Xalka Qasa qayb maka yahay Shirka Jaamacada Carabta ee ay Soomaaliya ka qeyb galeyso?

Jaamacada carbta

Xigashada Sawirka, Reuters

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qayb ka ah madaxda ka qayb galaysa shirka Jaamacada Carabta ee maanta oo Sabti ah Maajo 17, 2025 ka furmaya caasimada dalka Ciraaq ee Baqdaad.

Shirka oo ah meertadii 34aad ayaa lagu gorfayn doonaa xal waara oo loo helo xasaradaha kala duwan ee ka aloosan dalalka carabta, iyada oo arimaha Qasa ay tahay tan ugu weyn ee looga wada hadlayo xalkeeda.

Soomaaliya oo shirka uu ku matalayo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sida warbaahinta dowladu sheegtay uu ku soo bandhigi doonaa dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo Daacish oo dowladiisu ay dagaal kula jirto.

Waxaa inta uu ku sugan yahay Baqdaad uu madaxweynuhu kulamo doceedyo la qaadan doonaan madaxda ka qayb galaysa shirka Jaamacada Carabta, sida ay sheegtay warbaahinta dowlada Soomaaliya.

Kali ah Shan ka mid ah ilaa 22 hoggaamiyaye ayaa la xaqiijiyay tagitaankooda Baqdada, kuwaasi oo kala ah Amiirka Qadar Tamim bin Hamad bin Khalifa Al Thani, Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas, Madaxweynaha Masar Cabdifataax Alsisi iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Soo dhoweynta Madaxweyne Xasan ee Baqdaad

Xigashada Sawirka, facebook

Arimaha Falastiinta iyo xaalada Qasa

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa ka mid ah madaxda gaaray Baqdaad Jimcihii. Ra'iisul wasaarihiisa ayaa u sheegay warbaahinta Ciraaq in shirkan si weyn looga hadli doono arimaha Qaza iyo guud ahaan qadiyada Falastiin.

"Shirkan waxa uu si weyn uga hadli doonaa qadiyadda Falastiin, waxaana laga soo saari doonaa go'aamo wax ku ool ah oo looga gol leeyahay in lagu soo afjaro dagaalka Qaza, lana dardargeliyo dhismaha dowlad madax-banaan oo ay leedahay Falastiin'' Ayuu yiri Mustafa.

Ra'iisul wasaaraha ayaa intaas ku daray inay "rajeyneyaan in shir madaxeedka Baqdaad uu gacan ka geysan doono hirgelinta waxyaabihii lagu heshiiyey intii uu socday shirkii Qaahira, gaar ahaan arrimaha ku saabsan xabbad-joojinta iyo dib u dhiska Qaza, marka lagu daro diyaarinta shirka dib u dhiska ee la qorsheeyay in lagu qabto New York bisha soo socota ee Juun."

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa qayb ka ah madaxda ka qayb galaysa Shirka.

Wasiirka arrimaha dibadda Ciraaq Fu'aad Xuseen oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in shir madaxeedka Khaliijka iyo Mareykanka uu dhamaystir u yahay shir madaxeedka Carabta ee Baqdaad lagu qabanayo 17-ka bishan.

Madaxweynaha Suuriya qayb kama ah shirka

Baqdaad

Xigashada Sawirka, Villa somalia

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Hoggaamiyayaasha Ciraaq ayaa soo dhoweeyay cunaqabataynta Maraykanku ka qaaday Suuriya, iyaga oo sheegay inay gacan ka geysan doonto in dagaalladii halakeeyay dalka uu dib uga soo kabsado.

Madaxweynaha kumeel gaarka ah Axmed Alsharac ayaa sheegay in uusan ka qayb gali doonin shirka.

Qaar ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ee ay taageerto Iiraan iyo kooxaha xagjirka ah ee Ciraaq ayaa muujiyay calaamad cad oo ah cadawtinimo ay u hayaan jihaad doonkii hore.

Wasiirka Arrimaha Dibada Ciraaq Fu'aad Maxamed Xuseen ayaa isaga oo ka jawaabaya diidmada Alsharaa ee ka qayb galka shirka sheegay in siyaasadda Ciraaq ee arrintani ay caddahay, isagoo xusay in Ciraaq ay martiqaad rasmi ah u fidisay dhammaan madaxda Carabta si ay uga qaybgalaan.

Waxa kale oo uu xusay in dowladda Ciraaq ay fahamsan tahay duruufaha Alsharac, taas oo muujineysa in Suuriya ku matali doonto shir madaxeedka heer wasiir arrimo dibadeed.

Ilo dhanka ammaanka ah ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka AFP in uu jiro amar hore oo lagu soo xirayo Axmed Al-Sharaa, taas oo la xiriirta ku lug lahaanshihiisii dagaalka Al-Qaacida kula jirtay ciidamada Mareykanka iyo xulafadooda. Waana sababta arrintaasi oo uu ku qaatay dhawr sano oo xabsi ah gudaha Ciraaq.