Xamaas oo faahfaahisay sababta ay u sii deynayso la hayste, Israa'iili-Ameerikaan ah

Xigashada Sawirka, Reuters
Xamaas waxay sheegtay inay sii deyn doonto Edan Alexander, oo ah maxbuus Israa'iili-Ameerikaan ah, laguna tuhunsan yahay inuu yahay maxbuuskii ugu dambeeyay ee haysta dhalashada Mareykanka ee weli nool gudaha Qasa, taasoo qayb ka ah dadaallo lagu doonayo in lagu gaaro xabbad-joojin.
Go'aanka ayaa yimid kahor booqashada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku tagayo Bariga Dhexe maalinta Talaadada. Xamaas ayaa sidoo kale sheegtay in tallaabadani qayb ka tahay fududeynta heshiis lagu ogolaanayo in gargaarka bani'aadannimo uu tago Qasa. Qasa ayaa ku jirtay go'doon dhanka Israa'iil ah muddo 70 maalmood ah.
Horay, sarkaal sare oo Xamaas ka tirsan ayaa u sheegay BBC-da in kooxda hubeysan ee Falastiiniyiinta ay wadahadallo toos ah la leeyihiin mas'uul ka tirsan maamulka Mareykanka oo ku sugan Qatar.
Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil ayaa sheegay in Mareykanka uu ka warbixiyay qorshaha Xamaas ee ah in la sii daayo Alexander.
Sarkaal sare oo Falastiini ah oo xog-ogaal u ah wadahadallada ayaa BBC-da u sheegay in hadalka Xamaas uu ahaa mid muujinaya rabitaanka wanaag kahor imaatinka Trump.
Wuxuu sheegay in kulan kale oo u dhexeeya Xamaas iyo dhexdhexaadiyeyaasha la qorsheeyay inuu dhaco aroorta hore ee saaka oo Isniin ah, si loo dhammeystiro hannaanka sii-deynta Edan, taasoo u baahan doonta hakin ku-meel-gaar ah ee howlgalka milatari ee Israa'iil iyo joojinta duqeymaha cirka inta lagu guda jiro wareejinta.
Madaxweyne Trump ayaa xaqiijiyay sii-deynta Alexander qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ee Truth Social, isagoo ku tilmaamay "war weyn" iyo "tallaabo muujinaysa daacadnimo".
Alexander oo ku dhashay Tel Aviv balse ku barbaaray gobolka New Jersey ee Mareykanka, waa 21 sano jir wuxuuna u adeegayay cutub ciidan oo khaas ah oo ku sugan xadka Qasa xilligaas markii ay Xamaas qaadday weerarkii 7-dii Oktoobar.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
251 maxbuus ayaa la qabsaday intii lagu guda jiray weerarkii Xamaas ee 2023, waxaana gudaha Qasa wali ku haray 59 ka mid ah, iyadoo ilaa 24 la aaminsan yahay inay nool yihiin.
Shan ka mid ah maxaabiista Qasa ku sugan ayaa la rumeysan yahay inay yihiin muwaadiniin Mareykan ah, waxaana Alexander loo aaminsanyahay inuu yahay qofka keliya ee wali nool.
Xamaas waxay ku sheegtay bayaan ay soo saartay in sii-deyntu qayb ka tahay dadaallo lagu doonayo in lagu gaaro xabbad-joojin, lana oggolaado in raashin, dawooyin iyo sahay kale oo bani'aadanimo loo oggolaado gudaha Qasa — oo 70 maalmood ku jirtay go'doon buuxa oo Israa'iil ay saartay.
Kooxdu waxay sheegtay inay doonayso in la gaaro heshiis kama dambeys ah oo lagu soo afjaro dagaalka.
Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil ayaa sheegay in Mareykanka uu la socodsiiyay niyad-samida Xamaas ay muujisay ee la xiriirta sii-deynta Alexander, taasoo loogu talagalay in ay "aragti u noqoto Mareykanka", islamarkaana lagu wado inay keento wadahadallo dheeraad ah oo ku saabsan maxaabiista kale.
Sidoo kale, Israa'iil waxay sheegtay in siyaasaddeedu tahay in wadahadallada lala galo Xamaas "iyada oo dagaal socdo", taasoo ku saleynaysan go'aanka ah in la gaaro dhammaan yoolalka dagaalka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kooxda ololaha u qaabilsan qoysaska dadka la la'yahay, ayaa sheegtay in sii-deynta Alexander "ay tahay in ay calaamad u noqoto bilowga heshiis dhammeystiran oo lagu soo daayo dhammaan maxaabiista haray".
Waxay sheegeen in Madaxweyne Donald Trump uu "rajo geliyay qoysaska dhammaan maxaabiista", waxayna ugu baaqeen Ra'iisul Wasaare Netanyahu inuu "dhammaan dadka dib u soo celiyo".
Xamaas waxay horay u sheegtay in aysan ogolaan doonin wax heshiis ah ilaa uu dagaalku dhammaado, taasoo si isdaba joog ah uu u diiday Ra'iisul Wasaare Netanyahu.
Wadahadallada u dhexeeya Xamaas iyo Mareykanka ayaa socda iyadoo warbixino badan ay muujinayaan in maamulka Trump uu ka niyad-jabayo mowqifka Netanyahu.
Ra'iisul Wasaaruhu sidoo kale wuxuu wajahayaa cadaadis gudaha Israa'iil ah, iyadoo dad badan ay ku eedeynayaan inuu dagaalka sii dheereynayo ujeedooyin siyaasadeed dartood.
Madaxweyne Donald Trump wuxuu imaanayaa Bariga Dhexe maalinta Talaadada, waxaana Israa'iil ballanqaadday inay ballaarin doonto weerarkeeda milatari ee ka dhanka ah Xamaas haddii heshiis aan la gaarin inta Trump uu socdaalka kumarayo gobolka.
Mas'uuliyiinta Israa'iil waxay sheegeen in qorshayaashooda weerarka cusub uu ka mid yahay in si buuxda loo qabsado dhulka Qasa, isla markaana si khasab ah dadka reer Falastiin loogu raro koonfurta, iyo in Israa'iil ay la wareegto qaybinta gargaarka iyada oo adeegsaneysa shirkado gaar loo leeyahay – arrintaas oo ay Qaramada Midoobay iyo hay'adaha gargaarku ka soo horjeesteen, maadaama ay u arkaan in gargaarka loo adeegsado hub ahaan.

Xigashada Sawirka, Reuters
Isra'iil waxay horay uga joojisay dhammaan gargaarka sida cuntada, daawooyinka iyo sahayda kale ee bini'aadantinimo in la gaarsiiyo Qasa muddo 70 maalmood ah, taasoo hay'adaha gargaarku ay ku sheegeen inay tahay siyaasad gaajada dadka loo adeegsanay sidii hub oo kale – arrintaasna waxay noqon kartaa dambiga dagaal.
Israa'iil sidoo kale waxay dib u billowday duqeymaha cirka iyo weerarada milatari tan iyo bartamihii Maarso, kuwaas oo – sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas maamusho – lagu dilay 2,720 Falastiiniyiin ah ilaa xilligaas.
Qaramada Midoobay waxay sheegtay in tan iyo bilowgii sanadka 2025, ay diiwaangeliyeen ilaa 10,000 oo kiis oo nafaqo-darro ah oo carruurta ku dhacday. Qiimaha cuntada ayaa sare u kacay ilaa 1,400%.
Dagaalka waxaa dhaliyay weerar ay Xamaas ku qaaday koonfurta Israa'iil 7-dii Oktoobar 2023, halkaas oo ku dhintay qiyaastii 1,200 qof, in ka badan 250 kalena la afduubtay. Waxaa hadda la rumeysan yahay in 59 maxbuus weli gacanta ugu jiraan Xamaas, iyadoo ilaa 24 la rumeysan yahay inay weli nool yihiin.
Ololaha milatari ee Israa'iil ayaa ilaa hadda sababay dhimashada 52,829 qof oo reer Falastiin ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas maamusho.













