Madaxweyne Mustafe oo farriin ka soo diray jiidda hore ee dagaalka Shabaab

Madaxweyne Mustafe iyo ciidamo Liyuu Boolis ka tirsanla kulmay

Xigashada Sawirka, SRTV

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya Mustafe Muxummed Cumar ayaa sheegay in ciidamada ammaanka Itoobiya ay ka guuleysteen weerarkii uu soo qaaday Ururka Al-shabaab ee ka dhaqdhaqaaqa gudaha Soomaaliya.

Madaxweynaha oo u warramay BBC laanteeda Af-Amxaariga wuxuu sheegay weerarka ay Al-Shabaab ku soo qaaday dalka Itoobiya iyo xilliga uu ku soo beegmay ee xaaladda gobolka marka la eego in diyaar garow badan loo baahan yahay. Ma faahfaahinin madaxweynaha waxa uu arrintaasi ula jeeday.

Madaxweynaha oo ku sugnaa jiidda hore ee Feerfeer oo ay Al-shabaab weerarka ku soo qaadeen xilligii wareysiga uu bixinayey wuxuu yiri: "Qorshihii Al-Shabaab ay lahaayeen waan fashilinnay.

Ururka Al-Shabaab oo ay dowladda Itoobiya u aqoonsan tahay argagixiso oo ka dhadhaqaaqa gudaha Soomaaliya dhowr jiho wuxuu dagaal uga soo qaaday Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Madaxweyne Mustafe waxaa kale uu sheegay weerarka Al-Shabaab wixii ka horreeyey ammaanka deegaanka Soomaalida inuu ahaa mid sugan.

Tallaabbooyinka isdifaacidda iyo weerar celinta ee ay qaadeen laamaha ammaanka deegaanka waxay fursad noo siineysaa inaan muujinno diyaar garowga amniga lagu sugi karo.

"Hadda kaddib inaan isdhiganin ayey fursad noo siineysaa sida aan aaminsanahay," ayuu yiri madaxweyne Mustafe oo BBC u warramay.

Dagaallamayaal Al-Shabaab

Xigashada Sawirka, AFP

Maalma kahor ururka Al-shabaab ayaa weerarro ku soo qaaday deegaannada xadka ee ay wadaagaan Itoobiya iyo Soomaaliya.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ciidamada gaarka ah ee Deegaaanka Soomaalida oo loo yaqaanno Liyu Boolis ayaa dagaal la galay dagaallamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo gudaha u soo galay xadka Itoobiya. Dagaalkaasi ayaa billawday maalintii Arbacada ee isbuucii la soo dhaafay.

Dagaalka oo ka dhacay xadka ay wadagaaan Itoobiya Soomaaliya labada dhinacba waxaa dagaalka ka soo gaaray qasaaro kala duwan.

Maamulka deeganka Soomaalida wuxuu sheegay dagaalladii ay la galeen Al-Shabaab iney ku dileen dagaallamayaal ka badan 200 qaar kalana ay nolosha ku qabteen.

Ururka Al-Shabaab dhankiisa wuxuu Khamiistii wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay iney dagaalka ku dileen in ka badan 80 askari oo ka tirsan ciidamada Liyu booliska deegaanka.

Ciidamada milatariga ee Itoobiya ayaa ku biiray ciidanka Liyuu Booliska oo wado dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Sarkaal sare oo ka tirsan militeriga Itoobiya ayaa sheegay in la qaaday howlgallo xubnaha Shabaab lagu nadiifinayo iyadoo shaley uu dagaal ka dhacay tuulada Laas-qurun oo u dhaw degmada Feer-Feer oo ku taalla xadka Itoobiya uu la wadaago gobolka Hiiraan.

Al-Shabaab oo gudaha Soomaaliya ka dhaqdhaqaaqa ayaa weerarro kala duduwan oo isugu jiro qaraxyo iyo weerarro ay dagaallamayaal u adeegsan ka fuliyo gudaha Soomaaliya, Kenya iyo Uganada.

Waxaa xaalad deggenaan ah ay ka jirtay maanta deegaanka Laas-qurun oo u dhow degmada Feer-Feer ee gobolka Shabeelle, halkaas oo shalay uu dagaal ku dhexmaray ciidamada Liyuu boolis iyo Al-Shabaab.

Dagaalkaas ayaa dhacay kaddib markii sida la sheegay ay ciidamada Liyuu boolisku dagaal ku qaadeen mintidiin ka tirsan Al-Shabaab oo kasoo tallaabay dhinaca Soomaaliya.

Laamaha ammaanka ee deegaanka ayaa sheegay in ay guul ka gaareen dagaalkaas isla markaana ay dib u riixeen oo ay xadka dhaafiyeen Al-Shabaabkii gudaha deegaanka soo galay.

Dadka ku nool aagga ay wax ka dhaceen ayaa ciidamada gaarka ah ee Liyuu boolis ku soo dhoweeyay halkaas, mana jirto cid shacab ah oo ilaa iyo hadda la sheegay in dagaallada ay wax ku noqotay.