'Maxay in Iran la weeraro uga qatar badan tahay qabashadii Madura?' - New York Times

Iran

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Dib-u-eegisga wargeysyada, waxaan ku soo bandhigaynaa fikradaha ka hadlaya xiisadaha sii kordhaya ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iran, oo ay ku jiraan falanqayn ku saabsan in weerar lagu qaaday Tehran uu ka khatar weyn yahay weerarkii lagu xiray madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro.

Maqaal fikrad oo ah uu daabacay wargayska "The New York Times" oo ay qoreen Abdul Latif Daher iyo Samuel Granados oo cinwaankoodu yahay "Maxay in Iran la weeraro uga khatar badan tahay qabashada Maduro?"

Labada qoraa waxay ku bilaabayaan inay soo jeediyaan in awooda militari ee Iran ee baaxadda leh, oo ay weheliso ciidamada xulafada la ah ee gobolka, ay ku riixi karto Mareykanka dagaal daba dheeraada oo aan markiiba soo afjarmin.

Qorayaasha ayaa sheegay in markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay bishii Janaayo ee la soo dhaafay in "markabka" Mareykanka uu ku wajahan yahay Iran, uu barbar dhigay howlgalkii xoogga badnaa ee loo adeegsaday weerarkii ciidamada Mareykanka ay ku qaadeen Venezuela ee horseeday qabashada Maduro iyo xaaskiisa.

Waqtigan xaadirka ah, sida laga soo xigtay qorayaasha, halka Trump uu tixgelinayo dhowr qaab oo ay wax u dhici karaan oo ay ka mid yihiin weeraro aan sidaas u waynayn oo dhaca, khubaradu waxay ka digayaan in weerar kasta oo Iran lagu soo qaado uu noqon doono mid aad u adag marka loo eego hawlgalka Venezuela oo uu u horseedi karo Maraykanka khilaaf daba dheeraada, sababtoo ah Iran waxay leedahay awoodo ciidan oo aan la iska indha tiri karin, iyo sidoo kale shabakado ka mid ah ciidamada isbahaysiga ee gobolka kuwaas oo taageeri kara iska caabin joogto ah in muddo ah.

Iran vs US

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qorayaashu waxay ku doodayaan in, si ka duwan wixii ka dhacay Venezuela, Trump uu u muuqdo inuu tixgelinayo suurtagalnimada hawlgal ballaaran oo militari, isagoo aan si cad u sheegin ujeeddooyinka loogu talagalay, laakiin wuxuu caddeeyay inuu doonayo inuu ka hortago Iran inay sameysato hubka nukliyeerka, isagoo is leh in isbeddel lagu sameeyo nidaamka talada u haya Iran uu yahay "waxa ugu wanaagsan ee haatan dhici lahaa."

Halka hawada Venezuela uu ka maqnaa nidaamka difaaca ka hor weerarka Mareykanka, Iran waxay heysata mid ka mid ah hubka ugu weyn uguna kala balaaran Bariga Dhexe, sida ay qabaan khubarada gobolka.

Hubkan ayaa waxaa ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo kuwa lidka maraakiibta, balse ilaa hadda lama garanayo inta ay le'eg yihiin gantaallada u kaydsan kaddib 12 maalmood oo ay iskahorimaad la galeen Israa'iil bishii June.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Qorayaashu waxay soo xiganayeen Sanam Vakil, oo ah agaasimaha barnaamijka Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika ee Chatham House, kaas oo xusay in istaraatiijiyadda Tehran ay tahay "in ay si degdeg ah ay colaadda iyo xasillooni darrada ugu fidiyaan inta badan gobolka, si kharashyada iyo cawaaqib xumada ka dhalanaya dagaalka uusan kaligood ugu koobmin."

Wadamada Khaliijka oo uu saldhigyo ku leeyahay Mareykanka ayaa sidoo kale ka walaacsan weerar kasta oo ciidamada Mareykanka ay geystaan ​​oo keeni kara weeraro aargoosi ah oo Iran ay ku qaado dhulkooda.

Bishii Janaayo, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka, oo ah xulafada Washington, ayaa ku dhawaaqay inay diideen in hawadooda loo isticmaalo weeraro.

Si kastaba ha ahaatee, sida ay qabaan khubarada, mowqifkani wuxuu ku filnaan karaa inuu ka ilaaliyo jawaab kasta oo Iran ka imaan karta.

Qorayaashu waxay aaminsan yihiin in inkasta oo qaar badan oo ka mid ah xulafada Iran ee gobolka ay la kulmeen dharbaaxooyin aad u wiiqay, haddana ay dhici karto in ay ka aargoostaan ​​oo ay beegsadaan ciidamada Maraykanka iyo xulafadooda, tallaabadaas oo keeni karta in colaaddu ku fido meelo badan oo ka baxsan xudduudaha Iran.

Qorayaashu waxay sharxayaan in Maraykanku uu ku qaaday Venezuela duullaan si wanaagsan loo fuliyay kaas oo horseeday in la xiro Maduro laba saacadood gudahood.

Si kastaba ha ahaatee, in la afgambiyo maamulka Iran maahan arrin fudud oo ku eg in meesha laga saarayo hoggaamiyaha sare oo kaliya. Awoodda dhabta ah ee Tehran waxay ku jirtaa caqiidada biya dhigtay dadka taa oo ay u sii dheertahay mawjadaha siyaasadeed ee xooggan, ee lagu xoojinayaa qaab-dhismeed kaligii-taliska ah ee soo jiray muddo nus qarni ku dhow.

Sidoo kale, halka ay ku taallo Tehran oo 400 oo mayl u jirta gacanka cadmeed ayaa ka dhigaysa mid aad u adag in ciidamada Maraykanku ay si toos ah u gaaraan oo ay xiraan madaxda Iran, marka la barbar dhigo hawlgalka Venezuela oo 10 mayl oo keliya u jira badda Caribbean-ka, sida ay khubaradu sheegeen.

Qorayaashu waxay qoraalkooda ku soo gebagebeeyeen in Iran ay hore ugu hanjabtay inay xiri doonto marinka Hormuz, taasoo khalkhal gelin doonta mid ka mid ah marinnada ugu muhiimsan ee maraakiibta shidaalka, sidoo kalena keeni karta in qiimaha saliidda in uu sare u kaco.