Todobo qodob oo ku saabsan dagaalka u dhaxeeya Liyu Boolis iyo Al-Shabaab

Mustafa Muxumed oo boogaadinaya ciidamada Liyu Boolis

Xigashada Sawirka, SRTV

Dagaal hor leh oo u dhaxeeya Ciidamada Liyu Booliska iyo Al-Shabaab ayaa maanta ka qarxay gobolka Shabeelle gaar ahaan deegaanka Laas-qurun ee degmada Feer-feer.

Dagaalkan cusub ayaa ku soo beegmaya iyadoo maalimihii la soo dhaafay uu socday dagaal u dhaxeeya Liyu Boolis iyo Al-shabaab kaas oo ka dhacay gobolka Afdheer gaar ahaan deenka Aato ee degmada Hargeelle.

Haddaba todobo qodob ka ogow dagaalkan dhifka ee uu dhaxeeya Al-shabaab iyo Liyu Boolis.

1: Dhulka lagu dagaalamayo

Deegaanka ay ku dagaallamayaan Liyuuga iyo Al-Shabaab ayaa ku yaalla Koonfurta deegaanka Soomaalida, ama xadka ay Itoobiya dhanka bari kala wadaagto Soomaaliya.

Dagaalki wajigiisii hore wuxuu ka dhacay deegaanka Aato, ee degmada Hargeellee ee gobolka Afdheer.

Al-shabaab ayaa gudaha u galay tuulooyin deegaanka Aato ku teedsan halkaasi oo uu dagaal dhowr maalmood socday ku dhexmaray dagaallamayaasha Al-shabaab iyo Liyuu Booliska.

Laba maalmood kaddib dagaalka oo soo idlaaday waxaa soo baxay warar sheegaya iney dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab oo 200 gaaraya ay katallaabeen xadka gobolka Hiiraan ee Soomaaliya sida uu BBC-da u sheegay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Maalin ka dib, dagaalkii labada dhinac u dhaxeeyey ayaa u wareegay aagga degmada Feerfeer oo ka tirsan gobolka Shabeelle.

Deegaanka Laasqurun oo ka tirsan degmada Feerfeer ee gobolka Shabeelle ayuu ka dhacay dagaalka maanta dib u qarxay ee u dhaxeeya Al-Shabaab iyo ciidamada gaarka ee Dowlad Deegaanka.

Rasaasta ayaa la sheegay in laga maqlayo Feer-Feer oo qiyaastii 20 km u jirta goobta lgu dagaalamaya oo ah gudaha xadka itoobiya.

Lama ogo khasaaraha ka dhashay dagaalkan.

2. Dhiiranaanta Al Shabaab

Dad badan ayaa is weydiinaya sida ay Shabaabka ugu dhiiradeen inay weeraraan saldhigyada ciidammadan.

 “In ciidan meel daggan oo loogu talagaly inay meel difaacaan laga eryo oo laga saara waxay ku tusineysaa diyaargarow la’aan dhinaca Itoobiya ah,” ayuu yiri Axmed Cabsiye oo ah xubin ka tirsan xisbiga Danta Shacabka oo ka jira deegaanka Soomaalida Itoobiya.

“ Sirdoonkii iyoi milatariga Itoobiya oo ku mashquulsan dagaal kale ayaa keentay habacsanaan iyo in uusan jirin ka warqab badan oo ku saabsan dhaqdhaqaaqa Shabaabka ka hor inta aysan weerarka soo qaadin,” ayuu intaasi ku daray Cabsiye oo ka qeybgalayay barnnaamijka Falaanqeynta ee Jimcihii ka baxay laanta Af- Soomaaliga ee BBC-da.

3: Muxuu ahaa u jeedka weerarka Al-Shabaab?

Dowladda federaalka Itoobiya ayaa Al-shabaab ku eedeeysay inay ku biiri rabtay kooxda OLA ee ka hawlgasha gobolka Oromiya ee ugu dadka badan Itoobiya.

“Kooxda argagixisada ah ayaa qorsheyneysay inay u gudbaan degmada Ceelkarri si ay ugu biiraan jabhadda OLF garabka dowladda Itoobiya la dagaalamaya balse uma aysan suurogelin inay gaaraan ka dib markii laga gubay 13 gaari oo ay wateen sidoo kalana laga qabsaday saadkii iyo hubkii ay la yimaadeen, ayay ku warantay warbaahinta dowlad deeganaka oo sii xiganaysa masuuliyiin ka tirsan dowladda.

“Inka badan 100 xubnood oo ka tirsan ururka argagixisada ah ayaa la dilay ka dib 3 maalmood oo uu socday dagaalka”, ayaa lagu yiri warka laga baahiyay telefishinka dowladda.

"Weerarka Shabaab wuxuu qeyb ka yahay qorshe ay Al Shababa iyo OLA iyo TPLF ku doonayana inay xasillooni darro uga abuuraan Itoobiya," ayuu yiri wasiirka warfaafinta itoobiya, Legese Tulu oo la hadlay telefishinka dowladda ee ETV.

4: Deegaannada Soomaaliya ee ay shabaab ka dhaqdhaqaaqaan ee DDS deriska la ah

Deegaannada Soomaaliya ee ay Al-Shabaab ka dhaqdhaqaaqaan oo ka tirsan dowlad goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.

Deegannadaasi ayaa xuduud la leh gobollada deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ee kala ah Shabeelle, Qorraxey, Afdheer iyo Liibaan.

5: Tagidda Furinta hore ee Mustafa

Mustafa

Xigashada Sawirka, SRTV

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mutafa Muxumed ayaa tagay gobolka Afdheer ee uu dagaalka ku dhexmaraya Ciidamada Liyu Booliska iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Waxaa la arkayay sawiiro lagu baahiyay bogga Facebook ee Xafiiska Warfaafinta ee DDS oo muujinaya madaxweyne Mustafa oo salaan, maraxabayn iyo boogaadin la wadaagaya ciidamada.

6: Kaalinta shacabka ee dagaalka

Shacabka oo u gurmanaya ciidana Liyu

Xigashada Sawirka, SRTV

Waxaa la arkayay shacabka dowlad deegaanka oo kaalin muhiim ah ka qaadanayay dagaalka iyagoo ciidamada u qeybinaya raashin iyo cabitaan.

Arrintan ayaa waxaa aad loogu wadaagayay baraha bulshada ee ay Soomaalida ku wada xiriirto.

Soomaaliya oo ah saldhigga Ururka Al-shabaab ayaan weli la arkin dad shacab ah oo gacan siinaya ciidamada dowladda ama kuwa maamul goboleedyada ee dagaalka kula jira kooxda.

7: Kaalinta ciidamada Federaalka Itoobiya

Madaxwayne Mustafe Muxummed Cumar ayaa manta magaalada Godey kula kulmay ciidamada difaaca Itoobiya ee JDFI kuwaas oo la sheegay in ay xoojinayaan ciidamada deegaanka ee Liyu Boolis ee dagaalka kula jira Al-shabaab.

Ma cadda inay dagalaka galayaan iyo deegannanda ay ka dagaalami doonaan, balse waxay leeyihiin awood ka ballaaran Liyu booliska sida inay ku hubeysan yihiin hub culus iyo gaadid sida diyaaradaha dagaalka.

Ciidammada gaarka ah ee gobolka ayaa la sheegaa inay aad u abaabulan yihiin, balse aysan ku hubeysneyn hub culus.