Quruxleydii basaaska ahayd ee diiday in indhaha loo xiro markii la tooganayay

Mata Hari

Xigashada Sawirka, BIBLIOTHÈQUE NATIONALE DE FRANCE

Subaxnimadii 15-kii Oktoobar, 1917-kii, baabuur milatari ayaa ka soo baxay xabsiga dhexe ee Paris, Waxaa saarnaa haweeney 41 jir ah oo u dhalatay dalka Holland, oo xirneyd jaakad dheer iyo koofiyad ballaran.

Markaasi waxaa qarxay dagaalkii koowaad ee aduunka kaas oo dunida wax badan ka badalay balse haweenaydan ayaa markaasi wali aaminsanayd in quruxdeeda ay ka sii shaqeyn karto Yurub.

Haddase nimankii madaxda wax kale ayay ka doonayeen. Waxa ay markaan u baahnaayeen ma ahayn quruxdeeda.

Haweeneydan oo laga sii daayay xabsiga dhexe ee magaalada Paris, ayaa waxaa la oran jiray Mata Hari, waxaana la doonayay in la dilo maalintaas.

Waxaa la sheegay in ay ahayd Basaas soo duufsatay Saraakiisha si ay sir uga hesho oo ay ugu gacan galisay Ciidanka Jarmalka.

Wargeysyada ayaa markaasi daabaci jiray warar sheegayay in kumannaan askari oo ay Mata Hari shirqooshay la dilay.

Balse warbixin kale ayaa ka soo baxday cadaymihii maxkamada la horkeenay.

Runtii waxay ahayd basaas laba dhinc u shaqeyneysay.

Ku dhawaad ​​afar sano ka hor ayay ahayd markii wasaaradda gaashaandhigga Faransiiska ay soo saartay dukumentiyo muujinaya xog cusub oo ku saabsan basaaskii ugu caansanaa taariikhda caalamka, kuwaas oo horay indhaha caalamka looga qariyay.

Waxaa ka mid ah dukumentiyada su'aalo weydiinta Mata Hari ee 1917. Qaar ka mid ah ayaa lagu soo bandhigay Matxafka Fries ee Leeuwarden, oo ah magaaladii Mata Hari ay ku dhalatay ee Nederland.

.

Xigashada Sawirka, MUSEUM OF FRIESLAND COLLECTION, LEEUWARDEN

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dukumeentiyadan waxaa ka mid ah qoraal diblomaasiyadeed ay u dirtay u qaybsanaha militariga Jarmalka ee Madrid ku sugan ee horseeday in la xiro Mata Hari.

Margaret Zelle waxa ay dhalatay 1876 waxyna ku dhalatay magaceeda caanka ah, Mata Hari.

Iyadoo da’yar ayay guursatay balse ninkii waa ay kala tageen laakiin waxay caan ku noqotay qoob ka ciyaarka magaalada Paris.

Hans Gruenweg, oo ah maamulaha Matxafka Fries, ayaa yiri: 'Mata Hari maanta waa la xasuusan lahaa xitaa iyada oo aan la soo bandhigiyeynin wixii ay ku sameysay caasimadaha Yurub bilowgii qarnigii hore.

"Waxay si qurux badan u hindistay qoob ka ciyaarka xariijimaha. Waxaan haynaa sawiradeedii iyo nuqulada jariiradii wax ka qori jiray. Waxay ahayd qof aad caan u ah marka loo eego waqtigeedii.'

Maanta Mata Hari waxa lagu xasuustaa basaasnimo oo kaliya. Taariikhyahano badan ayaa u soo baxay difaaceeda sanadihii la soo dhaafay. Qaar ayaa sheegaya in taariikhdeeda loo duugay sababo la xiriira guuldarrooyinkii isdaba jooga ahaa ee dowladda Faransiiska ee dagaalka.

khuburada qaar ayaa sheegay in ay fududahay in la beegsado Mata Hari sababtoo ah waxaa lagu eedeeyay 'dhaqan xun', taas oo keentay inay noqoto cadawga Faransiiska.

Dukumiintiyada cusub ayaa muujinaya in Mata Hari ay xiriir la sameeysay Arnold von Kalle, u qeybsanaha militariga Jarmalka ee Madrid isla markaana waxay sidoo kale u shaqeyneysay sirdoonka Faransiiska hadafkeeduna wuxuu ahaa raadinta shabakadaha Jarmalka.

Nasiib darro, waxaa dhacday in Arnold von Kalle uu farriin u diray Jarmalka taasoo keentay in Mata Hari ay argagaxdo. Waxaa lagu xusay inay tahay basaas Jarmal ah oo lagu magacaabo H21.

Waxa ku jiray ciwaanka, faahfaahinta bangiga, xataa magaca adeegaha oo ahaa Mata Hari. Maamulka Faransiiska wax dhib ah kalama kulmin qirashada in basaas H21 ay dhab ahaantii ahayd Mata Hari.

Dukumeentiyada sidoo kale waxaa ku jira qirashada Mata Hari. Waxay u sheegtay dadkii su’aalaha weydiinayay inay dhab ahaantii ahayd basaas Jarmal ah, balse keliya ay lacag darteed u samaysay hase yeeshee hadalkeeda lama rumaysnayn.

12-ka

Xigashada Sawirka, PA Media

Waxaa la keenay Chateau de Vincennes oo ku taal duleedka bari ee Paris, halkaas oo 12 askari oo qoryo sita ay ku sugayeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Mata Hari ay diidday in indhaha laga xiro markii la tooganayay ka dib 12-kii askari ayaa mid walba hal xabo ku dhuftay ka dibna waa ay jilbojabsatay.

Ma jiro qof u yimid meydka Mata Hari. Waxaa lagu wareejiyay kuliyada caafimaadka ee Paris halkaas oo ay seynisyanada baraatiko ku sameyn jireen. Madaxeeda waxaa lagu keydiyay Matxafka Anatomy. Si kastaba ha ahaatee, 20 sano ka hor halkaas ayaa laga waayay.