Sababta ay Al-Shabaab u weerareen deegaanka Soomaalida iyo Seddex arrimood oo kale

Xigashada Sawirka, SRTV
Si la mid ah waddamada deriska la ah Soomaaliya Al-Shabaab waxay jeclaayeen iney Itoobiya weerarro ku soo qaadaan balse ma jirin wax weerar ah oo isku day dhaafsiisan.
Balse toddobaadkii hore dagaallamayaal ka tirsan AL-Shabaab ayaa weerar ku soo qaaday deegaanno ku yaalla xadka Itoobiya ay la wadaagto Soomaaliya.
Maamulka Deegaanka Soomaalidana wuxuu sheegay ciidamada ammaanka deegaankaasi iney dhowr aag kula dagaallameen dagaallamayaaasha Al-Shabaab.
Dagaalka labada dhinac halkaasi ku dhexmaray oo labada dhanba qasaaro uu ka soo gaaray.
Haddaba maxaynu ka ognahay sababta ka dambeysay weerarrada ay Al-Shabab ku soo qaadeen Itoobiya?
1. Maxaa sababay inuu Al-Shabaab weerarradan soo qaado?
Mid ka mid ah saraakiisha Liyu Booliska deegaanka Soomaalida oo aan magaciisa sheegin oo wakaaladda wararka Reuters u warramay wuxuu sheegay weerarka Al-Shabaab inuu ka dhashay sargaal ka tirsan Al-Shabaab oo damacsanaa inuu gudaha Itoobiya dhaqdhaqaaq ka sameeyo oo gudaha Itoobiya lagu dilay.
Ka hor inta uusan dagaalka billaabmin booliska gaarka ee deegaanka Soomaalida tuulada Hela-Madow oo ka tirsan Degmada Ceelkarri baaritaan ay ka sameeyeen waxay ku soo saareen hub noocyadiisa kala duwan oo meel ku aasnaa.
Wixi intaa ka dambeeyeyna booliska deegaanka waxay xabsiga u taxaabeen shaqsiyaad la sheegay iney ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab.

Xigashada Sawirka, Reuters
2. Maxay ahayd ujeeddada weerarrada Al-Shabaab?
Warmurtiyeed uu golaha ammaanka ee deegaanka Soomaalida uu habeennimadii Sabtida soo saaray waxay ku sheegeen ujeeddada weerarrada Al-Shabaab ay ku soo qaadeen gudaha Itoobiya iney ahayd iney degmada Ceelkarri sii maraan si ay ula midoobaan jabhadda Oromada ee OLF oo ka dagaallanta deegaanka Oromada.
Hase yeeshee kooxdan islaamiyiinta ee Soomaaliya ka dhaqdhaqaaqdo ee Al-Shabaab ilaa iyo hadda kama aysan hadal sababta ku kalliftay iney xilligan Itoobiya soo weeraraan iyo qasaaraha dagaalka kaso gaaray midna.

Xigashada Sawirka, SRTV
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
3. Weerarrada Al-Shabaab ee soo noqday
Maalintii Isniinta oo ku beegneed 18-ka July 2022-ka tuulada Laas-Qurun oo aan ka fogeen degmada Feerfeer ee Gobolka Shabeelle ciidamada Liyu Booliska Deegaanka waxay dagaal kula galeen Al-Shabaab.
Maamulka deegaanka Soomaalidana waxay sheegeen dagaallamayaashii Al-Shabaab ee isku dayay iney xadka ka soo tallaabaan ay cagta mariyeen, walow ay jirin sheegashadaas cid madax bannaan oo xaqiijineysa.
Ciidamada amniga deegaankana waxay sheegeen iney dagaallamayaal Al-Shabaab ay dileen qaarna ay noolasha ku soo qabteen hub bandanna ay ka qabsadeen.
Hase yeeshee Al-SHabaab ayaan ka hadal dagaalkii Isniinti dhexmaray iyaga iyo Liyuu Booliska.
4. Qasaaraha Dagaalka ka dhashay
Dagaalka oo ka dhacay xadka ay wadagaaan Itoobiya Soomaaliya labada dhinacba waxaa dagaalka ka soo gaaray qasaaro kala duwan.
Maamulka deeganka Soomaalida wuxuu sheegay dagaalladii ay la galeen Al-Shabaab iney ku dileen dagaallamayaal ka badan 200 qaar kalana ay nolosha ku qabteen.
Ururka Al-Shabaab dhankiisa wuxuu Khamiistii wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay iney dagaalka ku dileen in ka badan 80 askari oo ka tirsan ciidamada Liyu booliska deegaanka.
Ciidamada milatariga ee Itoobiya ayaa ku biiray ciidanka Liyuu Booliska oo wado dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Xigashada Sawirka, SRTV
Sarkaal sare oo ka tirsan militeriga Itoobiya ayaa sheegay in la qaaday howlgallo xubnaha Shabaab lagu nadiifinayo iyadoo shaley uu dagaal ka dhacay tuulada Laas-qurun oo u dhaw degmada Feer-Feer oo ku taalla xadka Itoobiya uu la wadaago gobolka Hiiraan.
Dowladda Itoobiyana waxay marar badan sheegtay xubno ka tirsan kooxaha islaamiiyinta ee Al-Shabaab iyo Daacish oo doonayey falal argagixiso iney gudaha Itoobiya ka fuliyaan iney qabqabteen.












