Ruushka ma wuxuu naf ka soo raadiyay Afrika?

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa maanta booqasho ku tagaya dalka Masar, halkaasoo ay uga bilaabatay booqasho gaaban oo uu ku marayo dalal Afrikaan ah.
Waxa uu doonayaa in uu taageero u ururiyo Moscow maadaama ay reer galbeedka iyo waddamo kale ay ugu careysan yihiin agaalka Ukraine.
Mr Lavrov ayaa lagu wadaa in magaalada Qaahira uu wadahadal kula yeesho dhiggiisa Masar Sameh Shoukry, wuxuuna la kulmi doonaa xubnaha Jaamacadda Carabta.
Masar waxa ay xiriir muhiim ah la leedahay Ruushka, waxa uu usoo dhoofiyaa qamadiga hubka ka hor inta uusan uu bilaabmin duullaankii Ukraine.
Sidoo kale dalxiiseyal badan oo reer Ruush ah ayaa booqda Masar
Mr Lavrov ayaa sidoo kale inta uu socdaalka ku guda jiro u safri doona dalalka Ethiopia, Uganda iyo Congo-Brazzaville.
Bishii Juun Madaxa Midowga Afrika ayaa sheegay in Afrika iyada oo aan waxba galabsan ay dhibane u noqotay dagaalka dalka Ukraine.
Ka dib wadahadalo ka dhacay Sochi, Macky Sall ayaa sheegay in hogaamiyaha Ruushka uu ballanqaaday inuu fududeynayo dhoofinta dalagyada kala duwan iyo waxyaabaha lagu bacrimiyo beeraha.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
In ka badan 40% qamadiga laga isticmaalo Afrika ayaa inta badan ka timaadda Ruushka iyo Ukraine.
Dhanka kale Tan iyo markii uu billowday dagaalka Ukraine warbaahinta adduunku waxa ay il gaar ah ku hayeen dhaqdhaqaaqyada militeri ee Ruushka iyo waddamada uu saamaynta ku leeyahay, kuwaasoo ay ku jiraan qaar badan oo Afrika ka tirsan.
In muddo ahba Madaxweyne Putin wuxuu xoojinayay galaangalka dhanka militeriga ee uu ku leeyahay Afrika, sidoo kale meelo badan oo ka mid ah qaaradda waxaa ka howl gala xoogag calooshood u shaqaystayaal ah oo Ruushka ka socda.
Dalkan horay u hoggaamin jiray Midowgii Soviet waxa uu si hoose u xoojinayay sare u qaadista saamayntiisa, inkastoo dalalka Reer Galbeedka ee uu Mareykanku horkacayo ay walaac ka qabeen waxa uu ka samaynayo gudaha Afrika.
Sanadkii 2019-kii, Madaxweyne Vladimir Putin oo ka qayb galay shirka Afrika Ruushka ayaa sheegay in Afrika ay u tahay mudnaanta koowaad ee siyaasadda arrimaha dibadda.

Xigashada Sawirka, AFP
Dalalka Afrika ee dhawaan sida weyn looga dareemay joojitaanka ciidamada Ruushka waxaa ka mid ah Burkina Faso oo markii bishii January ee sanadkan uu afgambiga ka dhacay laga arkayay calanka Ruushka oo meelaha qaar ka babbanayay.
Bartamihii sanadkii lasoo dhaafay ee 2021-kii, Ruushka waxa uu heshiisyo wadashaqayn militeri ah la saxiixday dalalka Nigeria iyo Itoobiya, oo ah labada dal ee ugu dadka badan qaaradda Afrika.
Si la mid ah Ruushka, Afrika waxaa si xoog leh u daneeya waddamada kale ee ku loollama awoodda, sida Mareykanka, Shiinaha iyo Faransiiska.
Dowladda Mareykanka ayaa horay u ballan qaadday in ay dib u xoojinayso awooddeeda qaaradda Afrika, inkastoo tallaabooyin ciidamada Mareykanka looga qaaday Afrika ay sahleen in dalalka kale ay ka faa'iidaystaan.
Shiinaha ayaa dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha aad uga taageera waddamada Afrika intooda badan, sidoo kale waxa uu sii adkaynayaa saamayntiisa dhinaca militeriga.
Faransiiska ayaa dhankiisa joogteeya inuu ahaado waddanka awoodda militeri ee ugu badan ku leh Afrika, marka la barbar dhigo dalalkii gumaystayaasha.
Haddaba halkee ayay gaarsiisan tahay saamaynta militeri ee Ruushka uu ku yeeshay Afrika?

Sanadihii ugu dambeeyayba Ruushka wuxuu si gaar ah diiradda u saarayay sidii uu galaangal muuqda ugu yeelan lahaa Afrika.
Kaddib markii uu dagaalka u qaaday waddanka Ukraine-na waxa uu dalalkaas ka filayaa in ay taageero u muujiyaan, ama ay ugu yaraan dhexdhexaad ka noqdaan xaaladda markii la iskula soo qaado meelo ay ka mid tahay Qaramada Midoobay, halkii ay garab istaagi lahaayeen dhinacyada kasoo hor jeeda Moscow.
Laga bilaabo Liibiya, Suudaan, Afrikada Dhexe ilaa Mozambique iyo meeo kaleba, Ruushku wuxuu ku yeeshay saamayn la taaban karo, inta badanna waxa uu gacan ka siiyaa la dagaallanka kooxaha fallaagada ah ama ururrada jihaad doonka ah.
Ciidamada Calooshood u shaqaystayaasha ah ee howlgallada lacagta lagu qaato fuliya ee ka socda Ruushka ayaa ku sugan dalalka kala ah Liibiya, Afrikada Dhexe, Mali, Guinea, Angola iyo Suudaan.
Ruushka ayaa Sudan ka doonaya in ciidamadiisa badda ay si toos ah u isticmaalaan Badda Cas, gaar ahaanna waxa ay Moscow danaynaysaa Dekedda Sudan.










