Awoodda ciidan ee Liyuu Booliska Dowlad Deegaanka Soomaalida

Xigashada Sawirka, SRTV Somali
Ugu yaraan labo qof oo rayid ah oo ku jiray xero barakac ayaa ku dhintay isku dhacyo shalay ka dhacay magaalada Debrebirhan ee dalka Itoobiya, xilli ay sii xoogeysanayaan dibadbaxyada ka socda gobolka Amhara ee ka dhanka ah baabi'inta ciidanka Liyuu Boolis.
Bannaan-baxyadan ayaa qarxay toddobaadkii la soo shaafay kaddib markii dowladda Itoobiya ay sheegtay inay qorsheneyso kala rididda Ciidamada Gaarka ah, tallaabadaas oo diidmo ba'an uu ka keenay gobolka Amhara.
Dadka tallaabadan ka soo horjeeda ayaa u aanenaya in gobolku ay ka dhigeyso mid aan iska difaaci karin weerarrada.
Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in isku dhacyadii shalay ciidamada federaalka Itoobiya iyo maleeshiyaadka goboolka ku dhex maray Debrebirhan, oo 130 km waqooyi kaga beegan caasimadda Addis Ababa, ay socdeen saacado.
Ciidamadan gaarka ah oo ismaamullada Itoobiya ay leeyihiin loona yaqaanno Liyuu Boolis, ayaa ilaa iyo haatan waxaa ka soo horjeestay gobolka Amxaarada.
Isniintii, golaha wasiirrada Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa ansixiyey qorshaha lagu meel marinayo dib u habeynta booliska deegaanka lagu sameynayo oo qaybta ka ah qaab dhismeedka amniga qaranka dalkaas.
Shirka 12-aad ee caadiga ah ee golaha wasiirrada deegaanka ayaa dhegeystay warbixin ku saabsan sida la isu waafajinayo qaab dhismeedka amniga qaranka iyo tan dowlad deegaannada.
Deegaanka Soomaalida ayaana sidaa uga mid noqday dowlad deegaannada ansixiyey qaab dhismeedka la doonayo in ciidamada Liyuu Booliska oo kuwa Soomaalida ay ka mid yihiin loo sameeyo.
Warmurtiyeed ka soo baxay xafiiska nabadgalyada DDS waxaa lagu sheegay, ‘dib- u-habeynta ciidanka lagu sameynayo iney ahayn mid baabi’inaysa ama meesha ka saaraysa cududdii jirtay balse ay tahay mid wax ka baddalaysa qaab-dhismeedka, ciidamaddi jirayna ay sii jirayaan iyagoo wax is baddal ah uuna ku imanayn mushaharkooda, tasiilaadka ay haystaan ee kala duwan iyo waajibaadka sugidda amniga ee ka saaran deegaanka.
Haddaba maxay yihiin ciidammada Liyuu Boolis ee Dowlad Deegaanka Soomaalida?
Ciidamada Booliska Gaarka ah ee Dowlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya oo loo yaqaanno ‘Liyuu Boolis’ waa ciidan gaar ah oo uu deegaanku leeeyahay.
Magaca booliska ee ah ‘Lyuu Boolis’ oo ah kalmado af-Amxaari ah micnahiisu waxaa weeye booliska gaarka ah.
Waana ciidan u tababaran sida militariga oo markoodii hore loo aasaasay la dagaallanka jabhadaha deegaankaasi ka dagaallamayey, oo ay ka mid ahaayeen ONLF iyo Al-Itixaad.
Ciidanka Liyuu Booliska deegaanka oo la aasaasay 2007-dii markii la aasaasayey waxaa deegaanka Soomaalida madaxweyne ka ahaa Madaxweyne Cabdullaahi Xasan (Lug-buur).
Balse waxay si aad ah ciidamadaasi u soo caan baxeen xilligii uu deegaanka madaxweynaha ka ahaa Cabdi Maxamuud Cumar oo haatan ku jiro xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa.
Dufcaddii ugu horreysay ee ciidamadaasina waxaa lagu tababaray dugsiyada tababarka ee Jigjiga (Garabcase), Qabri-daharre iyo Godey.
Ciidamadaasi markii ugu horreysay oo la aasayey waxaa tababarkooda qayb ka qaatay dhaqaalana ku taageeray dowladda Ingiriiska inkasta oo markii dambe ay gabi ahaanba xukumadda deegaanka ay tababarkooda iyo xuquuqdoodaba la wareegtay.
Ciidamada Liyuu Booliska Deegaanka Soomalida oo tira ahaan lagu qayaaso 30-40 kun waxay hoos tagaan hoggaanka nabadgalyada deegaanka, waxaana maamulo saraakiil ciidan oo heerar kala duwan.

Xigashada Sawirka, SRTV Somali
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxayna ciidamada Liyuu Booliska ay saldhigyo ku leeyihiin dhammaan 11-ka gobol uu deegaanka Soomaalidu ka kooban yahay, iyaga oo si gaar ahna xoogga u saara ilaalinta xuduudaha deegaanka Soomaalida uu la wadaago dalalka deriska la ah iyo deegannada dalka Itoobiya.
Ciidamadaasi oo ku hubeysan hub isugu jira kuwa fudud iyo noocyada gawaarida lagu rakiba ayaa rasaasta iyo hubka ugu badan ka hela deegaanka Soomaalida.
Waxayna ciidamadaasi ku howl galaan boqollaal hub oo noocya kala duwan isugu jira.
Waxaana ciidamadan xilligi Cabdi Maxamuud Cumar uu xilka hayey loo soo jeedin jiray iney gabood fallo kala duwan deegaankaasi ka geysteen, balse maamulka marka uu isbaddalay ay wax badan iska badashay.
“Khaladaadkii dhacay ee deegaanka ka jiray wuxuu ahaa mid nidaam uu keenay buu ahaa oo nidaam ku yimid mid wiilasha Meesha fadhiya (ciidanku) ay mas’uul ka ahaayeen ma aha runtii, ta inaan ogaanno ayaa nalaga rabaa,” ayuu hadda kahor yiri Madaxweyne Mustafe Muxummed Cumar.
Tababarrada Ciidamadaasina waa kuwo joogta ah oo sanad walba dugsiyada lagu tababaro waxaa ka soo baxa dufcada horleh oo ciidamada ka mid noqdo.
Wixii ka horreeyey madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar uu xilka madaxweynanimada la wareegay waxay ciidamadaasi daacadd u ahaayeen madaxweynihi hore Cabdi Maxamuud Cumar, inkasta oo ciidamadu ay marki dambe noqdeen ciidan deegaanka uu leeyahay xuquuqahoodana loo dhammeystiray.

Xigashada Sawirka, SRTV Somali
Ciidamadaasina waxaa lagu ammaanaa iney kaalin mug leh ay ka qaateen xasiloonida deegaanka Soomaalida iyaga oo marar badan dagaallo la galay Al-shabaab isla-markaana ka hortagay isku dhacyadi faraha badnaa ee deegaanka ka dhici jiray deegaanka Soomalidana ka dhigay inuu noqdo kan ugu nabdoon deegaannada dalka Itoobiya
Sanadkii 2018-ka wixii ka dambeeyey waxaa isbaddalay qaabkii ay u howlgalayeen ciidamada Liyuu Booliska ama bulshada ula dhaqmayeen maadaamaa taliyeyaasha ciidanka la baddalay siyaasaddi deegaankana ay isbeddeshay.












