Isbabar-dhigga maleeshiyooyinka is abaabulay ee kooxaha "argagixisada" kula dagaallamay Suuriya, Ciraaq iyo Soomaaliya

Macawisley iyo ciidakna dowladda

Xigashada Sawirka, SNTV

Tan iyo markii ay dhaceen weerarradii 9/11 ee lala beegsaday Mareykanka, waxaa socday dagaal uu Mareykanka oo kaashanaya xulafadiisa kula jiray kooxaha Islaamiyiinta Jihaad-doonka ah ee ay ugu weyneyd Al-Qaacida.

Waxaa dib ka abuurmay kooxo kale oo qaarkood hoos taga Al-Qaacidda, sida Al-Shabaab oo fadhigeedu uu yahay Soomaaliya.

Qaar ka tirsan kooxaha dagaalka tooska ah lagula jiray waa la wiiqay awooddooda ama waa laga adkaaday gebi ahaanba, sida kooxda Dowladda Islaamiga ah, halka kuwo kalena aysan weli cago adag ku taagan yihiin.

Doorka maleeshiyada qabaa’ilka

Ololaha ka dhanka ahaa kooxaha lagu tilmaamay argagixisada waxaa qeyb ka ahaa kooxo is abaabulay iyo maleeshiyaad qabaa’il oo si iskood ah ugu istaagay in ay la dagaallamaan kooxahaas.

Markii ay soo shaac baxday kooxda la magac-baxday Dowladda Islaamiga ah, waxaa dagaallo la galay maleeshiyaad ay horkacayeen Kooxda Kurdiyiinta Suuriya oo gacan ka helayay Mareykanka.

Sidoo kale, dhanka Ciraaq waxaa kooxdan oo awooddeedu ay sii fideysay kula dagaallamay maleeshiyaadka Kurdiyiinta Suuriya iyo xoogagga Carabta ah ee ay isla safan yihiin.

Balse kooxdan weli way ku sugan tahay gobolka, waxayna ka howl gashaa waddamo kale oo ay ku jiraan Nigeria iyo Philippines.

Dhanka Afghanistan iyo Yemen kooxaha Islaamiyiinta ah waxaa duqeymo la beegsada diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee Mareykanka.

Mid ka mid ah duqeymahaas abaabulan ayaa 31-kii bishii Luulyo ee sanadkan lagu dilay hoggaamiyihii ugu sarreeyay kooxda Al-Qaacida, Ayman Al-Zawahiri.

Duqemo joogto ah ayuu Mareykanku ka fuliyaa Soomaaliya, isagoo beegsanaya dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.

Soomaaliya iyo dagaalka Al-Shabaab

Muddooyinkan waxaa soo badanaya dagaallada u dhaxeeya Al-Shabaab iyo kooxo qabiil ahaan u abaabulan oo la magac-baxay Macawisley.

Saameynta dagaalladan oo dhowr jeer soo noqnoqday ayaa u muuqata mid aad u ballaaran. Meelaha ay ilaa ka dhaceen isku dhacdayaas waxaa ka mid ah deegaanno hoostaga Dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur-galbeed.

Macawisley

Xigashada Sawirka, SNTV

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Hoggaamiyeyaasha maleyshiyaadka isu xilqaamay in ay la dagaallamaan Al-Shabaab ayaa la soo tebiyay in sababta ku kalliftay arrintan ay tahay culeysyo bulshadooda kasoo wajahay dhanka Al-Shabaab, oo ay sheegeen in ay ka mid yihiin dad laga dilay iyo carruurtooda oo ciidameyn lala doonayay.

Bishii Agoosto ayay macawisleydu la wareegtay deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan oo ay kula dagaallameen Al-Shabaab, iyagoo sheegay in ay u aargudayeen nabaddoon laga dilay.

"Nabaddoonkeennii oo aan naqaanno in uu ahaa nin nadiif ah oo Muslim ah, ummadda aan dhibaatayn, cid kale aan gardareysan…annagii ogayn ayay noo sheegeen in uu gaal murtad ah ahaa, jawaabtooduna nalama su'aali karo ayay noqotay, si isla weyni leh ayay noola hadleen," ayuu yiri nin ka mid ah dableyda dagaalka ku qaadday Al-Shabaab oo sababo amni dartood u codsaday in aan la magacaabin.

Dagaalkaas waxaa Al-Shabaab looga saaray Tuulooyinka Luuq Jeelow, Baar, Wardhabeelle iyo Raangaabo oo dhammaantood galbeed ka xiga Beledweyne.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa gacan siiyay kooxaha is abaabulay ee dagaalka ku qaaday Al-Shabaab.

Waxay kusoo aadday xilli uu Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ujeeddada ugu weyn dowladdiisa ka dhigay la dagaallanka Al-Shabaab, isagoo marar badan ku celceliyay in uu wax kasta u sameyn doono sidii uu u burburin lahaa kooxdan.

Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Axaddii sheegtay in “ciidamada qaranka iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay Al-Shabaab ka xoreeyeen 20 deegaan oo ku yaalla Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur-galbeed.”

Bayaan ay soo saartay wasaaradda ayay sidoo kale ku sheegtay “in Al-Shabaab dagaalladii u dambeeyay looga dilay in ka badan 100 maleeshiyo iyo horjoogeyaal”.

Garab-siinta maleeshiyada qabaa’ilka ee la dagaallamaysa Al-Shabaab

Maleeshiyaadka uu Mareykanku sida tooska ah u taageerayay ayaa guulo ka gaaray kooxaha Islaamiyiinta ah ee dhowr sano ka hor qabsaday magaalooyin waaweyn oo ku yaalla Suuriya iyo Ciraaq, taas oo ay falanqeeyeyaashu ku tilmaameen tallaabo muhiim ah.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho

Xigashada Sawirka, Twitter

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa Isniintii boggeeda Twitter-ka uga hadashay saameynta ka dhalatay dagaalka u dhaxeeya Al-Shabaab iyo dadka deegaanka ee is abaabulay. “Xilli dadka Hiiraan ay kacdoon sameeyeen, dibna ula wareegayaan deegaannadooda, Al-Shabaab oo sii cararaya waxa ay burburinayaan guryo, ganacsiyo iyo ceelal.

"Dadka Soomaalida ah, oo gacan ka helaya ciidamada dowladda federaalka ee maxalliga ah, ayaa dib u soo xoogeysanaya, isla markaana ka xoreynaya Soomaaliya burburka ay sababtay kooxda xagjirka ah ee qalalaasaha wadda,” ayaa lagu yiri qoraalka ay safaaradda Mareykanka.

In Dowladda Soomaaliya ay ciidamadeeda ku xoojiso maleeshiyada qabaa’ilka ee horayba u sii billaabay dagaalka ka dhanka ah Al-Shababaab ayuu arrin muhiim ah ku tilmaamay Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare, oo xilligii uu ahaa taliyaha NISA ay billowdeen maleeshiyooyinka deegaanka ee noocan ah.

Wareysi uu siiyay BBC-da ayuu ku sheegay in haddii dowladda aysan garab siinin maleeshiyaadka-qabaa’ilka ee dagaalka kula jira Al-Shabaab ay dhibaato u gaar ah wajihi doonaan.

"Haddii hal qabiil kaligiis uu dagaal la galo Al-Shabaab wuxuu culays ama xoog uu ku wiiqayo qabiilkaas saarayaa deegaannadooda si ay qabiillada kale ugu quus-qaataan," ayuu yiri jeneraalka.

Muddo 15 sano ah ayay Al-shabaab dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya iyo ciidamada ajaanibta ah ee gacanta siinaya, halka Mareykankuna uu si gaar ah howlgallo ka dhan ah kooxdan uga waday Soomaaliya.

Balse waxaa hadda la isweydiinayaa sida uu noqon doono miro-dhalka dagaalkan cusub ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tilmaamay gulufkii ugu dambeeyay.