Gaza miyey qarka u saaran tahay macluul?

gaza

Xigashada Sawirka, Ramez Habboub / GocherImagery / Future Publishing via Getty Images

Sida qiimeyn ay Qaramada Midoobay taageertay sheegeyso, dhammaan dadka deggan Gaza ayaa wajahaya "khatar weyn" oo ah macluul.

Sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee haqab-beelka cuntada IPC, Israel waxay weli xayireysaa gargaarka bani'aadannimo in uu Gaza gaaro. Ku dhawaad labo milyan iyo boqol kun oo ku nool Gaza ayaa wajahaya cunto yari aad u daran.

Warixinta waxaa lagu sheegay in xaalada "ay aad uga sii dareysay" ilaa Oktoobar sanadkii hore. Waxaa lagu soo gabogabeeyay warbixinta in weli aysan macluul dhicin.

Nidaamka haqab-beelka cunutada ee IPC waxaa sameeyay hay'ada Qaramada Midoobay FOA, ujeedkuna waxa uu ahaa in ay bixiso xog ku saabsan heerka darnaashaha cunto yarida iyo macluusha meelo kala duwan oo caalamka ah.

Madaxda Israel way beeniyeen in dhibaato gaajo ay ka jirto Gaza, waxayna sheegeen in aysan jirin dhibaato heerkaas gaarsiisan marka la fiiriyo xadiga gargaarka ee galay Gaza labadii bilood ee xabadjoojinta.

Maxay tahay macluul, goormeese lagu dhawaaqaa?

Macluusha waxay dhacdaa marka cuntada yar ee dal haysto ay aad uga yaraato dadkiisa, dadkana ay wajahaan gaajo daran iyo geeri.

In si rasmi ah loogu dhawaaqo macluul inta badan waxaa sameeya hay'adda Qaramada Midoobay, mararka qaarna waxaa la socda dowaldaha ka walaacsan.

Si loogu dhawaaqo macluusha waxaa la isticmaalaa nidaamka cabirka Qaramada Midoobay ee haqab-beelka cuntada. Heerka ay hadda joogto tan Gaza waa heerka shanaad oo ah waxa ugu xun ee dhici kara.

Xaalada

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waa sidee xaalada cunto iyo gargaarka bani'aadannimo ee Gaza?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ilaa iyo 244,000 ayaa hadda ku jira heerka ugu sareeya ee cunto yarida taas oo ah musiibo. Sida lagu sheegay warbixinta, xabadjoojintii labada bilood aheyd ee u dhexeysay Xamaas iyo Israel waxay aheyd wax kumeelgaar ah balse in dagaalka dib u bilowdo iyadoo Israel ay joojineyso gaergaarka ilaa iyo bishii Maarso ayaa meesha ka saartay dhammaan wixii horumar ah ee la gaaray.

Israel waxay bilowday howlgaladeeda Gaza bartamihii bishii Maarso, waxayna joojineysay cuntada, daawada iyo gargaarka kale in ay galaan Gaza 70-kii maalmood ee la soo dhaafay, waxayna ku doodeysay in ay ku cadaadineyso Xamaas sidii ay ku sii deyn laheyd inta ka hartay la haystayaasha.

Warbixinta waxay sidoo kale saadaalisay ku dhawaad 71,000 oo ah carruur ka yar 5 sano inay nafaqodarro noqonayaan 11-ka bilood ee soo socda.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in xaalada hadda lagu jiro ay ka xun tahay qiimeyntii Oktoobar ee sanadkidi la soo dhaafay.

Sida warbixinta lagu sheegay, 93% dadka ku nool Gaza ama 1.95-ta milyan ay ku nool yihiin xaalad musiibo ah.

Qaynuunka

Xigashada Sawirka, Abed Rahim Khatib/Anadolu via Getty Images

Qeynuunka caalamiga wuxuu ka yiri macluulsha?

Sida uu qabo qeynuunka caalamiga in si toos ah loogu adeegsado rayid in la macluuliyo waxay ka dhigan tahay dagaal mamnuuc ah.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in Israel uu waajib ka saaran yahay qeynuunka caalamiga, ayna xaqiijiso baahida dadka Gaza kuwas oo badidooda barakacayaal ah.

Adduunka oo dhan ayaa laga cambaareeyay xanibaada Israel. Qaramada Midoobay waxay sheegtay in sahay gargaar ay ku xayiran tahay xadka Gaza iyagoo sugaya ogolaashaha Israel.

Dhinaca kale, hay'adaha gargaarka waxay ka digeen xayiraada in ay noqon karto dambi dagaal oo u dhigma siyaasada macluulinta.

Philippe Lazzarini oo ah madaxa UNRWA oo ah hay'ada Qaramada Midoobay ee qaxootiga Falastiin ayaa BBC-da u sheegay "shaki kuma jiro in aan wajaheyno dambi weyn. Xasuuq?". Xaaladan waxay la mid tahay xasuuq.

Israel jooogto ayey u beenisaa eedaha ah in ay gashay xasuuq iyo dambi dagaal oo ka dhacay Gaza.

israel

Xigashada Sawirka, Israel Defense Forces / Anadolu via Getty Images

Israel waxay sidoo kale ku eedeysay Xamaas in ay xaday gargaar bani'aadannimo si ay u siiso ciidankeeda ama u sii iibiso balse Qaramada Midoobay iyo hay'adaha kale way beeniyeen eedahaasi iyagoo sheegay in ay si adag ula socdaan nidaamka.

Warbixinta Qarada Midoobay waxay soo baxday markii Xamaas ay sii deysay Aidan Alexander oo Mareykan Israeli ah.

Sidee halkan ku soo gaarnay?

Kaddib weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar sanadkii 2023-kii, ciidamada Israel waxay qaadeen weeraro militeri.

Sida ay sheegtay wasaarada caafimaada Gaza, in ka badan 2,700 ayaa ku geeriyooday dagaalka ilaa iyo markii uu bilowday.

Wajigii ugu horeeyay xabadjoojin saddex qeybood aheyd ayaa dhacday Janaayo, waxaana lagu sii daayay 33 Israeliyiin ah iyo shan u dhalatay Thailand. Israel dhankeeda waxay sii deysay 1,900 oo ah maxaabiis Falastiiniyiin ah, waxayan ogolaadeen in Gaza ay galaan gargaarka iyo alaabaha kale.

gaza

Xigashada Sawirka, Mahmoud Issa / Anadolu via Getty Images

Dhinacyada waxay ku heshiiyeen in wajiga labaad ee wadaxaajoodka lagu daro sii deynta dhammaan la haystayaasha iyo in ciidamada Israel ay gabi ahaan ka baxaan Gaza si dagaalka u dhammaado, balse wadaxaajoodyada wajiga xigay wax horumar ah lagama gaarin.

Dowaldda Israel waxay horaantii Bishan ogolaatay qorshe lagu sii balaarinayo howgalka militeri ee Gaza.

Raysalwasaare, Benjamin Netanyahu, wuxuu ku dhawaaqay in golaha wasiirada dagaalka ee dalka go'aansadeen in ay sii wadaan burburinta Xamaas, lana sii daayo inta ka hartay la haystayaasha. Ururada caalamiga iyo dowaldaha ayaa ka walaacay tallaabadan, waxayna dhalisay in laga doodo natiijada ka dhallan karta.