Waa kuma Fu'aad Khalaf oo hadda ka mid ah hogaanka sare ee Al-shabaab?

Shangole

Xigashada Sawirka, Facebook

    • Author, Ahmed Cadceed
    • Role, Freelance Journalist

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda iskeed madaxbaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, ayaa sheegtay in xaalad walaac leh ay ka jirta magaalada Laascaanood.

War qoraal ah oo ay soo saareen ayay ku sheegeen in “Ku dhawaad ​​600 oo falaago ah oo uu hogaaminayo Fu’aad Maxamed Qalaf (Shangole) oo ah horjooge caan ka ah Al-Shabaab ay maalmihii la soo dhaafay gudaha u galeen gobolka”.

Somaliland ayaa sidoo kale sheegtay in ujeedka Shangole uu yahay in maleeshiyaadka deegaanka loo tababaro soo saarista walxaha qarxa iyo in Al-Shabaab looga sameeyo saldhig ay ku yeeshaan buuraha Ceerigaabo, Sanaag.

Maamulka Laascanood oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in warkaasi waxba kamajiraan uu yahay.

Haddaba, waa kuma horjoogahan Al shabaab ee ay Somaliland sheegtay inuu xagaas usoo amba baxay?

Fu'aad

Xigashada Sawirka, Facebook

Fu’aad Maxamed Qalaf oo sidoo kale loo yaqaan Fu’aad Shangole, waa Soomaali haysta dhalashada dalka Sweden.

Wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho, balse Sweden ayuu magangalyo qoxootinimo u doontay sannadkii 1992 kadibna wuxuu helay dhalashada dalkaas.

Dalka Sweden wuxuu ku noolaa muddo 12 sano ah oo inta badan uu imam ka ahaa masjid ku yaal magaalada caasimadda ah ee Stockholm, halkaas oo muxaadarooyin ka bixin jiray. Waxaa la sheegaa inuu saameyn ku yeeshay dhalin yaro badan mudadaas isaga oo ku boorin jiray Jihaad.

Khalaf wuxuu sidoo kale bare kasoo noqday masjidka Bellevue ee magaalada Gothenburg.

Wuxuu si aan la gabasho lahayn afka uga taageeri jiray Ururka Alqaacida, wuxuuna xilligii maxaakiimta u uruurin jiray lacag uu ku taageerayey midowga maxaakiimta, lacagtaas oo markii dambena uu sii waday in uu Al shabaab ku taageero.

Siduu Al-Shabaab ku noqday?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Khalaf wuxuu ku laabtay Soomaaliya sannadkii 2004-tii xilligaas oo midowga Maxaakiimtu ay dagaal kula jireen dawladdi ku meel gaarka ahayd oo Itoobiya usoo gaashaan buursatay.

Dagaalkii midowga hogaamiye kooxeedyadu ay kala hor tageen Midowga Maxaakiimta, kadib waxaa laga dhigay madaxa waxbarashada ee MM. Waxaa xilligaas sidoo kale lagu tilmaamay inuu ahaa hogaamiye sare oo ka tirsan garabka dhalinyarada oo markii dambe la baxay Al-shabaab. Sidaas waxaa lagasoo xigtay Ururka Xuquuda Aadanah ee Soomaaliya (Suldan Hurre Human Rights Focus).

Bishii u dambeysay ee sannadkii 2006, markaas oo ay dhacday dalwddi Midowga Maxaakiimtu, Qalaf iyo xubna kale oo ka tirsan MM ayaa u baxsaday Boqortooyada Sucuudiga. Bishii April ee sannadkii xigay waxaa mar lasoo wariyey inuu ku nool yahay dalka Kenya.

Sida laga soo xigtay shabakada wararka Sweden ee Nyheter24, Bishii Maarso ee sannadkaas Qalaf waxa uu ka qayb galay isusoobax gabar dhagax lagu dilayey.

Isla maalintii xigtay sida uu isla warku sheegay, waxa uu sidoo kale gacan ka jaray nin Soomaali ah oo lagu eedeeyay tuugnimo, isaga oo markan si toos ah uga tirsan Al-shabaab.

Bishii May ee sannadkii 2014, Qalaf wuxuu sheegay in dagaalyahannada al-Shabaab ay jihaad ka geysan doonaan Kenya iyo Uganda " ka dibna, idamka Alle, Mareykanka”.

Xilligaas dad badan maysan aqoon qofka uu yahay Fu’aad siiba dadka aan Soomaalida ahayn. Hase yeeshee xilligaas haddii magaciisa lagu qoro internetka waxaa markiiba kuusoo baxaya inuu yahay xubin ka mid ah Al-shabaab isla markaana lacago la dul dhigay sida aan hoos ku arki doonno.

Sida lagu sheegay war bixin uu Maraykanku soo saaray 2010 kii, Khalaf ayaa hagay weerar gawaari qarax lagusoo xiray oo beegsaday xero ay lahaayeen ciidan ka Itoobiya.

Cunaqabateynta iyo lacagaha la dul dhigay

Fu'aad

Xigashada Sawirka, Facebook

Bishii April ee sannadkii 2010 Maraykanka ayaa ku dhawaaqay abaal marin gaaraysa $5 milyan oo doolar oo la siinayo qofka keena xog ku saabsan Fu’aad Shongale.

Isla warbixintan ayaa lagu sheegay in cunaqabatayn lagusoo rogay Fu’aad isla markaana la xannibay hanti kasta oo uu leeyahay oo hoos timaad Maraykanka.

Waaxda Maaliyadda ee Mareykanka ayaa Khalaf xilligaas si gaar ah ugu dhawaaqday baadi goobka loogu jiro xogtiisa, waxaana lagu dhawaaqay in la saaray cunaqabatayn,“iyadoo la raacayo Amarka Fulinta ee 13536, kaas oo ah ka qayb qaadashada rabshadaha iyo sii xumaanshaha amniga Soomaaliya.

“Cawaaqibka ka dhashay falalkiisa awgood, dhammaan hantida iyo danaha hantiyeed ee Khalaf ee hoos yimaada xukunka Mareykanka waa la xannibay, waxaana guud ahaan dadka Mareykanka laga mamnuucay inay wax ganacsi ah la sameeyaan Khalaf.” ayaa lagu yiri warbixinta.

Midowga Yurub ayaa isla sannakaas 2010-kii wuxuu Fu’aad iyo magacyo kale kusoo rogay cunaqabatayn dhaqaale.

Shangole ayaa marar la sheegay in la dilay. Snaadkii 2022 mar ay dagaallemayaasha Al-shabaab gudaha u galeen dawlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayey Itoobiya sheegtay in ay dagaal ku dileen Fu’aad.

“Isku daygii naf lacaaridka ahaa ee kooxda Alshabaab kusoo qaadday Deeganka Soomaalida ee Itoobiya wuxuu ku dambeeyay inay ku waayaan 150 xubnood oo uu ugu muhiimsan yahay sarkaalkooda sare ahna aasaasaha Alshabaab, Fuaad Maxamed Khalf oo ku magac dheer Shongole." Ayaa lagu yiri qoraal ay safaaradda Itoobiya ee Jabuuti soo dhigtay barteed X ee oray loo dhihi jira Twitter.