Maxaa lagu macnayn karaa muuqaalka ay Al-shabaab soo bandhigeen ee hogaamiyahooda?

Abucubeyda oo wajigiisa shoocaac la saaray

Xigashada Sawirka, Twitter

Hogaamiyaha sare ee ururka Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay ka soo muuqday muuqaal ah waraysi uu siiyey garabka warbaahinta ee xarakada, kaasoo la soo dhigay baraha internet ka ee taageera kooxda.

Sheekh Axmed Cumar Diiriye oo loo yaqaano Abu Cubeyda ayaa muuqaalka wajigiisa la saaray humaag si aan loo aqoonsan, wuxuna wareysi siinayay nin isna uu wajigu u xiran yahay.

Isla markii muuqaalku baahayba waxaa la arkayey dadka qaar oo shaki gelinaya waxyaabo dhowr ah oo ku saabsan muuqaalka.

Shakiga ku hareereysan

Waxyaabaha su’aasha la geliyey waxaa ka mid ah goorta muuqaalka la duubay oo dadka qaar ay ku sheegeen in ay tahay mar hore halka kuwa kale ay shaki geliyeen in qofkani yahay hogaamiyaha ururka Al Shabaab laftiisii iyo in kale.

Su’aasha ah in muuqaalka mar hore la duubay waxay ka hor imaanaysaa codka muuqaalka laga maqlayo oo ka hadlaya colaadda Suudaan oo aan laba bilood jirsan weli.

Balse su’aasha ku aaddan sida lagu xaqiijin karo in uu hogaamiyaha ugu sareeya Al-Shabaab ee Abu Cubeyda yahay qofka muuqaalka laga duubay iyo waxa ay tahay farrinta uu dirayo shirku iyo muuqalka uu soo duubayba.

waxaan su'aalahaas weydiinay Ibraahim Aadan oo sida uu sheegay aqoon dheer u leh Abu Cubeyda, haatanna la shaqeeyo dowladda.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ibraahim waxa uu sheegay in uu yahay Abuu Cubeyda shaqsiga muuqaalkiisa la soo bandhigay marka uu ku cabbiro aqoonta uu u leeyahay hogaamiyahan.

“Aqoonta aan u leeyahay, waa isaga, marka aan ka fiirsho, codkiisa, farihiisa, iyo itaalkiisa intaba, waa isaga marka laga tago shucaaca ku furan wajiga, sababtoo ah anigu aqoon badan ayaan u leehay,” ayuu yiri Ibrahim.

“Qof waliba oo aqoon u leh ama la soo shaqeeyay wuu ku dhaaran karaa in uu isaga yahay.” ayuu sii raaciyey Ibraahim oo sheegay in wax shaki ahi uga jirin in qofka wajigiisa la qariyey ee muuqaalka kasoo muuqday yahay Abu Cubeyda.

Si aan usii xaqiijinno sheegashada Ibraahim, waxaan weydiinay inta ay le'eg tahay muddada ay is yaqaaneen waxa uuna sheegay, in uu aqoon durugsan u leeyahay hogaamiyaha hadda ee ururka Al Shabaab isaga oo sheegay in uu si toos ah oo maalinle ah ula shaqeynayey Abu cubeyda, muddo gaareysa shan sano.

"Muddo shan sano ah, ama lix sano aan dhaho, shan sano si joogta ah ayaan u wada shaqeynaynay, oo si maalinle ah. Sannadkii uu madaxa wilaayaadka ahaa intaas oo jeerbaan is aragnay, laakiin intuu Bay iyo Bakool joogay si joogta ah oo maalin walba ah ayaan isu arkaynay marna deris baaban ahaynba oo guri baan wada degganeyn, marka aqoon durugsan baan u leeyahay” ayuu yiri Ibraahim Aadan.

Maxaa hadda kusoo beegay muuqaalka?

Sawir Alshabaab oo ay ka muuqdaan oday dhaqameedyo

Xigashada Sawirka, Twitter

Waxaan Ibraahim weydiinay waxa ay noqon karto sababta hadda loogu soo beegay muuqaalka, “waxaan is dhihi karaa, maadaama muddooyinkii dambe la isla dhex mari jiray in uu jirran yahay oo xanuun daran hayo oo sariir jiif yahay, si marka ay taas u beeniyaan oo ay u muujiyaan inuu caafimaad qabo oo hawlihiisii wato ayaan is leeyahay waa sababta ugu weyn ee muuqaalka loo soo duubay” ayuu Ibraahim sabata ku tilmaamay isaga oo sheegay in Alshabaab ay si fiican u yaqaanaan adeegsiga warbaahinta.

Ururka Alshabaab oo ka koobnaan jiray laba gole oo kala ah golaha shuurada iyo kan fulinta ayuu Ibraahim sheegay in midkii shuurada uu baabi’iyey Axmed Cabdi Godane oo ah hogaamiyiihi hore ee Al Shabaab kaas oo la dilay sannadkii 2014, saas darteed “golihii shuurada waxaa beddalay shir sannadeed oo madaxda gobollada ay isugu yimaadaan oo Afhayeenka guud ee ururku ka soo qayb galo gabagabadana amiirka ururku uu kasoo qayb galo, warmurtiyeedna uu ka soo boxo,” ayuu yiri Ibraahim.

Haddaba sida uu sheegay Ibraahim shirkani waa kii labaad ee noociisa ah ee Ururku qabto waxayna ku soo bandhigaan qorshahooda sannadka.

Mar aan weydiinay sababta aanay uga muuqan Mahad karataay iyo hogaamiyeyaashii kale ee wajigooda la yiqiinay waxa uu ku sheegay in shirka noocan ah aanay badanaa kasoo qayb gelin madaxdooda sare ee loo qabto kuwa gobollada iyo oday dhaqameedyo iyo dad uu Ibraahim ku tilmaamay “culimadooda” saas darteedna aysan qasab ahayn in lagu arko madaxda kale. Balse dhanka kale wuxuu qiray in haddii uu joogi lahaa mahad, lagu dhex arki lahaa muuqaalka.

Su'aashaas ayaa timid ka dib markii in muddo ah la hadal hayey in hogaanka sare ee Al Shabab ay u kala qaybsameen laba garab oo kala taageersan Mahad Karataay iyo Abuu Cubayda

Dawladda Soomaaliya ayaa ururkan dagaal kula jirta iyada oo ku guda jirta, ayadoo uu socdo hawl gal ka dhan ah ururkan oo ku bilowday dadka deegaanka oo hubka qaatay si ay ula dagaalamaan Al Shabaab, kadibna ay dawladdu taageertay. Hawlgalka wajigiisii labaad ayey dalwddu sheegtay in uu goor dhow bilaaban doono. Inta la ogyahay waxaa wajiga labaad ka qayb qaadanaya ciidamo aan ATMIS ka tirsanayn balse ka imaanaya dawladaha ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.