Masiibo laga sii digay oo hadda laga soo sheegay Soomaaliya

Xigashada Sawirka, CNS
Inta la ogyahay 5 qof ayaa gaajo iyo oon ugu geeriyoodey qaybo ka mid ah gobolka Gedo ee Soomaaliya, halkaas oo ay ku habsatay abaar daba-dheeraatay.
Dadka dhintay oo sida la sheegay sedex ka mid ah ay carruur ahaayeen, ayaa ka soo kala jeeday qoysas barakacayaal ah oo ku dhaqan xero la yiraahdo Iftin oo ku taal degmada Baardheere.
Nuunow Liibaan Xasan oo ah aabaha seddexda ilmood ayaa BBC-da u sheegay in carruurta ay soo food saartay gaajo iyo nafaqo-darro u nugleysey cudurro kala duwan, sida jadeeco iyo haragab.
Nuunow ayaa sheegay in abaaraha daba-dheeraaday dartood, ay dadweynaha barakacayaasha ah oo u badan kuwo abaaro hore ku xoolo belay aysan haysan cunto iyo biyo ku filan in ay nolosha ku maafreeyaan.
"Markii hore dadkani waxay wax ka heli jireen hay'adaha gargaarka, sida WFP. Laakiin muddo afar bilood ah wax gargaar cunto ama taageero kale ah lama helin", ayuu yiri Nuunow oo ka hadlayey daruufaha adag ee dhanka nolosha ah ee la soo dersay barakacayaasha Baardheere.
Geerida Saddexdan carruurta ah iyo labo kale oo miyiga ku geeriyoodey ayaa waxaa xaqiijiyey Hay'adda Mareynta Masiibooyinka Qaranka ee magaceeda loo soo gaabiyo SODMA.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Guddoomiyaha SODMA, Maxamud Macallin Cabdulle oo BBC-da la hadlay ayaa ka dayriyey xaaladda nafaqadarro ee ay wajahayaan qaar badan oo ka tirsan carruurta Soomaaliyeed ee abaarahu saameeyeen.
"Dalku wuxuu ku jiraa xaalad adag oo ka dhalatay abaar baahsan oo dadka iyo duunyada saamaysay, taas oo keentay in dad ka badan labo milyan oo qof ay cunto la'aan hayso, islamarkaana ay nafaqo darro baahsan ay jirto.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xaaladdan abaareed oo camimtay guud ahaan gobolka Geeska Afrika ee Soomaalidu degto ayaa ku soo beegantay xilli uu yaraaday gargaarkii bini'aadamnimo ee laga heli jirey dibadda, ka dib markii dalka Mareykanka oo ahaa kan ugu gacanta weynaa deeq-bixiyeyaashu uu jeebka dhuuqsaday.
"Abaaruhu wey dhici jireen, laakiin waxaa nooga sii daray adduunka oo goostay dhaqaalihii uu ku bixin jirey hawlaha samafalka, iyadoo dalalka qaar ay goosteen halka qaarka kalena si weyn u dhimeen", ayuu yiri Maxamud Macallin oo si weyn uga dardaar weriyey xaaladda cunto yarida ee dalka ka jira.
"Abaartu waxay saameysay 74 degmo oo ka tirsan Soomaaliya, kuwaas oo 44 degmo oo ka mid ah, kuna firirsan dalka oo idil, laga soo billaabo Saylac illaa Afmadow, ay ugu sii daran yihiin," ayuu yiri Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya.
Waa dhimashadii ugu horreysey ee ka dhalatay abaaraha ku habsaday Soomaaliya oo in-dhawaalahan la xaqiijiyey, taas oo imaaneysa xilli ay soo baxayaan digniino isdabajoog ah oo ku aadden xaaladda bani'aadannimo ee Soomaaliya oo gaartey heer halis ah.
Soomaaliya ayaa waxaa wakhtigan ka jirta xaalad cunto yari aad u cakiran, taas oo saameyn weyn ku leh malaayiin qof, sida ay sheegtay hay'adda World Food Programme (WFP).

Xigashada Sawirka, AFP
Laba xilli-roobaad oo gu' iyo dayr ahaa ayaan la helin roobkii la filayey, colaado iyo amni-darro baahsan ayaa weli taagan, waxaana kumannaan qof ay ka barakaceen guryahooda iyagoo raadinaya hoy, cunto iyo adeegyo aasaasi ah.
Ross Smith, Agaasimaha Qorsheynta Degdegga iyo Ka Jawaabista WFP, oo maanta ka hadlay shir jaraa'id oo ka dhacay Geneva, ayaa sheegay in gargaarka cuntada iyo nafaqada ee WFP uu halis ugu jiro in uu istaago toddobaadyo gudahood haddii aan la helin maalgelin degdeg ah. "Dunidu waa inay u jeedsataa malaayiinka haween, rag iyo carruur nugul ee ku dhibaataysan Soomaaliya. Nasiib darro, tani ma aha markii ugu horreysay ee aan xaaladdan wajahno," ayuu yidhi Smith.
WFP waxay muujisay in xogaha hadda la helay ay muujinayaan in xaaladdu ay sii xumaatay. "Qiyaastii rubuc ka mid ah dadka dalka ku nool – 4.4 milyan – ayaa wajahaya heerar macaluul ama ka sii daran (IPC3+)," ayuu Smith sheegay.













