Haayada gargaarka oo ka digaya xaaladda Soomaaliya kaddib qarash yaraanta ay wejahayaan

Xigashada Sawirka, OCHA/Yao Chen
Haayadaha gargaarka Soomaaliya ayaa ka digaya xaaladda halista ee gargaarkii Soomaaliya ay gaadhsiin jireen wejahayo, marka loo eego, sida waddammo badan ay oo Maraykanku ugu mudnaa ay u dhimeen maaliyaddii kaga bixi jirtey waaxdaas.
Qaybta gargaarka bani'aadamnimo ayaa wajahaysa jaritaan iyo yaayn dhaqaale oo aan hore loo arag, taas oo ku qasbeysa Qaramada Midoobay iyo haayadaha ay bahwadaagta yihiin inay si weyn u dhimaan barnaamijyadoodii iyo gargaarkoodii badbaadinta nolosha, taasoo khatar gelinaysa malaayiin qof oo dunida dacaladeeda ku nool.
Labadii bilood ee la soo dhaafay waxaa lagu bixiyay dib-u-habayn lagu sameynayo qaabka looga falceliyo xaaladaha bani'aadamnimo, si waafaqsan qorshaha "Humanitarian Reset" oo uu shaaciyay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Gargaarka Bani'aadamnimo iyo Isku-duwaha Gargaarka Degdegga ah, Tom Fletcher.
Somalia gudaheeda, haayadahagargaarka bani'aadamnimo ayaa dib u qiimeyn ku sameeyey mudnaanta shaqadooda, iyada oo Qaramada Midoobay iyo haayadaha bahwadaagta la ah ee ka howl gala dalka ay hadda bartilmaameedsanayaan 1.3 milyan oo qof – taas oo ka dhigan hoos u dhacay ahin ka badan 70% marka la barbardhigo 4.6 milyan oo qof oo markii hore loogu talagalay in la gaadho sanadka 2025.
Qorshaha dib u qiimaynta ayaa ku kacaya $367 milyan oo doolar, taasoo ah hoos u dhac dhan 74% marka la barbar dhigo $1.4 bilyan oo horay ay u codasadeen sanadkan.
Tani micnaheedu ma aha in baahiyaha bani'aadamnimo ee guud ee Soomaaliya ka jiray ay is dhimeen oo natiijo fiican laga gaadhay; balse, maadaama ay jirto yaraanta iyo dhimidda weyn ee maalgelinta caalamiga ah, Qaramada Midoobay iyo haayadaha la halmaalaa waxay diiradda saarayaan adeegsiga dhammaan kheyraadka la heli karo si gargaarka ugu muhiimsan loogu gaadhsiiyo dadka ugu nugul.
Dhammaan baahiyaha iyo jawaabaha lagu qeexay Qorshaha Baahiyaha iyo Jawaabta Bani'aadamnimo ee 2025 waa kuwo wali sax ah oo degdeg ah.
Haddii maalgelin dheeraad ah la helo, howlaha ayaa la ballaadhin doonaa si loo gaadho dhammaan dadka loo bartilmaameedsaday sidii markii hore loo qorsheeyay.
Somalia wali waxay la tacaalaysaa xaalad bani'aadamnimo oo aad u daran: Sanadkan, ku dhowaad 6 milyan oo qof ayaa u baahan gargaar bani'aadamnimo, sababtoo ah saameynta ay reebeen dhabar-jebinta cimillada soo noqnoqonaysa, colaadaha, dhalashada cudurrada faafa, iyo barakaca.
Soomaaliya maxay uga dhigan tahay joojintii USAID?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Soomaaliya maadama muddo burbursaneed isla markaana dadkeedu inta badan ku tiirsanyihiin gargaarka dibadda waxaa la rumeysanyahay in USAID ay tahay hay'adda ugu weyn ee gacan siin jirtay.
"USAID waxay ahayd hay'adda ugu weyn ama hay'adaha gargaarka oo dhan ay ku tiirsanyihiin oo kuwa Qaramada Midoobey ay ka mid yihiin, dowladda Soomaaliya ay ku tiirsaneed, ganacsatada yaryar, beeraleyda iyo xoola dhaqatadana ay mashaariic u sameysay," ayuu yiri Abuukar Sheekh Axmed Al-Badri oo ah suxufi kana soo shaqeyay arrimaha horumarinta hay'adaha gargaarka.
Wuxuu intaa ku daray in deegaannada dowladda Soomaaliya ay ka qabsatay al-Shabaab ee laga sameeeyo barnaamijka xasilinta ay USAID tahay hay'adda qaybta ugu weyn ku leh howshaas.
Abuukar ayaa muujiyay in haddii aan la helin wax u badala deeqihii dadka Soomaaliyeed ay ka heli jireen hay'addan, la filan karo culeys khatar ah oo ku yimaada dadka Soomaaliyeed.
"Deeqaha ay meesha ka bixiyeen ilaaa la helo wax u badala dadkii ku tiirsanaa ee Soomaaliyeed ee gargaraka u baahnaa, xaalad khatar ah ayaan filan karnaa," ayuu yiri Abuukar AL-Badri.
Wuxuu intaa raaciyay in dowladihii kala dambeyay ee soo maray dalka Soomaaliya, ay ka gaabiyeen in ay u diyaar garoobaan haddii ay ha'ddaani meesha ka baxdo waxa u badeli kara maadaama dad badan oo Soomaali ah ay siyaabo kala duwan ugu tiirsanyihiin.













