Halkey ku dambeysay xiisaddii Masar iyo Itoobiya, maxaase la gudboon Soomaaliya?

Madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-Sisi oo la kulmay dhiggiisa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud isbuucan ayaa sheegay, inay ka wadahadleen sidii heshiis looga gaari lahaa buuxinta iyo ka shaqaynta biyo-xireenka, sida ay tebisay warbaahinta maxalliga ah ee Masar.
Hase yeeshee, afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Cabdikariim Cali Kaar, oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in labada hoggaamiye aysan si gaar ah uga hadlin arrinta biyo-xireenka.
Haddaba maxaan ka ognahay muranka webiga Niil?
Muranka soo jiitamayay ee u dhexeeya Masar, Suudaan iyo Itoobiya ee ku saabsan biyo xireenka weyn ee laga dhaliyo korontada ee ay Itoobiya ka dhisayso webiga Niil ayaa u muuqda mid aan weli xal laga gaarin.
Masar, oo ku tiirsan gebi ahaanba wabiga Niil biyihiisa, waxay u aragtaa arintan mid saameynaysa. Masar iyo Suudaan labaduba marar badan ayay ku baaqeen dhexdhexaadin caalami ah oo khilaafka lagu soo afjaro.
Biyo xireenka weyn ee ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Niil dhismahiisa marka la soo gabagabeeyo waxaa laga dhalin doonaa ilaa iyo 6,500 oo Mega Wat oo koronto ah.

Xigashada Sawirka, Reuters
Xagguu ku dambeeyay Murankii Niil
Muranka Niil ayaa taagan muddo ka badan 10 sano murankaasi oo u dhaxeeya dalalka Masar, Itoobiya iyo Suudaan.
Suudaan oo markii hore u muuqatay mid dhexdhexaad ah ayaa si lama filaan ah aragtideeda u baddashay.
Aragtida Suuddaan waxay si weyn isu beddeshay markii ay Itoobiya sheegtay inay billaabeyso buuxinta biyo xireenka maadaamaa aan laga heshiin hannaanka buuxinta biyo-xireenka loo maraya muranka xooggiisana uu arrinkaa salka ku hayo.
Wadahadallo xal lagu raadinayey oo marar badan dhacay ayaa natiijo la’aan ku soo dhammaaday.
Horraantii bishii Luulyo ee 2021-kii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa seddexda dal ugu baaqay in miiska wadaxaajoodka lagu soo laabto.
Mareykanka iyo Midowga Afrika waxay isku dayeen iney dhinacyada muranka uu ka dhaxeeyo ay dhexdhexaadiyaan, balse mira dhal ma noqonin.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Yaa iska leh webiga Niil?
Biyo-xireenka weyn ee ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Niil waxaa isku haya dalaka Itoobiya, Masar iyo Suudaan.
Itoobiya oo biyo xireenka dhiseyso waxay Masar ku eedeysay "iney ku adkeysaneyso taariikhda xuquuqiga ah ee ay isku siineyso webiga."
Xuquuqaha ay Masar isa siineyso ayaa waxay salka ku hayaan guumeystihii Britain oo 1929-kii u aqoonsaday Masar: "Dabiici ahaan iyo taariikh ahaanba in ay Masar xaq u leedahay biyaha wabiga Niilka".
Wuxuu sida oo kale Masar xaq u siinayaa iney leedahay awood ay ku hor istaagto mashruuc kasta oo wabiga Niil laga dhiso.
1959-kiina, dalalka Masar iyo Suudaan waxay saxiixeen heshiis ay labada waddan ku qaybsanayaan kheyraadka wabiga, iyada oo heshiiskoodaasi uu dhigayo in Masar ay yeelaneyso xuquuqda ugu badan ee ka faa'ideysiga wabiga.
Balse heshiiska ay labada dal wada galeen laguma xusin 9-ka dal ee uu wabiga Niil maro oo ay Itoobiya ka mid tahay.
Biyo xireenkii Itoobiya dhismihiisa xaguu marayaa?
Biyo xireenka weyn ee ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Niil oo dhsmahiisu soo billaawday 2011-kii weli wuu socdaa. Ilaa iyo hadda waxaa la dhameystiray 60%.
Inkastoo muranka biyo-xireenka uu weli taagan yahay, haddana Itoobiya waxay sii waddaa dhismaha iyo buuxinta biyo-xireenka iyada oo buuxintii labaad sanadkii hore dhammeystirtay, buuxinta seddexaadna billaabeyso bisha Agoosto ee soo socota.
Tallaabbadaasi waxaa si weyn uga carooday dalalka Masar iyo Suudaan oo aan ku qanacsaneyn dhismaha biyo-xireenkaasi.
Itoobiya waxay marar badan sheegtay inay diyaar u tahay in ay ka qeyb gasho wadahadal kasta oo khilaafka xal loogu raadinayo.

Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA
Maxaa ku jaban inay Soomaaliya ka hadasho khilaafka Niilka?
Dowladda Soomaaliya ayaa caddaysay mowqifka ay ka taagan tahay khilaafka webig Niilka ee u dhaxeeya Itoobiya oo dhinac ah iyo Masar iyo Suudaan oo dhinaca kale ah.
“Mowqifka dowladda Soomaaliya waa in si nabad ah looga wada faa’iidaysto biyaha webiga, iyadoo la raacayo xeerarka caalamiga ah iyo heshiisyadii caalamiga ahaa,” ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Cabdikariim Cali Kaar.
Haddaba waxaa la is weydiinayaa hadii aan laga hadlin arrinta khilaafka webiga Niil maxaa ku qaadya madaxweynaha Masar inuu shirka jaraa'id ka sheega inay arrintaasi isla soo qaadeen isaga iyo Xasan Sheekh.
"Madaxda Adduunku marka ay kulan yeeshaan kadib waxa ay warbaahinta iyo shucuubtoodaba la wadaagaan wixii ay islasoo qaadeen iyo qodobadii ay isku afgarteen. Suurtogal ma ahan in iyaga oo is garabtaagan uu midkood iskii u alifo wax aan miiskaba lasoo saarin. Waxii uu dhinac sheegana waa dhab haddii aanu kan kale kasixin oo isla goobta ka sheegin in uu saaxiibkii sibqaday,” ayuu yiri Cabdirisaaq Cilmi oo ka faallooda arrimaha Geeska Afrika.

Xigashada Sawirka, Villa Somalia
Wuxuuna intaasi ku daray in looga baahan yahay xukumadda Xasan Sheekh inaysan ku milmin colaadda u dhexeysa laba dal oo muhiim u ah Soomaaliya
"Waxaana ay u baahanyihiin talo ku aaddan tubta ay qaadayaan iyo qaabka ay ula dhaqmayaan waddamada ay dhibaatadu dhextaallo ee iyaguna doonayaan in ay lawada tacaamulaan oo ay kaashadaan si aanay dabin dhigan ugu dhicin," ayuu yiri.
Haseyeeshee, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa sheegay in aysan waxba ku jabnayn in Soomaaliya iyo Masar ay ka wada hadlaan arrimo uu ka mid yahay webiga Nile.

“Waa caadi in waxa dal dhibaya oo welwel ku haya ay dal kaloo ay saaxiib yihiin kala hadlaan. Sida aan wada ognahay, biyo xireenkan korontada dhaliya ee ay Itoobiya samaysay waxaa dareen badan iyo diidmo ka muujiyay dalalka Masar iyo Suudaan oo ku dooday inay tallaabadaas waxyeelayso, maaddaama ay yihiin dalalka ay biyahaas ku dhacayaan oo aan ahayn kuwa ay webiyada ka yimaadaan.”
Waxa uu intaas ku daray in “Soomaaliya aysan ku qaldanayn haddii ay Masar kala hadasho arrimaha khuseeya webigaas”. Laakiin, waxa uu intaas ku daray in Masaaridu ay albaab kasta u garaacayaan sidii ay Itoobiya ugala heshiin lahaayeen arrinta biyo-xireenka, balse waxa ugu wanaagsan ay tahay in labada dhinac si siman loogu kala dab qaado.












