"Intaad doonto qaado": Shirkad miis ka buuxisay lacag malaayiin ah, ka dibna shaqaalaha u fasaxday inay qaataan wixii ay qaadan karaan

.

Xigashada Sawirka, Chosun Daily

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Shirkad Shiineys ah ayaa miis ku soo ururisay lacag u dhiganta 26 milyan oo doolar oo kaash ah xafladeeda dhamaadka sanadka, taasoo u ogolaatay shaqaaluhu inay guryahooda la aadaan inta ay qaadi karaan.

Shirkadda, Henan Kuangshan Crane, ayaa qabatay xafladeeda sannadlaha ah 13-kii Febraayo waxayna dul dhigtay lacag caddaan ah 800 oo miisaska cuntada ah oo la isku xiriiriyey.

Hoostooda, nalal dhalaalaya oo midab leh ayaa laga shiday, shaqaalaha ayaana la arkayay iyagoo faraxsan oo indhaha ku haya lacagta miiska saaran.

Dad lagu qiyaasay 7,000 oo qof ayaa ka soo qayb galay dabaaldegga shirkadda.

Mid ka mid ah shaqaalaha ayaa ku guuleystey inuu gurigiisa la aado lacag u dhiganta $13,000 oo ah lacag caddaan ah, sida uu sheegay wargeyska Chosun Daily.

Intii lagu guda jiray xafladdii shirkadda, madaxa shirkadda, Cui Peijun oo ah madaxa shirkadda, ayaa la sheegay in uu yiri: "Maxaan u bixinaynaa mashiinnada dharka? Ma waxay kula tahay in qiimaha dahabku kor u kacay?

„Sanadihii hore, waxaan bixinnay silsilado iyo faraantiyo, waxaan soo qaadnay lacag caddaan ah oo qof walba siinay 20,000 yuan ($ 2,800)".

Waxa uu ka hadlay habka aan caadiga ahayn ee gunnooyinka loo qaybiyo: "Dadka qaar ayaa weydiiya sababta aannan lacagta ugu wareejin xisaabtooda, laakiin habkaas, waa lambarro qabow" ayuu yiri.

Cui waxa uu haystaa boqolkiiba 98.88 saamiyada shirkadda, isaga oo si wax ku ool ah ugu soo celinaya qayb weyn oo ka mid ah faa'iidooyinkiisa shaqaalaha.

Shirkadda, oo samaysa oo kiraysa wiishashka, waxa la aasaasay sannadkii 2002, waxaanay hawlo ganacsi ku leedahay in ka badan 130 waddan.

Waxay leedahay taariikh deeqsinimo ku wajahan shaqaalaheeda.

2024, shirkadu waxay diiwaan galisay faa'iido saafi ah oo dhan $38 milyan, taas oo ku dhawaad $24 milyan la siiyay shaqaalaha.

Sannadkii 2023, shirkaddu waxay siisay $8.5 milyan 40-ka shaqale ee ugu shaqada badan, iyadoo saddexda qof ee ugu wax iibsiga wanaagsani midkiiba uu helay $730,000.

.

Xigashada Sawirka, Elephant News

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Si loogu dabaaldego maalinta caalamiga ah ee haweenka bishii Maarso ee la soo dhaafay, waxay gunooyin dhan ku dhawaad $230,000 siisay ku dhawaad 2,000 oo shaqaale dumar ah.

Peijun ayaa horay uga hadlay waxa ku kalifay in uu lacag badan siiyo shaqaalihiisa: "Ma ahan in aan jeclahay in aan lacag bixiyo, ee waa in dhalinyaradu ay culays ka haystaan deyn baabuur iyo deyn haftooyin loo bixiyo, sidaa darteedna gargaar kasta oo aan bixin karno aannu ku caawinno".

2022, wuxuu siiyay $4.7million in ka badan 4,000 oo arday jaamacadeed ah oo ka soo jeeda asal ahaan qoysas dakhligoodu hooseeyo.

Sida laga soo xigtay South China Morning Post Peijun qudhiisa ayaa lagu qasbay in uu gooyo waxbarashadiisa gaarka ah maadaama qoyskiisu aysan awoodin kharashka.

Waxa uu yiri isaga oo ka hadlaya waxqabadkiisa samafal: "Ma aha in faqriga aan loo gudbin jiilka soo socda. Waa inaan laga joojin inay dugsiga tagaan oo aanay taa hor istaagin duruufo nololeed oo liita awgood".

Sida laga soo xigtay xogta Bangiga Adduunka, Shiinuhu wuxuu ka sare maray UK iyo Mareykanka labadaba marka loo eego kobaca GDP sanad walba tan iyo 1977.

Sannadkii 2024 Shiinuhu wuxuu gaadhay kobac sannadle ah 5 boqolkiiba. Maraykanka waxaa soo maray kobac boqolkiiba 2.8 ah, halka UK uu soo maray koror 1.1 boqolkiiba ah GDP.