Dhegeyso: Tirada dadka u dhimanaya abaarta ka jirta Soomaaliya oo sii kordheysa

Qoraalka Codka,
Dhegeyso: Tirada dadka u dhimanaya abaarta ka jirta Soomaaliya oo sii kordheysa

Xaaladda abaarta ee Soomaaliya ayaa maraysa heer aad u daran iyadoo wararka soo baxaya ay sheegayaan in ay kordhayso tirada dadka u dhintay mushaakilka ay abaartu keentay.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in kiisas dhimasho ah laga soo sheegay deegaannada Jubbaland.

Ila hadda waxaa la xaqiijiyey in dad gaaraya 10 ay ku dhinteen deegaannada Jubbaland sida ay BBC u xaqiijiyeen maamulka Jubbaland, ayadoo shalayna kiis geeri ah laga soo sheegay gobolka Mudug.

Wasiirka arrimaha Bini'aadantimada iyo maaraynta Musiibooyinka ee Jubaland Cabdiraxmaan Maxamed Dhiriq ayaa khadka taleefanka ugu warramay Cabdishukri Haybe isaga oo sheegay in ay deegaannadaas qarka u saaran yihiin in looga dhawaaqo macaluul.