakada oo ah cashuur diineed oo sannadle ah, canshuurta dhismaha beeralayda, iyo maalgelino uga yimaadda afduubyada ay fuliyaan dagaalyahanadoodu.

Sida ay sheegtay Waaxda Maaliyadda ee Mareykanka, kooxda waxaa sannadkii soo gala ku dhawaad $100 milyan oo dollarka Mareykanka iyada oo loo marayo hababkaan kala duwan. Waxaa la rumeysan yahay in ku dhawaad rubuc-meel ahaan dakhligan kooxdu ay ku bixiso oo ay kula soo dagto hubka iyo walxaha qarxa.

Laakiin dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan soo rogtay xayiraad dhanka dhaqaalaha iyo lacag-u-dirida Shabaab la xiriirta. Taas ayaa la rumeysan yahay in saameyn dhaqaale oo weyn ay u geystay kooxda Al-Shabaab. Laakiin qaar ka mid ah khuburadda amniga ayaa weli shaki ka qaba inta ay la egtahay saameynta xayiraaada iyo xeerarka cusub ee dowladdu kula dagaalameyso Al-Shabaab.

“Waxay weli awoodeen inay lacag ka ururiyaan ganacsadata Muqdisho iyo meelo ka baxsan,” ayuu yidhi Maxamed Mubaarak.

Sida ay qabaan khubarada amniga Soomaaliya, Al-Shabaab ayaa sidoo kale hantida ay soo xareeyaan ku laaluusha qaar ka mid ah odayaasha beelaha iyo dadka saameynta leh qaarkood, iyo xitaa dhalinyarada shaqo la’aanta ku ah gudaha dalka kuwaas oo loo adeegsado in ay fuliyaan dilal qorshaysan.

Kornayl Cabdullahi Macow oo hore uga soo shaqeeyey hay’adda Sirdoonka Qaran ayaa BBC-da u sheegay in uu yaraaday isu socodkii kooxda ee gobalada Soomaaliya haddana ay jiraan magaalooyin iyo deegaanno ayweli ku xooggan yihiin, kuwaas oo gabaad u ah hoggaanka sare ee kooxa.

“Hadda sidii hore isagama kala gooshaan gobollada dalka madaxdoodu, kamana soo gudbi karaan wabiga,” Ayuu BBC-da u sheegay Kornayl Cabullahi oo sheegay in konton boqolkiiba uu hoos u dhacay isu socodka kooxda duqeymaha iyo dagaalada kordhay awgood. “Weli waxay ku xoogan yihiin Jilib iyo deegaano kale oo ka tirsan goboladda Koonfurta.”

Yaa Hoggaamiya Al-Shabaab?

Twitter

Xigashada Sawirka, Twitter

Qoraalka sawirka, Madaxda Sare ee Al-Shabaab

Axmed Diiriye oo sidoo kale loo yaqaanno Axmed Cumar Abuu Cubeyda, ayaa hadda ah hoggaamiyaha Al-Shabaab. Axmed ayaa hoggaanka Al-Shabaab la wareegay sannadkii 2014-kii, kaddib markii hoggaamiyihii isaga ka horreeyay ee Axmed Cabdi Godane lagu dilay duqayn ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanku. In kasta oo uu jiro shaki ay falanqeeyayaasha qaarkood ka qabeen caafimaad Diiriye, haddana kooxda ayaa u muuqata mid maamul ahaan isku xidhan.

Cabdisalaan Guuleed, ayaa qaba in shaqsigu aanu muhiim ahayn, balse ay habboon tahay in wax la iska weydiiyo gudaha kooxda iyo isku-xidhnaantooda.

“Shaqsigu muhiim ma aha, Al-Shabaab haddii aanay burburin oo aanay kala tagin kaddib geeradii Godane, muhiim ma aha in lagu mashquulo caafimaad Axmed Diiriye. Waxa mudan in la’ isweydiiyo waa hoggaaminta kooxda iyo awoodda ay u leedahay in gudaha iyo dibbadaba ay weerro ka gaystaan iyaga oo aan kala tegin,“ Ayuu yidhi Cabdisalaan.

Golaha fulinta ama shuurada Al-Shabaab ayaa la rumaysan yahay in ay ka kooban yihiin ilaa toban xubnood kuwaas oo ah golaha ugu muhiimsan ee go'aan ka gaadhista qadiyadda iyo fikirka kooxda.

Toddobaadkan war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayey dowladda Mareykanku ku sheegtay in cidda soo sheegta halka uu ku sugan yahay hoggaamiyaha Al-shabaab, Axmed Diiriye Cali oo sidoo kale looyaqaanno Abuu Cubeyda la siin doono lacag dhan 10 milyan oo dollarka Maraykanka ah oo abaalmarin ah.

“Intii uu hoggaaminayey Axmed Diiriye, argagixisada Al-Shabaab waxa ay weerarro ka fuliyeen Soomaaliya, Kenya, Uganda, iyo Jabuuti kuwaas oo sababay dhimashada boqolaal qof,” ayey tidhi Wasaaraddu.

Bayaanka kasoo baxay Mareykanka ayaa muujinaya in weli hoggaamiyaha kooxda Al-Shabaab uu awood u leeyahay in uu abaabulo dagaalyahanno ka hawlgala gudaha dalka iyo guud ahaan gobalka.